Wednesday, December 18, 2013

Somaliland:WADDANI iyo UCID oo la kala furayo


Waddani iyo Madaxtooyada oo la sheegay inay ka heshiiyeen murankii Shirka dood qaran iyo Ucid oo aamusan wali”Warbixin




Hargeysa(GNA)-Hadal hayn  ayaa Bulshada dhexdeeda ka taagan dib u dhaca ku yimi Shirkii doodda qaran ee ay labada XIsbi Mucaarid  doonayeen inay qabtaan bishan gudaheeda, taasoo la hadal hayay inay qabsoonto 14 December.




Warar soo baxayay maalmihii ugu dambeeyay ayaa sheegay in shirkaasi qabashadiisa lagu wareejiyay Akaadamiyadda horumarinta iyoi Nabadda Somaliland, iyadoo ay isku waafaqeen dhamaan Dhinacyada Xukuumadda iyo Mucaaridku.




Ma jiro war rasmiya oo soo baxay oo arrintan lagu xaqiijiyay, hase ahaatee warbaahinta iyo dadka ku foogan arrimaha siyaasadda ay si weyn u hadal hayay.




Dhinaca kale, waxa wararka ku saabsan heshiiska laga gaadhay doodda qaran ee Xukuumadda iyo Mucaaridka dhex maray sii tahkiidinaya  kulan maanta Qasriga Madaxtooyadda ku dhex maray labada Guddoomiye ee Baarlamanka iyo Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo ka dhashay dhexdhexaadin Guddoomiyaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan ka dhex waday Siilaanyo iyo Cirro.




Kulankan oo ay maalmahanba ka odaynayeen Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan iyo X  Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) waxaana dood iyo falanqayn dheer oo ay banaanka kula soo yeesheen Cirro kadib maanta suurtogashay in ay u kaxeeyaan dhinaca Qasriga Madaxtooyadda.




Shirkan oo Albaabadu u xidhnaayeen, ayaa ilo-wareedyo ku dhadhow laga soo xigtay  in xal lagaga  gaadhay Doodii Qaran ee ay labada dhinac ku muransanaayeen, taasoo sida horeba loo hadal hayay la tilmaamay inay Akadamiyadda Nabada iyo Horumarka lagu wareejiyo oo ay dhex dhexaad ka noqoto dhinacyada oo dhamina ka wada qayb  noqdaan.




Dhinaca kale, sida lagu shaaciyay barta internet-ka Waaheen.com,  qoddobka ugu xaasaasisanaa ee lagaga hadlay kulankan waxa lagu sheegay inuu ahaa qaabka uu guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro ugu qoray Madaxweynaha taasoo uu ku diray magaca Golaha wakiiladda halkii ay ahayd in Axsaabta Mucaaradka ahi ay ka dalbadaan in uu cid u soo dirto Dooda Qaran, waxaana la sheegay in uu Cirro ka cudur daartay qaab qoraalka Warqadaasi oo uu qirtay in ay si qalad ah uga soo baxday.




Dhaqdhaqaaqyada Iminka socdaa, ayaa ah kuwo  u dhexeeya  Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Xukuumadda oo uu madaxweyne Siilaanyo ugu horeeyo, kuna lamaanyahay arrimahaaso magaca xisbiga Waddani oo aad moodo inuu Saaxadda Mucaaridada kaga kulul yahay Xisbiga Ucid ee saddex jeer guul-daraystay.




Ma cadda ilaa hada mawifka Xisbiga ucid ka taaganyahay arrimaha , isla markaana Guddoomiyaha Xisbigaasi oo ay xukuumadda aad u kala fogaadeen kaga fal celin doono, hadiiba shirku noqdo mid ay xukuumaddu daaha dabadiisa ka hagayso.




Si kastaba ha ahaatee xogo Gobanimonews heshay iyo ifafaaleyaasha muuqda ayaa muujinaya in qorshaha Madaxweyne Siilaanyo iyo Cirro laysugu geeyay, isla markaana isfahamka looga dhex abuuray ay tahay ujeeddo dariiqa loogu sii xaadhayo in la kala furo labada Xisbi mucaarid ee Isbahaysiga bilaabay beryahan dambe.




Qorshahaasi ayaa dulucdiisa laga dhadhansanayaa inay Madaxtooyaddu doonayso inay Guddoomiye Saaxiib dhow la noqoto, isla markaana uga jarto Faysal Cali Waraabe iyo Kooxda la baxday Madasha wada-tashiga Qaran.




Labadan siyaasi ee Xisbiyadda hogaaminaya ayaa hore waxa u dhex maray qardaafo siyaasaddeed laba sanadood ka hor, ka dib markii ay isku qabsadeen mulkiyadda Xisbiga Ucid oo ay hogaankiisa ka tirsanaayeen.




Waxaana xiligaasi UCID looga hadhay dacwad dheer ka dib Faysal Cali waraabe, iyadoo markii dambena sanadkan horaantiisii ay dan siyaasadeed dib  u soo celisay saaxiibtinimadoodii , iyagoo kala hogaaminaya laba xisbi oo Mucaarid ah.




Laakiinse isku day kasta oo lagu manjaro habaabiyo shirkii dood qaran oo Goboladda dalka laga soo dhaweeyay, waxa adag in laga faro maroojiyo Guddoomiye Faysal oo marka cirro la barbar dhigo ka mawqif iyo go’aan adag.




 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: eeditor@gobanimonews.com