Shan Gaadhi oo RRU iyo SPU isugu jira oo la dul dhigay Xafiiska Hubaal iyo Xaalad abuurka xukuumadda
Hargeysa(GNA)ciidamo bilays ah oo tiro badan ayaa la wareegay Xarunta Wargeyska Madaxabanaan ee Hubaal, gelinkii dambe ee Maanta.
Ciidankan ayaa wata ilaa Shan Gaadhi oo Xaajiyadaha ah, kuwaasoo ka kooban Ciidanka RRU_da iyo kuwa SPU_da loo yaqaano.
waxa xarunta wargeyska ku sugnaa xiligaasi qaar ka mid ah shaqaalaha iyo dad kale.
Ciidanka ayaa lagu wareejiyay gabi ahaanba eeriyada dhismaha xarunta Wargeyska, iyadoo loo diiday inay cidi soo gasho iyo in laga baxo toona.
Wariye ka tirsan Gobanimonews oo goobta booqday ayaa indhihiisa ku soo arkay Ciidamo madaxa duuban iyo Gaadiid faro badan oo meesha tuban.
askarta ayaa wariyeyaasha iyo dad kale ee caadiga ahba u diiday inay gudaha u galaan xarunta.
sidoo kale saraakiisha hawlgalka hogaaminayay oo uu ka mid aha Taliyaha Saldhiga dhexe ee Caasimada ayaan u muuqan kuwo ka jawaabaya sababta loo weeraray xarunta wargeyska Hubaal.
Dadweynaha fara badan oo meesha ku soo uruuray ayaa argagax ka muujiyay sida ay ciidankani hadhka cad u weerarareen Xafiiska Wargeyska.
Askarta ayaa sheegay inay agabka Xafiiska yaala qaarkood gaadiidka ay wateen ku qaateen.
Wargeyska Hubaal ayaa bishii afaraad ee sanadkan xili saqdhexe ah Koox hubaysan oo xukuumadda loo tuhunsanyahay soo weerareen.
Ma cadda sababta mar kale weerarkaasi loogula kacay Maanta.
saddex maalmood ayaa laga joogaa markii ay xukuumaddu xabsiga ka soo daysay afar wariye oo todoba maalmood u xidhnaa.
La soco wixii ka soo kordha,,,