Sunday, February 9, 2014

D/Hoose Ee Hargeysa Oo ka dhisaysa 6Km Oo Laami ah Galbeedka Caasimada


“Shacbiga Caasimada Waxaan Leeyahay Ma Nihin Dad Idiin Soo Shaqo Tagay, Waxaanu Diyaar U Nahay Inaanu Maalin Walba Shaqo Qabano, Wajigayaga Hoos Ha U Dhiginee Bixiya Cashuurta Hadaydaan Qaadhaan Ku Darsanayn” C/raxmaan SOLTECO




mmmmm11




Hargeysa, February 10, 2014 (GNS) – Maayarka Caasimada Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa shalay dhagax dhigay 6 Km oo ka mid ah wajiga saddexaad ee dib loogu dhisayo wadada dhexe ee caasimada dhex marta, kuwaas oo la isku xidhayo Laamiga Cusub ee Kantaroolka Buurta-kala-jeexan ilaa Wasaarada Maaliyada.




Duqa Caasimada Hargeysa Mr Caydiid ayaa intaa ku daray in sanadkan oo bishii labaad aynu ku jirno ay dhiseen 11Km, isla markaana ay dhawaan wajiga afraad iyo shanaad ay ku bilaabayaan wadada Madaarka Caasimada tagta iyo wadada cusbitaalka Hargeysa dhinaca dambe ka marta.




Maayirka Caasimadu waxa uu sidaasi sheegay mar uu shalay warbaahinta uga waramayey bilawga dhagax dhiga 6Km, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Maanta waxa aanu halkan ka bilaabaynaa wajigii saddexaad ee wadada dhexe, iyadoo sanadkii hore 2Km oo ka bilaabanta halkan wasaarada Maaliyada ilaa xarunta Telesom aanu dhignay, ta labaadna ay ahayd 11KM oo aanu sanadkan cusub oo aynu kaga jirno bishii labaad aanu 11Km soo dhignay ilaa halkii aanu kaga soo xidhnay.




Maanta waxaanu wajigii saddexaad aanu halkan Wasaarada Maaliyada ilaa Kaantaroolka Buurta-kala-jeexan, wajiga afraadna waxa uu noqon doonaa wadada Cusbitaalka daba marta oo magaalada dhex marta inta la yidhaa dawn town-ka, wajiga shanaadna waxa uu noqon doonaa wadada Madaarka tagta, halkan waxaan tusaale idiin siinayaa golihii deegaanka ee naga horeeyey ee 10-ka sanadood joogay waxay sameeyeen 54Km marka 10-kii sanadood la isku geeyo oo sanadkii ah 5Km, Sanadkii hore anagu waxa aanu samaynay 14Km oo waa sanadkii aanu meesha la qabsanaynay ee aanu meesha baranaynay, saaka oo aynu marayno bishii 2aad ee sanadkan cusub waxaanu maraynaa 11Km oo run ahaantii ah heer aan hore loo gaadhsiin oo aan wado loo dhigin, shacbiga Caasimada waxaan leeyahay ma nihin dad idiin soo shaqo tagay, umanaanu iman inaanu halkan iska fadhino, waxa weeyi in aanu maalin walba shaqo qabano ayaanu diyaar u nahay, balse shaqada aanu qabanayno waxa ay ku xidhan tahay cashuurta aad bixisaan, anigu jeebadaha kuma sito lacag aan ku bixiyo, laakiinse markaanu intaas oo qudha aanu qabanay waxa aan leeyahay shacbiga caasimada wajigayaga hoos ha u dhiginee cashuurta bixiya, oo hadii aydaan qaadhaan ku darayn cashuurta bixiya.




Waayo maalin walba maaha in aanu shirkad amaah ka doonano si aanu wax ugu qabano, waxaan shacbiga caasimada qaylo dheer ugu dirayaa inay cashuurta bixiyaan, oo cashuurta si iskaaya iyadoon aqaladiina la idiinka soo doonin cid waliba ay cashuurta u keento degmada ay ka tirsan tahay”.




Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Mawliid Waris Cabdilaahi waxaanu yidhi “Maanta waxa aanu halkan ka bilaabaynaa wado 6Km ah oo halkan marka laga bilaabo ilaa Kaantaroolka magaalada looga baxo ee loo yaqaano buurta-kala jeexan, waxa hore usoo socday oo aad la socoteen ilaa halaya ilaa inta lagu soo xidhay wadadan hore u jirtay ee 2Km ahayd ee sanadkii ina dhaafay ee bishii May 2013 la sameeyey oo xarunta telesom ee magaalada badhtankeeda kaga xidhmaysa oo noqonaysa 11Km ayaa soo dhamaystirmaysa marka lagu daro labadan kilometer ee hore u jiray waxay inoo maraysaa 14Km.




6Km ayuu maanta halkan maayirkuna inoo dhagax dhigi doonaa oo cusub hadii alle yidhaahdo, runtii waxa muhiim ah wadooyinka waad arkaysaan oo way socdaan mudana hawsheeda waa lagu jiray waxqabadka dawladana weeyi, anagu dawlad hoose ahaan waanu ku dedaalnay dawlada dhexena way nagu dhiiri galisay Madaxweynaha iyo wasiirka Madaxtooyada ee isagu wadooyinka u xil saaran, runtii garab bay naga siiyeen waanay balanqaadeen in taageerada dhinacooda ay bixinayaan.




Waxa muhiim ah oo aan doonayaa inaan fariin uga faa’iidaysto dadweynaha, wadooyinku waa muhiim la idiin sheegina maayo, laakiin waxa maalin walba dhacda wadooyin cusub oo la sameeyo in biyo lagu dul shubo waxaanad moodaa in dadku aanay fahamsanayn waxyeelada biyuhu u leeyihiin wadooyinka, biyuhu way baabiiyaan, way bahdilaan, way foolxumeeyaan, way googooyaan marka dambe, wadadaa quruxda badan waxa laga yaabaa in aanu madfacu Karin laakiin biyaha maalin walba aqalka ka soo horjeeda ama dukaanka ka soo horjeedaa ku shubo, halkaasi way go’aysaa biyaha lagu shubay”.  




Wariye, A..A.Cige




Hargeysa, Somaliland