Jubba-(GNA)-Madaxweynaha Dalk Koofurta Sudan Salva Kiir Ayaa Ku Dhawaaqay In La Fashiliyey Isku Day La Doonayay In Lagu Afgambiyo, kadib Dagaalo Cul Culus oo ka dhacay Magaalada Jubba ee Caasimadda Dalka Koofurta Sudan.
Madaxweyne Salva Kiir oo Goor Dhaweyd Shir Jaraa’id Qabtay Ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka ay si buuxda Gacanta ugu hayaan Ammaanka Caasimada, Isaga oo ku Eedeeyay Ku-xigeenkiisa hore Riek Machar uu doonayey inuu Afgambiyo.
Iska hor Imaadyo u dhaxeeya Ciidamo ka Wada Tirsan Madaxtooyada ayaa ka dhacay Xero Military oo ay Ciidanka Leeyihiin.
Dad Rayid ah ayaa ku Dhaawacmay iska hor Imaadyada, Halka Boqolaal Ruux Ay Barakaceen, Ergeyga Qaramada Midoobey u Qaabilsan Koofurta Sudan Oo Ah Haweeneyda lagu Magacaabo Hilde Johnson ayaa ka Codsaday dhinacyada Dagaalamaya Inay Xabadda Joojiyaan Oo Ay U Tudhaan Shacabka
Bandow Habeenkii ayaa lagu soo Rogey Magaalada Jubba, kaas oo Madaxweynaha Koofurta Sudan uu sheegay in ammaanka lagu soo celinayo.
Afhayeen u hadlay Milateriga ayaa ugu baaqay Dadka Rayidka ah in Aanay Guryahooda ka soo bixin, inta laga Xaqiijinayo Ammaanka
Waxaa Xidhan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jubba, sidoo kale goobaha Ganacsiga ayaa iyana Albaabada Loo laabay.
Dalka Sudan ayaa waxaa ku Sugan Soomaali Fara badan oo Ganacsato ah, iyada oo la soo sheegay in iska hor Imaadyadii dhacay ay saameyn ku Yeesheen.
Ninka lagu Magacaabo Riek Machar oo ahaa Madaxweyne Ku-Xigeekii hore Koofurta Sudan ayaa tan iyo markii la ceyriyay waxaa dalkaas ka jiray xiisado Siyaasadeed, iyada oo Hoggaamiyahan uu sheegtay inuu doonayo in Tartanka Madaxtinimada Dalkaas uu Sannada 2015 Kula Tartamo Madaxweyne Salva Kiir.
Gobanimonews.-Desk