Friday, February 7, 2014

Qorulugud: Qoys ka kooban 7 Qof oo ku Sumoobay Biyo ay cabeen


Qorulugud(GNA)-Wararka naga soo gaadhaya Degmada Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle, ayaa ku waramaya in qoys ka kooban 7 Ruux  oo lix ka mid ahi Carruur yihiin, qof kalena hooyadood yahay  ku sumoobeen Biyo ay cabbeen.




Aamina Jaamac Muuse iyo lix ubad ah oo ay dhashay, ayaa la sheegay inay cabeen biyo looga soo dhaamiyay Tuulada Gal-gal oo ay ag degenyihiin, biyahaasoo markii ay cambeen ay ku sumoobeen, isla markaana xanuun aan la aqoonsani asiibay, maalintii shalay.




Dad goob-joogeyaal ah oo ay jiiraan yihiin qoyskan ayaa Gobanimonews u sheegay in qoyskaasi xaaladdiisa caafimaad culustahay, isla markaana 7 Qofba sakaraad yihiin.




Ma jiro wax gurmad Caafimaad ah oo ay heleen, hase ahaatee dadka deegaanka ayaa sheegaya in Magaalada Burco loogu qaylo-doon tegay si halkaasi loogaga soo gurmado.




Warka ayaa intaasi ku daraya in Gaadhi Ambulance ah oo deegaanka Bali-dhiig ka shaqeeyaa Gurmad Caafimaad ugu dhawyahay si loogu soo qaado magaalada Burco.




Degmada Qorulugud, ayaa waxa ku yaala xarun Caafimaad oo aan adeegyadeedu sidaasi u wanaagsanayn, hase ahaatee waxa lagu waramayaa inaan dadkaasi wali la keenin xataa Xanaanada Qorulugud, taasoo sababtay in xaaladdooda Caafimaad culays sii gasho.




Qoyska ku sumoobay Biyaha ayaa waxa Odaygiisa ah Maxamuud Cabdilaahi Axmed oo ah Aabaha Lixda Ubadka ah dhalay.