Monday, February 3, 2014

Dhegeyso: Maayir ku-xigeenka Burco oo shacbiga u soo jeediyay inay cashuurta bixiyaan.dhegeyso


DSC00023Burco(GNA)-Dawladda hoose ee Degmada Burco ayaa ku hawlan qorshe bilicda Magaalada kor loogu qaadayo.




Qorshahan ayaa qayb ka ah wareegto uu dhawaan soo saaray wasiirka arrimaha gudaha oo ku saabsanayd hagaajinta bilicda Magaalooyinka waaweyn, taasoo qayb ka mida hore looga hir-geliyay magaalada Burco, hase ahaatee sanadkan bilowga ah dawladda hoose doonayso in la balaadhiyo.




Sidaasina waxa Gobanimonews u sheegay Maayir ku-xigeenka Degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac (Xoday) oo aanu ka waraysanay waxqabadka Dawladda hoose ee sanadkii tegay iyo qorshaha sanadka cusub ee 2014.




Maayir ku-xigeenka ayaa sheegay in Golaha deegaanku sanadkii hore ee 2013-kii xooga saareen hagaajinta iyo dhismaha waddooyinka, sanadkana iyagoo taasi sii wadaya ay qorshayaasha ugu muhiimsan ugu jirto kor u qaadista bilicda Magaalada Burco.




Ku-xigeenka Duqa Burco, Xoday, ayaa dhinaca kale, sheegay inay dadweynaha reer Burco cashuurta bixiyaan, inkasta oo uu sheegay in tiro aad yar oo uu boqolkiiba afartan ku tilmaamay ay bixiyaan cashuurta  ku waajibtay “dadweynaha  cashuurta bixiyaa waxaan ku sheegi karaa 40%-30% inta u dhaxaysa, markaa waxaan ku boorinayaa inay dadku cashuurta bixiyaan, kuwii bixin jiray iyo kuwaan bixinba”ayuu yidhi Maayir ku-xigeenka Burco.




Halkan ka dhegeyso Waraysigan oo dhamaystiran:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Maayir-ku-xigeenka-Burco.mp3"][/audio]