Sunday, December 15, 2013

MUXUU GALABSADAY SAACID , MAXAA FAYSAL LAGU DILAY, MAXAY HADDA SOO WATAAN, KOOXDII QALIN KU DHIIGLAYAASHA EE SAXIIXAY MOOSHINKA.


Wasiiradii bur buriyay xukuumadii horre, oo fahmi la nabsiga ay ka galeen kuraastii ay ku fadhiyeen , waxay hadda u dhaqmayaan, inay dalka leeyihiin, mana rumaysnna in uu jiro dastuur, kumana qanacsana in ay dambi ka galeen umdda soomaaliyeed, oo manta ku sugan xukuumad la aan .




 




Iyadoo aan la ansixin raisulwasarihii cusbaa, ayay abuureen guluf siyaasadeed, oo ah aannu kaala shaqayno sidii lagugu ansixin la haa ee noo balanqaad in aad naga dhigayso wasiiro , oo nagu soo celinayso kuraastayadii aannu ka gallay nabsig  siyaasadeed, kuna burburiney gacantayada midig .




 




Umadda soomaaliyeed , waxay u rahmantahay koox yar oo aan la hayn khibrad siyaasadeed, mid wadaniyed iyo mid dowladnimo, lagumana gaarayo guul yoolka ay higsanayaan balse waxay dalka ( KU CELINAYAAN XABAASHII SIYAASADDA )




 




Kuwii, taageersanaa mudanne  ( XALANE ) inuu noqdo raisalwasaare, ayaa hadda ku gadaaman raisalwasaaraha aan wali la ansaxin ( WAA NASIIB DARO ) waxayna ku jiraan baayactan siyaasadeed .




 




Mudane xalane, waa nin ku fiican dhaqanka waana nin aqoon leh, kolkii uu xaqiiqsaday inaanu calaf ku lahayn jagadda wasiirka koowaad, waxaa loo soo jeediyay inuu noqdo wasiir waana diiday, halkaa waxaa ka cad (QABKIISA) waana dhoofay .




 




Ragii riday xukuumadii ay ka mid ahaayeen (MA QABO INAY RAADIYAAN XIL CUSUB), maxaa yeelay haka warameen kursigii ay ku fadhiyeen ( HALKA SANNO ).




 




 Murti Ayaa Oranaysa, ( NINKA MAQASHA LAGU AAMINI WAAYO AYAY SOOMAALIDU GEELA U DIRATAA ) .




 




 Raisalwasaaraha cusub waxaan uga digayaa, inaanu ku soocelin saaxada siyaasadda, kuwii hanan kariwaayay  kursigii ay iyagu ku manaafacaadsanayeen.




 




Hadaad nagu soo celiso, oo culays kaaga yimaado madaxwaynaha, wax badan oo aan maanta soomaaliyi kaa aqoon ayay kaa baranaysaa , waanna niyad jab wayn .




 




Qof kasta, oo ka dhaca imtixaanka iskuulka waa inuu dib ugu noqdaa wax barashadiisii , siyaasadunna waa la mid sidda uu ii sheegay Alla haw naxariistee MAXAMAD XAAJI IBRAAHIM CIGAAL .




Waxaa is weydiin mudan  184 tii mudane xagee bay ku danbeeyeen , waana ku khasban yihiin inay codka kalsoonida siiyaan raisalwasaaraha cusub , maxaa yeelay halkii laga soo amray markii hore ayaa maantana laga soo amrayaa , waayo ma ahayn mooshinku mooshin ka yimi baarlamaanka gudihiisa  ee waa MUSTAFAYSNAA.




 




KHABIIR SIYAASADEED