Monday, February 10, 2014

Somaliland:Qorshe La’aanta Dhaqaale Ayaa Ka Xun Cadowgeeda Siyaasadeed!


1991-kii  Markii lagu dhawaaqay gooni Isu taaga SOMALILAND dad badan ayaa walaac Iyo Niyad xumi ka Muujiyey, inay SOMALILAND Noqon doonto Dal isku filan, Dhaqaale Ahaan.  Hase ahaatee Xogo iyo Daraasado laga Diyaariyey Somaliland, Waxay isku Raaceen, in ay SOMALILAND Tahay Wadan Qani ah oo iskii isku taagi kara, marka aan Waliba xisaabta lagu Darin khayraadka bada iyo Macdanaha dhulka Hoostiisa Jiifa, Oo Shidaalku ka mid yahay.




Hadaba inkastoo aanay Beesha Caalamku ina Aqoonsan Hadana sinaba uguma duwanin Wadamada kale ee Aduunka, Hasa yeeshee dhaqaalaheenu aad ayuu u liitaa, Muuqalka Xaalada dhaqaale ee dalku Maanta ku sugan yahay waxay ka hor imanaysaa xaqiiqada Dhabta ah.   Waxayna ka been sheegaysaa Hantida iyo khayraadka dalka, Mida kale Waxa Laga yaaba in Dadka Qaarkood Aamin sanyahay Deeq yar oo dibada uga timaada.




Hadaba maxaa u sabab ah dhaqaalaha dalka ee ragaaday?




1. Musuq maasuqa jira ka sokow dhakhli yaraanta waxa loo aanayn karaa shaqaalaha iyo hawl Wadeenada wasaarada iyo haayadaha dakhli soo saarka, oo ku shaqeeya nidaam iyo shuruuc Gabowday oo laga dhaxlay Dowlidihii hore ama kuwii Gumaysiga.




2. Haayada hanti dhowrka guud  Oo Fadhiid Noqotay ama gabtay kaalinteedii, waxana la Cadaynayaa in haayad kasta oo dakhli ururisa laga garab isticmaalo buugaagta lacag qabashada ( JUWANO )  fooljari ah .




3. Iskaashi La,aanta Wasaaradaha  Dakhli Soo Saarka, ku waasi Madaxdooda Qaarkood aysan Xataa dareen sanayn in Wasaaradiisu ka mid tahay kuwa Dakhliga laga Rabo




4. Meelaha dawladuhu dakhliga ugu badan ka helaan oo aan Cashuur laga Qaadin.




Si kastaba ha ahaatee Hadii aan Tusaale u soo Qaadano Qaybaha ay Tahay in dowladuhu dhaqaale badan ka helaan waxa kamida, Shirkadaha Isgaadhsiinta,  oo dawladaha horumaray Ay doorbidaan in Si gaar ah loo lahaado, Hadana waxay ka Helaan ama ka Qaadaan Dakhli aaad U Tiro badan, ,Matalan Shirkada ISgaadhsiinta ee Voda Phone waxay dawlada ENGLAND  ka Qaaday  $ 6 milyan, Si Liisanka loogu Cusboonaysiiyo,  KPN  (Holland )  waxay iyana Qasnada dowlada (GERMANY) ugu shubtay $ 7 bilyan, si ay uga shaqaysato dalkooda, intaa Waxa dheerad ka ah Macaash macaashka saaran faa,iidada ay ka helaan.




Waxa Xusid Mudan Dawladaha Africa way ka dhago adaygeen inay Isgaadhsiinta ku wareejiyaan Shirkadaha madaxa banaan, Waayo waxay ka Mid Tahay ilaha ugu Mihiimsan ee dakhligu uga Soo xeroodo, Tusaale  KENYA dakhliga ugu badan waxay ka heshaa BUNKA ka 2aad na waxa Uu ka soo galaa Isgaadhsinta.




Jamhuuriyada JABOUTI dhaqaalaheedu wuxu ku Tiirsan yahay Cashuurta iyo khidmada laga Qaado Badeecadaha kala duwan ee ka soo daga dekada JABOUTI,   kaalinta 2aad na waxa ku Jira Isgaadhsiinta Oo ay Dowladu leedahay.




Dalka TANSANIYA ayaa Ruqsadii ugu horaysay siiyey Shirkad Gaar loo leeyahay ( Private Company  ) Oo ka shaqaysa  Isgaadhsiinta mudo 2 sanadood ah, Tijaabo ahaan, waxana laga Qaaday $ 100 milyan, bal aynu Garab dhigno qiimaha Ogolaaanshaha Shirkadaha Isgaadhsiinta Ee SOMALILAND,  Oo Tiradoodu dhan Tahay 21 shirkadood ( Hashaqeeyaan ama yaanay Shaqayne) Waa Tirada Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiintu siisay Ruqsadaha in ay dalka ka Ganacsadaan )  waxay bixiyaan $ 60000 kaliya sanadkiiba, iyo Qadar kale oo dhan $ 6 kun, oo Cashuurta Faa,iidada Sanadka ah.




Ujeedadaydu maaha in ay Dawladu yeelato Isgaadhsiinta Mana ah in ayLacagta intaa leeg Bixiyaan, Shirkaduhu wakhtigan xaadirka ah, Ee U jeedadaydu Waxay Tahay in iyaga Shirkadaha Xawaaladaha iyo kuwa kaleba Bixiyaan Cashuuraha ku waa jibay si lo xaqiijiyo Jiritaanka somaliland,iyagguna ay u jiri karaan,sidaas oo kale dawladda ama cidda ay khusayso,waxa looga baahan yahay,inay ka soo baxaan,xilka saaran iyo wixii xaq loogu leeyahay oo ay ka mid yihiin…..la soco