Dhegeystayaal waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Heesta Waddaniga ah ee Hubka Dhiga Dadweynoow oo uu ku luuqaynayo Jilaaga Caan baxay ee Sooraan Axmed Sugule iyo Kooxda Fanaantiina Walaalaha Togdheer oo xaga dambe uga jiibinaya.
Heestan waxa sameeyay oo Abwaan Cumar Cadhiye oo ka mida Hal-abuurida waaweyn ee Somaliland.
Waxaanay ka mid ahayd Heesihii Waddaniga ahaa ee bulshada lagu wacyi-gelin jiray xiligii Dagaalada sokeeyee iyo markii dalka lagu soo noqday, sida uu Abwaanku u xaqiijiyay Gobanimonews.
Heestan ayaa ka waramaysa dhibaatada iyo qaxarka uu hubku bulshada dhexdeeda ku hayo, sida aanay horumar u gaadhi Karin inta ay xabadda isla dhacayaan ama ay isu sitaan.
“Horumar aynu gaadhnaa Hubkaasuu ku xidhanyee, hubka dhiga walaaleyaal , haye dheha walaaleyaal”ereyadaasi waxay ka mid yihiin Midhaha heesta ku jira.
Hadaba Halkan ka dhegeyso codkii sooraan iyo Heesta Hubka Dhiga:- [audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/hubka-dhiga-Dadweynoow-2.mp3"][/audio]