Diyaarad qaadaysa 230 qof oo markii ugu Daallo ka soo dejisay Madaarka Hargeysa
Hargeysa (GNA) Diyaaradii ugu waynayd ee Air Buss A321 oo qaada rakaab dhan 230 qof ayaa maanta soo caga dhigatay Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeysa.
Diyaaradani oo ay leedahay shirkada Diyaaradaha ee Daallo Airlines, ayaa noqonaysa tii ugu horaysa ee nooceeda ah ee abid soo fadhiisata Madaarka Hargeysa, oo dhawaan Dhabadiisa dib u dhis lagu samaayey.
Munaasibad kooban oo loo qabtay soo dhaweynta Diyaarada ayaa waxa ka hadlay Duuliyaha waday oo ka waramay Tayada Run-way-ga cusub ee Madaarka.
Kabtankan oo ay hareero taagnaayeen raxan ka mida hawl-wadeenada diyaaradan ayaa sheegay “ Madaarkani waa mid Caalamiya oo leh Run-way tayo saro leh, taas oo aan ku xaqiiqsaday markii aan soo dagay, Runwaygiisuna waa mid aad u baaxad weyn, soo dagatiisuna aanay wax dhib ah lahayn, runtii shaqadaya aad ayuu u fududeeyey Run-waygu, adeegyada halkani waa kuwo sareeya, waa markii ugu horaysay ee aan halkan imaado, waxan ku rajo weynahay inaan ku soo noqnoqon doono.” Ayuu yidhi Kabtankaasi.
Maamulaha Xafiisyada shirkadada Daallo Airlines ee Somaliland Maxmed Sheekh Yuusuf oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay Diyaaradani ka mid tahay adeegyo cusub oo shirkadada Daallo Airlines ay ku soo kordhisay duulimaadyadeeda somaliland.
Maxamed Sheikh ayaa intaasi ku daray inay qorsha ugu jirno inay Diyaaraddani Duulimaadyo toos ah ku tagto Magaalooyinka Paris iyo Lodon, taas oo dadka rakaabka ah u fududeyn doonta safaradooda.
Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “ waa markii ugu horaysay ee Taariikhada Somalilamd ay Diyaaradani Air Buss A321 oo ah mid baaxad weyn, ay soo cagadhigato Madaarka Cigaal, waxay qiimo weyn u tahay Umaddan, waxay qiimo weyn u tahay shirkada Daallo iyo shaqada ay Umadda u hayso, waxa kale oo ay ka markhaati kacaysaa shaqada weyn ee laga qabtay Runway-ga Madaarka Hargeysa, iyo in dib u casriyeyntii lagu sameeyey ay ahayd mid heerka caalamiga ah, waana sida ay maanta kabtana iyo Engineerada diyaaradani ka markhtaati kacayaan, hore looga markhaati kacay.”
Wasiir Xaashi ayaa intaasi ku daray “ maanta sidaa ay Daallo Airlines u balan qaadayso inay adeegyadooda hagaajiyaan, anagauna waxaanu dhincayaga ka balan qaadaynaa inaanu wax weyn wakhtiga Xagaaga ka badalo Madaarka Hargeysa, Runwa-ga waanu kor dhin doonaa, hakan Abronka wax ayaanu ku dari doonaa, Terminalada oo aanu balaadhin doono, Mishiino shada fudaydiya oo aanu keeni doono, taasina waa Himilada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.
Diyaaradani Air Buss A321 oo maanta ka timid Magaaladda Muqdiso sidyana dad rakaab ah, ayaa isla maanta ka duushay Madaarka Madaarka Cigaal International Airport iyadoo qaaday dad rakaab ah una sii jeeda Magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Shirkadda Daalo Airline oo tan iyo markii dalka lagu soo noqday bulshadu uga baratay fududeynta safarada Dibada ee bulshooyinka oo ay kaalin weyn ka qaadatay xiligii diyaaraduhu dalka ku yaraayeen, ayaa dhawaan diyaarad kale oo cusub duulimaadyadeeda dib ugaga bilowday Madaarka hargeys.
Taasoo ahayd Boing 73 oo ka soo degtay Madaarka markii la dhamaystiray dib u dhiska dhabaha diyaaradaha.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com