Hargeysa(GNA)-Wasiiro xukuumadda Somaliland ka socda ayaa booqanaya Gobollada Bariga Dalka.
Wasiirka Caafimaadka Saleban Ciise Axmed iyo Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid, ayaa hore safari shaqo ugu tegay Gobollada Sool, Saraar, Togdheer iyo Sanaag.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xubno kale oo ka mida Golaha Wasiirrada, ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda u ambo baxaan safar ay ku tegayaan Goboladda Sool, Togdheer iyo Deegaamo kale oo aan wali mucayim ahayn, hase ahaatee ka mida Gobollada Bari.
Ilo-wareedyo ku dhadhow Madaxtooyda ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu weftiga Wasiirrada ah u dirayaan si ay u waajahaan isbedelka Siyaasaddeed ee Maamulka cusub ee Puntland ku yeeshay Gobollada xuduudka ku yaala, sida Gobolka Sool oo guux badani ka jiro, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle.
Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Puntland Cabdixakiin Cumar Camay, ayaa la hadal maalmahan inuu booqanayo Magaalada Buuhoodle oo uu deegaan ahaan ka soo jeeddo.
Booqashadiisa iyo bilowga ka mid noqoshada hogaanka Maamulka, ayaa saameyn ku keentay mawqifkii siyaasaddeed ee Bulshada, taasoo dhinaca Somaliland-na xumad iyo dareen ku abuurtay.
Bulshada gobolka Sool, ayaa wali tebaya Maamul daadejin dawladnimo iyo in laga saacido horumarinta adeegyada Bulshada iyo Waddooyinka, inkasta oo dareen siyaasaddeed oo culusi hada ka soo bu’ayo.
Weftiga Booqanaya ayaa muddo ka hor laga hadal hayay inay halkaasi soo gaadhayaan, hase ahaatee miisaan ahaan may noqon sidii la filayay, balse wasiirka Caafimaadka oo hawlo shaqo u socday ayaa booqday Laascaanood, laba maalmood ka dib markii uu ka soo laabta Wasiirka Cadaaladu.
Ma cadda ilaa hada talaabooyinka u qorsheysan weftiga ee laga fili karo, hase yeeshee safarkoodu wuxuu ku soo beegmayaa xili xiisad deegaan ka soo cusboonaatay deegaanka Kalshaale oo laba sanadood ka hor iska hormaad beeleedyo khasaare ba’an geystay ka dhaceen.
Xiisadan ayaa ka dhalatay iska hor-imaad shalay laba Maleeshiyo ku dhex maray Deegaanka Hagoogane oo wax yar u jira Kalshaale,waxaana iska hor-imaadkaasi labada dhinac ka soo gaadhay khasaare dhimasho iyo Dhaawac isugu jirta.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com