Saturday, December 14, 2013

Qorshe la’aanta Wasaaradda Dib u dejinta.by Xuseen Badmaax


Hab-qanka wasaaradaha xukuumadan maanta dalka hogaamisaa waxay kaga dhigtay (Waxaanu qabanay wax badan..horumar ayaan dalka dhinac walba ka samaynay).Bal hadaba aynu tusaale u soo qaadano wasaarada dib u dejinta.




Shacabka Jamhuuriyada Somaliland horta ma yaqaan jiritaanka wasaaradaas waxqabad daayoo!Dhowaan wafti ka tirsan wasaaradaas ayaa u baxay deegaanada Sallaxley iyo Sabawanaag,mar aan radio hargeysa ka dhegaysanayay hadaladii ay warbaahinta shacabka u soo marinayeen ayaa madax-xanuun igu riday,waxay dadka ku wacyi gelinayeen:




1.Balli cusub,barkad cusub iyo tuule cusub inaanay deegaanku samaysan Karin.




2.Ogolaansho in wasaarada laga soo qaato.




3.Deegaanadaasi inay daaqsin xoolaha ay yihiin lagana samayn Karin biyo qabatin iyo tuulo cusub midnaba.




 




Hadaba hadaynu eegno wacyi gelinta ay wasaaradaasi wado waxay inna tusaysaa inaanay xukuumadu wax qorshe ah u dejin:




1.Siyaasad lagaga guuro  xoolo dhaqatada.




2.Siyaasad lagu nagayn lahaa xoolaha iyo xanaanaynta xoolaha.




3.Siyaasad guud oo lays qabadsiiyo fadhiisinta xoolaha iyo horumarinta beeraynta degaanka.




4.Siyaasad guud oo qeexaysa qaabkii beeraylay loogu guuri lahaa.




5.Siyaasad guud oo qorshaysan laguna xoojin lahaa beeraynta iyo xoolaha




 




Tani ayaa inoo cadaynaysa inay jirto habqan ku salaysan aqoon darro hawlaha qaran ee ay wasaaradaha qaarkood u xilsaaranyihiin.Waxa muuqata inay lid ku yihiin horumarka kala guurka hab-nololeedka shacabka Jamhuuriyada Somaliland.Waxa iswaydiin mudan horumarka dalka looga baahanyahay dhinacyada xoolaha iyo beeraha ma biyo kordhin iyo fadhiisin xoolaha ah ayaa horumar lagu gaadhayaa,ma beeraha oo qorshe guud oo horumarin ah ayaa loo baahanyahay mise in deegaanka dib loogu celiyo xoolo dhaqato ayaa horumar lagu gaadhi karaa!




 




Wasaarada dib u dejintu waxay ka mid tahay wasaaradaha shacabku ka filaayay hawlo badan oo qorshe guud ku salaysan inay dalka ka qabato balse aqoon darada haysa awgeed ayaa ka dhigtay wasaarad saqiirtay.




Xukuumada maanta dalka ka talisaa waxay ku guulaysatay urursiga masuuliyiin ka indho la’ hawlaha loo xilsaaray.Markaa sidee horumar dhab ah loo gaadhi karaa.




Arrimahan iyo guud ahaan-ba siyaasad guud ee horumarka dalka waxa looga fadhiyaa xisbiyada mucaaridka ah inay ummada u soo bandhigaan isbedel dhab ah oo ka duwan nidaam-yadan dawlada murdiso ku fashilantay.




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL