Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa mar kale ku adkeystay inaanu waligii ka mid noqon Firqo diineedyada Somaliya ka jira.
Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii su’aal laga waydiiyay xidhiidhka ka dhexeeya Koox diimeedka Damu-jadiid ee Somalia, kuwaasoo tan iyo markii xilka loo doortay si cad loogu tirin jiray.
Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay inaan wax xidhiidh ah nooc uu yahayba ka dhaxayn Damul-jadiid iyo koox kale oo Islaamiya toona “Somalidu ilaa dawladdii Cabdi-rashiid Cali Sharmaarke madaxweyne kasta oo Somaliyeed waxay u samaynayeen dacaayad, Cabdirashiid waxay odhan jireen waa xukuumad musuqmaasuq, tii Siyaad Barre waa Kacaan, ayaa lagu dacaayadayn jiray, ilaa Dawladdii sheikh Shariif waxa la odhan jiray waxa ku xeeran Alaa-sheikh, anigana inay dacaayad ii sameeyaan wax weyn uma arko”ayuu ku dooday.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray “laakiinse annigu nin Oday ah oo da’diisu maanta wayntahay ayaan ahay waligayna layguma arag, kamana mid noqon Koox diimeed, damu-jadiid ha noqoto ama mid kale ha noqotee, laakinse micnaheedu inaan necebahay in loo qaato maaha ee waanan ka mid noqon khaladna uma arko”.
Xasan sheikh ayaa dhawr jeer oo hore diiday inuu qirto ka mid ahaanshiyihiisa Ururka Damu-jadiid oo lagu tilmaamo inay farac ka mida yihiin Ururka Al-islaax, waxaanu dalbaday in bulshada Somaliyeed dacaayada riqiiska ah ka daayaan Madaxweyneyaasha dalka, si aan umadda tashuush loo kala dhex dhigin hogaanka waddanka.
Dhinaca kale, madaxweynuhu wuxuu soo dhaweeyay in ka mid noqoshada hawl-galka AMISOM ee Ciidamada Itoobiya, taasoo uu ku tilmaamay arrin meesha ka saaraysa sharci daradii Milateriga Itoobiya ku soo geli jireen Dhulka Somalida.
“uma arko in Shacbiga somaliyeed leeyihiin cadow aan ahayn Al-shabaab, Itoobiyana ma ilowsanin waxa naga dhexeeya iyo taariikhdii hore wixii na dhex maray, hadana maanta uma arko in taas wax lagu sababeeyo oo waxaan rabnaa in taariikhdaa lafteeda meesha laga saaro”ayuu yidhi Xasan Sheikh oo la hadlay Barmaamujka Martida Mikirifoonka ee Ideecadda VOA-da maalintii shalay.
“dhawaan waxaa la qaadi doonaan hawl-galo alshabaab ka dhan ah, kuwaa oo Ciidanka xooga dalka iyo Amisom wada qaadi doonaan, waanay socotaa hawshaasi diyaarinteedu”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay in inkasta oo waddanka laga khafiifiyay Cuno-qabateynta hubka, hadana wali dawladiisu taakulo hub ka helin caalamka “cunaqabateynta hubka ee nalaga fududeeyay, noomay suurto gelin inaanu hub caawimo ah helno, laakiinse wuu jiraa waxoogaa yar oo aanu soo siisanay wixii aanu gacanta ku haynay oo aanu ku qalabeyn ciidanka xooga dalka ee iminka shaqeynaya”.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com