Madaxweynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo Waxaan u Gudbinayaa Talo Bixin Muhiim u ah, Wada Shaqaynta Warbaahinta iyo xukuumada Dalka Sidaasi Awgeed Waxaan leeyahay Madaxweyne Waxaad Tahay Hogaamiyaha Qaranka somaliland Markaasi Mucaarid iyo Muxaafidba Adigaa u madaxweyne ah Sidaasi Darteed Guud ahaan Saxaafada dalku waxay ka shaqaysaa waa gudbinta wararka dalka oo isugu jira Waxqabadka Dawlada iyo dhaliil wixii jira,
Hadaba Mudane Madaxweyne waxaa lagama maarman ah in wasaarada ku shaqada leh xidhiidhka Warbaahinta Gaarka ah ee madaxabanaan iyo ta xukuumadu hogaamisaa Wada yeeshan wasaarad warfaafineed oo ku hogaamisa Sharciga iyo Cadaalada, Balse Mudane Madaxweyne Wasiirka Wasaarada warfaafinta Wasiirka wakhtigan hogaamiyaa Waa Cukuse oo warbaahin madaxbanaan iyo mid xukuumadeedba fidmuu ku kordhiyay lagamana yaabo Dhaqanka Afmiisharnima ah iyo munafaqada uu kala dhexdhigay warbaahintii xukuumadu inay shaqayso, Sidaasi darteed Golaha xukuumad oo ah golihii golihii fulinta ee hawlaha Qaranka Iyo Madaxweynaha Shacabku doortayba waxaan leeyahay fidmaad ku dhaxtuurteen guud ahaanba warbaahintii dalka Fidmadaasina Waa C/Laahi Cukuse.
Sidaas Darteed marka hore waxaa lama huraan ah wadashaqaynta warbaahinta madaxabanaan iyo ta xukuumiga ahayd in loo helo wasiir aan ku xoogsan mihnada saxaafada oo dhexdhexaad u noqda guud warfaafinta gaarka ah iyo wasaaradda warfaafinta iyo wacigalinta somaliland.
Hadaba waxaan Talo gudbintaydan ku socota madaxweynaha qaranka Mudane Axmed-Silaanyo Iyo xukuumada ugu bayaaminayaa,
Waxaa Tusaale gar-naq ah idiinku filan khilaafkii uu wasiir cukuse ka dhex abaabulay Maareeyihii TVga Qaranka Iyo Shaqaalihii uu maamulaayey oo damaca Cukuse uu doonayo ku hadaaqay, Waxaa Ayaan daro Maamul Noqon kara dhaqan ku baaha guud ahaan shaqaalaha dawlada Sidaas Darteed waxaan ku soo koobayaa Madaxweyne Fidmada Warbaahinta Dalku waa Wasiir Cukuse ee Ka Qabo Saxaafadda.
WA BILLAAHI TAWFIIQ
By:- Mawliid Aadan Cumar