Friday, December 13, 2013

Somaliland:Xukuumadda oo WFP ku amartay inaanay bixin Mashruuc aan soo marin Xafiiska FCO


 



Hargeysa(GNA)-Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP ee Xukuumadda Somaliland Yuusuf Cismaan Garas ayaa soo saaray Wareegto uu Hay’addaha Deeqaha bixiya  iyo kuwa Xukuumiga ku farayo inay dalabka Mashaariicda, codsashada iyo bixinta Mashaariicda Hay’adda WFP si sharciga dawladda waafaqsan u maraan, isla markaana aanay WFP bixin Karin mashruuc aan ogolaanshiyo ka haysan Hay’adda Dawladda u qaabilsan xidhidhinka Mashaariicda ay fuliso.



Nuqul ka mid ah Wareegtada Maareeyuhu soo saaray oo Gobanimonews heshay, taasoo lagu socodsiiyay Hay’adda Dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ee Qaramada midoobay siiba WFP, ayaa lagu sheegay in xafiiska FCO Dawladda uga masuul yahay isku xidhka Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adda Cuntada adduunka ee WFP.




Waxa lagu sheegay Wareegtadaasi in shaqada Xafiiska FCO tahay xeraynta iyo gudbinta codsiyada mashaariicda shaqo ee loo qoranayo WFP, sidaasi darteed waxa lagu amray dhamaan dhinacyada arrintani khusayso ee xukuumadda iyo Hay’ada kale ee Maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga ahba inay raacaan nidaamka xafiiskani u jiro, fuliyaana awaamiirta wareegtada ku xusan.




Xafiiska Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP oo ka mid ah Hay’addaha Madaxbanaan ee xukuumadda siilaanyo aasaastay markii ay talada la wareegtay, ayaa ka shaqeeya isku xidhka iyo nidaaminta Mucaawimooyinka Hay’adda Cuntada adduunka ee WFO dalka ka fuliso.




Waxa ka mid ah Mashaariicdaasi kuwa raashinka qalalan ah oo lagu taageero goobaha waxbarashada, Mashaariicda qodaalka Beeraha iyo Dhaamamka ama waxa loo yaqaano (Food for work).




Waxaana mashaariicdaasi iyo kuwo kale oo cuntada nafaqada leh ah oo lagu bixiyo Cisbitaalada iyo xarumaha Daryeelka Hooyada iyo dhaqaalanka ku baxda lacag aad u xadi badan oo Malaayiin dollar gaadhaysa, taasoo hadii mashaariicda loogu talo galay sidooda loogu fuliyo dalka wax badan u tari lahayd.




Wareegtadaasina waxay u qorneyd sidan:-