Saturday, December 14, 2013

Boqol Kun Oo Itoobiyaan Ah Oo Laga Saaray Sucuudiga


Jiddah (GNA) – Waxaa waddanka Itoobiya gaadhaya in ka badan boqol kun oo ka mid ahaa Itoobiyaankii laga saaray dalka Sucuudiga ee mudada dheer ka shaqeysanayey, kuwaasi oo ka mid ahaa qoomiyado badan oo dalkaasi laga mastaafuriyey.




 




Hay’ada IOM ayaa sheegtay in Itoobiyaanka dib loogu celiyey wadankooda ay gaadhayaan 115,465 tan iyo intii ay dowladda Sucuudiga bilowday tarxiilka dadka soogalootiga ah bishii lasoo dhaafay ee November.




 




Dadka dalkooda Itoobiya dib ugu soo noqonaya oo u badan Itoobiyaanka ka shaqeysan jiray dalkaasi Sucuudiga iyo kuwo qaxootinimo dalkaasi ku galay ayaa sheegay in loo geystay jidhdil iyo kufsi.




 




Itoobiyaanka ayaa ku eedeeyey ragga sucuudiga ah inay kufsi joogto ah ku hayaan haweenkooda, isla markaana la jidhdilo ragga Itoobiyaanka ah marka ay qabtaan ciidamada Booliiska Sucuudigu.








 




 




 




 




 




Hay’ada u dooda Xaquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch ayaa sidoo kale ku eedaysay ciidamada Sucuudiga falal ka dhan ah xaquuqul Insaanka, inkastoo Boqortooyada Sucuudiga ay beenisay eedaynmahan.




 




Dhanka kale, waxaa ka mid ah dadka hadda lagu hayo xabsiyada Sucuudiga kumanaan Soomaali ah oo aan iyagu heysan wax sharci ah, balse Soomaalida ayaa uga duwan Itoobiyaanka oo ah dad ay si weyn ugu dooday dowladoodu.




 




Dowladda Itoobiya ayaa diyaarado u dirtay Magaalada Riyaad si dib loogu soo celiyo dadkeeda, halka Safaarada Soomaalida aan weli wax war ah laga heyn, iyadoo sidoo kalena ay jiraan boqollaal kun oo dalka Sucuudiga iyaguna isaga baxay, kuwaasi oo ka soo jeeda wadamada Aasiya.




 




Boqortooyada Sucuudiga ayey ku sugan yihiin ajaanib lagu qiyaasay 9 milyan oo isugu jira kuwo aan sharci heysan iyo kuwo shaqeysta, sida ay dowladaasi sheegtay, waxaana dadka ku nool wadankaasi lagu qiyaasaa 29.9 milyan.




Gobanimonews.-Hargeaysa/somaliland




office