Friday, December 20, 2013

Hargeysa: Sarkaal Dawladda u shaqeeya oo la toogtay


Daami oo kacsan wali iyo Hay’addaha amaanka oo ku mashquulsan cabudhinta Saxaafadda




Hargeysa(GNA)-Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa toogasho ku dhaawacay Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Korantada dawladda ee Hargeysa.




Nin la sheegay inuu Gaadhi yar watay ayaa toogtay Sarkaalkan oo ku sii jeeday Gurigiisa galabta Ilyaas Daa’uud Ibraahim oo ahaa Madaxii shaqaalaha ee xarunta Hay’adda Korantada, sida laga soo xigtay dad goob-joogeyaal ah.




Waxa uu ku sii jeeday Gurigiisa oo ku yaala xaafadda Nasiye ee Degmada Gacan libaax, sida ay wararku sheegayaan.




Ma jiro war ka soo baxay Laamaha amaanka oo la xidhiidha falkan, hase ahaatee saraakiisha amniga ayaa laga soo xigtay inaan cid loo qabtay jirin falka ilaa hada.




Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa hada Ciidamada boolisku ku daba jiraan dadkii ka dambeeyay falka.




Ninka la dhaaawacay ayaa loola cararay cisbitaalka Guud ee Hargeysa, waxaana xiliga la wareeray uu marayay Dariiq.




Dilalka qorsheysan ee lagula kaco dadka rayid ah ayaa ku soo badanayay Caasimada dalka bilihii ugu dambeeyay.




Falkan caawu wuxuu ku soo beegmayaa xili ay Xaafadda Daami ka taagantahay xiisad ka dhalatay dil qof dumar ah loogu geystay xaafadaasi todobaadyo ka hor.




Ciidamada amaanka ayaa saddex maalmood ee ugu dambeeyay xaafadaasi ka soo qab-qabtay tiro dad ah oo lala xidhiidhanayo rabshado xaafadda ka dhacay.




Soo qab-qabashada dadka ayaa ka dambeysay iska hor-imaadyo askar lagu dhaawacay oo dhex martay ciidamada iyo dhalinyaro ka gadoodsan dilka gabadhan oo la aasay jimcihii la soo dhaafay.




Hase ahaatee dhacdooyinka isa soo taraya ayaa imanaya xili Taliska Ciidanka bilaysku ku mashquulay cadaadiska Saxaafadda iyo cabudhinta wariyayaasha oo muddo laba todobaad ah gabood falo ka dhan lagu hayo.




Xarunta Wargeyska Hubaal ayaa ilaa Jimcihii la soo dhaafay u xayiran Hay’addaha amaanka, waxaana ku sugan Ciidamo bilays ah oo la wareegay.




Taliska Bilayska ayaa looga fadhiyaa inuu wax ka qabto dilalka iyo fowdada ka dhacaysa caasimadda dalka inta uu ku mashquulsanyahay soo qabqabashada suxufiyiinta iyo xayiraada xarumaha warbaahinta.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com