Tuesday, December 17, 2013

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumeysigu mudadii u Xilka Hayey Wuxuu Muujiyey Karti”.


Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumeysigu mudadii u Xilka Hayey Wuxuu Muujiyey Karti iyo Horumarka Wasaarada Kaluumeyisga  Somaliland.Qormadii 2 aad:




Hadaba qormadeenii hore waxaynu kaga hadalnay dadaalkii dheeraa ee kala duwanaa ee agaasimaha guud eewasaarada kaluumeysiga iyo khayraadka baddu u soo galay guulihii uu xisbiga KULMIYE ka gaadhay daarshadii uu ku guuleystay, maanta waxaynu waxoogaa ka hadlaynaa sida la taaban karo ee uu agaasime Maxamed Cilmi Adan (ilka case) u horumariyey wasaarada kaluumesiga isagoo xooga saaray sidii sare loogu qaadi lahaa shaqada wasaarada iyadoo la tayeeyey dhinaca shaqalaha wasaarada oo loo furay tababaro iyo aqoon kororsi dhinaca kaluumeysiga ah iyo aqoontiisaba , waxa kale oo xaqiiqo ah sida uu uga shaqeeyey agaasimaha guud ee wasaarada kaluumeysigu Maxamed Cilmi Adan(ilkacase) isku xidhka iyo wada shaqeynta wasaarada iyo iskaashatooyinka kaluumeysiga magaalooyinka xeebaha Somaliland ,waxaanu kulamo lagaga hadlayey sidii loo horumairn lahaa kaluumeysatada reer Somaliland uu gaasimuhu la yeeshay dhaman kaluumeysatada xeebaha Somaliland iyadoo safar balaadhan ku maray Saylac ilaa laasqoray iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay ee Somaliland jirtya uu agasime guud tago magaalada laasqoray halkaasina uu shirar kula yeesho dhamaan iskaashatooyinka kaluumeysiga, waxa kale oo uu agaasime Maxamed Cilmi Adan(ilkacase) uu qalabka kaluumeysiga u qaybiyey dhaman kaluumeysatda xeebaha Somaliland oo dhan isla markaana safarkaasi dheer ee aynu soo sheegnay wuxuu ugu kuur galayey sida ay u shaqeeyaan iyo xaaladooda kaluumeystadada iyo sidii dadweyanaha xeebaha Somaliland ku dhaqan loogu dhiiri gelin lahaa la soo bixitaanka kaluumeysiga oo ah nimco uu ilahay dalkeena ku manaystay balse si wanaagsan weli aysan dadkeenu u fahmin faa’iidooyinka balaadhan eek u duugan kaluunka.




Agaasimaha guud ee wasaarada kaluumeysiga Maxamed Cilmi Adan (Ilkacae) waxa uu kale oo uu xooga saaray intii uu xilka wasaarada hayey sidii uu xidhiidho ula sameyn lahaa wadamo badan oo hore uga maray isticmaalka kaluunka iyo ka faa’iidaysigiisa iyadoo dalalka jabuuti,tuunisiya,itoobiya ,Uganda iyo dalal kale ku tegay safari muhiim u ahaa kobcinta iyo ka faa’iidaysiga kaluunka Somaliland,waxaana jirta in dhamaan dalalkaasi safarkii iyo shirarakii uu kaga qayb galay agaasimaha guud ee wasaarada kaluumeysigu Maxamed Cilmi Adan(ilkacase) uu midho dhalay isla markaana ay dalkalkasi qar ka mid ahi aqbaleen in kaluumeysatda reer Somaliland laga taageero sidii kaluunka Somaliland  badeeda ku duugan loola soo bixi lahaa, kooxo tababarayaalna ah ugu soo diri lahaayeen Somaliland si kor loogu qaado isticmaalka iyo la soo bxitaanka kaluunka Somaliland.




Geesta kale wuxuu door firfir coon ka qatay agaasimaha guud ee wasaarada kaluumeysiga iyo khayradka bada Somaliland Maxamed Cilmi Adan (ilkacase) isku xidhka dhalinyrada Somaliland iyo xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo ) madaama uu Agasimuhu yahay nin dhalinyaro ah taasi ayaa ka cawisay in uu xidhiidh wnaagsan la yeesho dhalinyrada Somaliland guud ahaanba oo uu had iyo jeer ka shaqeeyo sidii dhalinyaradu u taageeri lahayd horumarka balaadhan ee ka socda dalka iyo sidii ay dhalinyradu uga foojignan lahayd aafada dhalinyaro badan baday inay ku le’daan badda u dhaxaysa Libya iyo talyaaniga kadib markii ay dhalinyaro badani isku dayeen in ay dalkooda ka tahriibaan taasina ay sababtay in ay lafahoodii ku waayaan intii ay is lahaayeen wax korosada, arimahasi waxay ka mid yihiin waxyaabah aad ku arkayso markasta oo uu agaasimuhu ka qayb galo xafladaha ay dhalinyaradu soo abaabusho in ay iska ilaaliyaan tahriibta iyo dhaman balwadaha xun xun,isla markaana ay isku dyaan sdiii aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa noloshooda ay horumar u gaadhsiin lahaayeen.




Waxa kale oo uu agaasimaha guud ee Wasaarada kaluumeysigu Maxamed Cilmi Adan(ilkacase) uu kaalin weyn kaag jiraa arimaha siyaasada iyadoo uu ka mid yahay siyaasiyiinta miisaanka culus ku dhex leh Somaliland oo had iyo jeer ku jira shirarka siyaasadeed ee lagu horumarinayo dalka iyo dadka La soco cadadka danbe ee qormadani 2 aad:




Qalinkii:Cali Maxamed




Email:Calicabdilaahi@hotmail.com




Hargeysa/Somaliland




 




 




 




 




iine?a sameyn lahaa wadamo badan oo hore uga maray isticmaalka kaluunka iyo ka faa'balse si wanaagsan