Hargeysa(GNA)-“Konton sanadood ayaan ku soo jiray Siyaasadda oo aan intaa dad soo xukumayay, gobanimaddu waxay tahay ayaan bartay. Gobanimadu maaha inaad maal badantahay, inaad awood badantahay, ee gob waxa la yidhaahdaa ama ah dad lala noolaan karo oo lagu dhex noolaan karo”Sidaasi waxa Khudbad Taariikhda gashay ku yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
25.10.2001, ayuu Marxuumku khudbadan u jeediyay dadweynaha ku dhaqan Magaalada Dacar-budhuq, taasoo uu ka sheegay hadalo qoto dheer oo madaxweyne Soomaaliyeed oo isticmaalay dhif iyo nadir yahay ama aanu jirin.
Marxuum Cigaal ayaa xaqiiqadda hogaamintiisa madaxweyne uga waramayay Deegaanka uu ka dhashay ee Gobolka Saaxil “Madaxtinimadayda ma dhacayso inaad ku heshaan waxa dheeraad ah oo aanay dadka Beelaha ee somaliland helin”ayuu yidhi.
Halkan ka Daawo Khudbadaas oo hadalo miisaan leh ay ku jiraan: