Tuesday, December 31, 2013

Somaliland: Haweenay Soddoh ah oo Shahaadada Master-ka ka diyaarinaysa Jaamacad.Dhegeyso


Ubax Cumar Gaafane waxay Shahaadada Degree-ga ee Sharciga qaadatay sanadkan 2013, waxaanay Haweenka somaliland u soo jeedisay..




Hargeysa(GNA)-Ubax Cumar Gaafane waa  Haweenay aad u da’ weyn oo dhawaan ka qalin jabisay Jaamacadda Alpha qaybteeda somaliland ee Magaalada Hargeysa.




Waxay shahaadada Digree-ga  ka qaadatay  kuliyadda Sharciga ee Jaamacada Alpha sanadkan 2013,waxaanay xalay goob joog ka ahayd  Xaflad lagu qabtay Hudheelka Sumar-time oo Maamulka Jaamacadaasi u sameeyay Aqoonyahan Prof, Axmed Ismaaciil Samatar oo ku guddo jira kulamo uu la yeelanayo Ardayda jaamacadaha waddanka.




“Haweenka reer Somaliland ee aan waxbarasho helin iyo kuwa waxbarashadoodu kala kala dhantaalantay waxaan u soo jeedinayaa inay wax bartaan, oo aanay ka hadhin barashada cilmiga, masuuliyad kasta oo saaran”ayay tidhi Ubax Gaafane.




Ubax ayaa ah sida ay sheegtay Ayeeyo Caruurteedu ubad leeyihiin, hadana ku tabaniyaysa inay aqoonteeda Maadiga ah kordhiso, waxaanay diyaarinaysaa hada shahaadada Masterka 1-aad ee Jaamacadda.




Dedaalka iyo firin firconida ka muuqata ayaa ugub ku ah Haweenka Somalida badankooda, siiba kuwo dalka ku nool, kuwaasoo aan isku hawlin inay waxbartaan, balse inta badan heegan ugu jira inay ubadkooda waxbarashada ku ilaaliyaan.




Dhanka kale, waxay ka warantay sooyaalkeedii waxbarasho ee Jaamacadda iyo sidii ay heerkan ku soo gaadhsiisay.




“Aqoonta Barigii hore Dumarka Reer Xamarku way noogu faani jireen oo waxay odhan jireen annagu annagoo yar yar ayaanu Jaamacaddaha ka baxnaa, taas waxa sabab u ahayd Jaamacadaha ayaa Muqdisho ku yaalay, dee gabadha reer Hargeysina inay Muqdisho Jaamacad u tagaa aadbay u adkayd, laakiinse maanta tii waa laga baxay oo Hargeysa ayay Jaamacadihii dhami ku yaalaan, oo aynu ka baran karaynaa”ayay hadalkeeda Raacisay Ubax.




Hadal dheer oo ay ka jeedisay Xafladda ayay nuxur ahaan hadalkeeda ku soo uruurisay inay aqoontu tahay Iftiinka nolosha, waxaanay dhalinyarada iyo Haweenka dalka u soo jeedisay inay u istaagaan barashada Cilmiga oo aanay ka caajisin.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Ubax.mp3"][/audio]




Khadar Maxamed Xaashi




Gobanimonews Office




Email: editor@gobanimonews.com

Philippe Lazzarini oo Xil cusub looga Magacaabay Xafiiska Q.M ee Somaliland iyo Somalia


Muqdisho(GNA)-Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa u magacaabay Philippe Lazzarini ku xigeenka ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo isku duwaha arimaha bini’aadanimada Soomaaliya.




Mr Lazzarini oo ah Nin  u dhashay dalka Switzerland ayaa qaban doono ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Somalia,waxaanu ku xigi doonaan madaxa xafiiska gargaarka Soomaaliya ee UNSOM.




War qoraala oo kasoo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in madaxa arimaha aadanimada QM ee Soomaaliya Mr Lazzarini uu Nicholas Kay ku xigeen u ahaan doono. 




Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa la hergeliyay bishii May, kaasi oo la sheegay in loogu talo galay in lagu caawiyo dowlada Federaalka Soomaaliya.




Mr. Lazzarini, ayaa ahaa isku duwaha arimaha aadanimada iyo wakiilka UNDP ee Soomaaliya tan iyo bishii  March ee sanadkaan maanta dhamaanaya ee 2013, waxaana uu sii heyn doonaa shaqooyinka uu hayo.




Mr. Lazzarini, ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin hay’ada ICRC ee koofurta Sudan, Beirut, Amman Gaza Bosnia, Angola iyo Rwanda.




Xafiiska uu Madaxda ka yahay ayaa xafiisyo ku leh Koonfurta Somalia iyo Somaliland oo siyaasad ahaan kala madaxbanaan.




Xafiiska Xilka cusub looga magacaabay iyo Somaliland ayaa isku khilaafsan qaabka ay u wada shaqaynaayan, ka dib markii la bedelay magaca iyo hawl-galka xafiiskaasi.




UNPOS, ayaa loo bedelay UNSOM, taasoo ay isku diideen labada dhinac ee somaliland iyo Q.M.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com

Dhegeyso: Prof. Samatar oo Khudbad 40 Daqiiqo socotay Dareenkooda ku bedelay Ardayda J. Alpha


Halkan ka dhegeyso, Prof. Samatar oo xalay Khudbadan ka jeediyay kulan loogu sameeyay Hudheelka Sumar time oo ay u qabatay jaamacadda Alpha ee faraceeda Hargeysa:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/smatar.mp3"][/audio]

Burco: Guddoomiye Dibadeed Xisbiga kulmiye ah oo fadhiga looga kacay soo dhaweyntiisa


Burco(GNA)-Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Waqooyiga America, Mustafe Cabdi Cartan kana mid ah Ciyaartoygii Hore ee G/Togdheer  ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Burco xarunta Gobolka Togdheer.




Mr-Mustafe oo hada kasoo kicitimay Dalka Canada oo fadhigiisu yahay ayaa waxaa soo dhawyntiisa ka qaybqaatay Madaxda Gobolka oo hormuud ka yahay Badhasaab xigeenka Gobolka Togdheer ahna Kusimaha gudoomiyaha Gobolka Togdheer,Agaasimaha Guud  ee Wasaarada Qorshaynta,Xildhibaano Golaha degaanka a iyo dadwayne kale,waxaana gudoomiayaha xisbiga Kulmiye ee Nourt America laga soo galbiyay Magaalada qoyta iyadoo markii danbe la dajiyay Hotel palaza Halkaas oo uu uga mahadnaqay dadwaynihii soo dhaweeyay.




Gudoomiye Mustafe Cabdi Cartan, oo ka hadlay soo dhaweynta loo sameeyay iyo ujeedada socdaalkiisa ayaa yidhi ''Aaad baan idiinku mahadnaqayaa dadwaynaha reer Burco ee isoo dhaweeyay,Dalkayga iyo Gobolkayga waxaan uga soo kicitimay meel Durugsan,laba sababood baanan u imi marka hore waxaan anigu ahay ciyaartogii Hore ee Gobolka Togdheer sidaa awgeed inaan sare u qaado ciyaartoyga Gobolkan,ta labaadna waa inaan ka qaybgalo shirwaynaha Xisbiga ee la filayo inuu qabsoomo”.




Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer ayaa isna halkaas hadalo kasoo jeediyay waxaana hadaladiisi ka mid ahaa'' Gobolkan iyo degmadan wax badan baa inoo qabsoomay'laakiin laba wagcadood oo yar yar baa inagu dhacay hadii tahay tii isboortiga iyo hadii ay tahay tii maalintii dhawaydba,Runtiina reer hargaysa intaas wax way ka dhacaan laakiin way inaga qarsan ogyihiin,waxaan reer burco leeyahay qabyaaladi waxba ma dhisto,wixii hore ee aynu dhisanay midnimaynu ku dhisanay oo waxaynu qabsanay cidkale ma qabsanin.ilaahay haynaga hayo wixii xun aan wanaaga ku dedaalo.




Xildibaan Mubaarig Yussuf Cilmi (Bidhi) oo hadal kooban soo dhawyntaas ka yidhi  ayaa isna waxa ka mid ahaa'' reer burco hadii la yidhi waa daamo maaha ee way midaysanyihiin xildhibaanadayadii waa kuwaas Midaysan ee isku duuban,reer Burcona waxaan leeyahay nabada ilaashada oo horumarka ha ka shaqeeyaan.




Agaasimaha Guud ee wasaarada Qorsaynta C/rashiid Axmed Guuleed ayaa isna waxa uu sheegay Burco inay horumar wayn gaadhay aadn uu ugu qusuucay intii joogay isla markaan uu dhex luugeeyay habeenimo oo uu ku arkay nabadgelyo taam ah.




 




Gudoomiyihii hore ee tayada Siciid Saleebaan,Gudoomiayaha Ururka NOW ee G/Togdheer ayaa wada jir iyaguna u soo dhaweeyay Mr- Mustafe aadna ugu mahadnaqay soo noqoshadiisa dalka hooyo waxanay ka codasadeen inuu wax kala qabto ciyaaraha G/Togdheer.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: mmaxmed@hotmail.com

C/risaaq Suudi:2014-Ka Reer Hargeysa waxay Ku Xusayaan Cunaqabateynta Biyaha”


“2014-Ka Reer Hargeysa waxay Ku Xusayaan Cunaqabateynta Biyaha ee ay Saareen Dadka Ku Loolamaya Kursigii Siilaanyo loo Doortay Eryal Sharona Biyaha Kamu Jarin Carafaad Markii Uu Ku Go’doomiyey Gurigiisa 2002-dii”




Qormadii 1 ad:




Wax qarsoon may ahayn markii mudaharadyo rashado watay oo sababay in ay dad ku dhaawacmaan hanti badanina ay ku burburto ay ka dhacday hargeysa 26,27 ,28–kii Decenber /2013-kii  kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen booyadaha biyaha u dhaamiya hargeysa oo lagu qiyaasay inta u dhaxaysa afar boqol ilaa shan boqol oo booyadood, waxayna booyadahani waraabin jireen in ku dhaw 80% lacagta lagu kordhiyey booyadahan ee sababtay shaqo joojinta waxaa lagu macneyn karaa maahmaahdii soomaliyeed ee ahayd waayeel tag lama yidhaahdo ee wuxuu ku tagaabaa la tusaa ,arinta kale ee tan kasii daranina waxay ahayd wasiirka arimaha gudaha oo qaabilsan amaanka dalka in lagu qabsaday talaabadii uu qaaday ee ahayd in ay booyaduhu shaqadooda bilaabaan wixii ay tabanayaana loo saaro gudi.




Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda kor waayeel waa wada indho.shakina kuama jiro in ay arintani tahay cunaqabateyn xaga biyaha ah oo la saaray reer hargeysa , markaa kadibna waxaan xasuustay taariikhdan soo socota.




Sanadkii 2002-dii ayey dawlada israa’iil ee uu markaa hogaamin jiray Eryal Sharon ay go’aan ku gaadhay in ay gurigiisa ku go’doomiso hogaamiyihii reer falastiin ee geeriyooday Yaasin Carafaad ,iyadoo weliba duqeyntii ciidamada israa’iil u geysteen guriisana ay ku dumiyeen qayb ka mid ah gurigii uu deganaa yaasiin carafaad.




Hadaba saaxiibayaal hadii aad aragtaan dal uu hogaamiyihiisu noqdo magac u yaal waxaa markiiba dhacda in ay soo baxaan dad badan oo rag iyo dumarba leh oo ku loolamaya awooda dawladnimo qof walibana  uu ku dadaalayo in talada kama danbeysta ee dalka lagu maamulayaa ay tiisa noqoto sidoo kalena dadkan uu tartarna uu ka dhaxeeya qof weliba uu dhiniciisa ka bilaabo dhaqaale urursi ,qabyaalad iyo qaraabo kiil oo boobka dhulka danta guud iyo dhismayaasha dawlada ay faraha ka baxaan waana marxalada ay maanta taagan tahay somaliland.




Sidoo kalena hadii ay awooda hogaamihuyu ay wiiqanto waxa la arkaa cashuur kordhinta oo aan lagu sar goynin jeebka dadka iyo waxa ay qaadi karaan , waxaana dhacda sixir barar aan xad lahayn , waxaana wax lala yaabo ah umad aan biyo haysanin oo hadana laga ururinayo lacago la leeyahay waxbaa lagu dhisayaa ,waxaana suurto gal ah in bilaha soo socda ay dadka danyarta ahi ay iibsan kari wayan cuntooyinka daruuriga ah wixii kale oo dhan maanta markii la soo dhaafayna waxay soo gaadhay in umada laga cuna qabateeyo biyaha.




Hargeysa hadii afarteeda jihaba laga helaayo biyo waxaa haboon in la soo saaro , waxase muuqata in qaar ka tirsan xukuuamda ay hor taagan yihiin biyihii laga soo saari lahaa Jaleelo ee weliba dhaqaalihii lagu soo saari lahaana uu bixiyey midawga yurub.




Hadaba akhristow marka aynu dib u xasuusano sanadkii 2002-dii oo ahayd markii israa’iil ay gurigiisa ku go’doomisay  hogaamiyihii falastiin yaasir carafaad waxay ka jartay laydhka iyo isgaadhsiinta waxaana mudo saddex bilood ka badan la arki jiray isagoo habeenkii shidanaya shamac ,Raysal Wasarihii xiligaasi ka talin jiray isra’iil wuxuu ahaa Eryal SAHRON wax qarsoona muu ahayn nacaybkii u dhexeeyey  iyo wixii ay isku hayeen isra’iil iyo falastiin.




 ma jirto caalamka dawlad aan guulwade iyo maan gaab lahayni, qaar ka tirsanaa golihii wasiirada ee xukuumadii Sharoon ayaa soo jeediyey in guriga u go’doonka ku yahay mr carafaad ee ay go’doomiyeen ciidamadii israa’iil laga jaro biyaha sidoo kalena laga joojiyo cuntdada loo gudbinayo ee la siinayo.




Akhrsitow ma og tahay talaabadii uu mr sharoon oo markaa ahaa raysal wasaare maskax ahaan bad qabay oo ahayd ka hor intii uusan koomada gelin wuxuu ku tilmaamay saddexdii wasiir ee soo jeediyey in yaasir carafaad laag jaro biyaha cuntadana loo diido in xilka laga qaado isagoo ku sababeeyey in ay meel kaga dhaceen xuquuqal iinsaanka maantana somaliland ma jiro madaxweynihii hadii masuuliyiinta xukuumadiisu ay khaladaad noocaasi oo kale galaan talaabo ka qaadi lahaa waxaaba intaa ka sii daran oo is weydiin u baahan dadka kursiga madaxweynimo ku fadhiya waa wasiiradii uu sharoon xilka ka qaaday oo kale.




Hadaba isku soo wada duuduuboo 2014-Ka Reer Hargeysa waxay Ku Xusayaan Cunaqabateynta Biyaha ee ay Saareen Dadka Ku Loolamaya Kursigii Siilaanyo loo Doortay Eryal Sharona Biyaha Kamu Jarin Carafaad Markii Uu Ku Go’doomiyey Gurigiisa 2002-dii.




La soco qormooyinka danbe




Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur




Tel:4425243




Email:suudi88@gmail.com




Hargeysa/Somaliland

Puntland: Hubka lagu ilaalinayo Musharixiinta iyo Ciidanka Amniga oo khaati kala taagan


Musharax Gaagaab oo u tanaasulay musharax kale iyo Garabsigii Musharixiinta oo dhamaaday”Akhri warbixin Doorashadu halkay marayso




Garoowe(GNA)-Murashax jagada Madaxweyne ee Maamulka Puntland Shire xaaji farax, ayaa saacaddo badan ku xanibnaa meel dibada ka ah Magaalada Caasimada Garoowe, ka dib markii ciidanka amnigu u diideen inuu Magaalada la soo galo laba Gaadhi oo Tikniko ah oo la socday.




Waa musharixii saddexaad ee Handidaad loogu gaystay Gobolka bishan December, waxaana hore hub iyo ciidan ilaaladiisa ah loogu diiday inuu Garoowe la soo galo Musharax Cabdiwali Maxamed Gaas, halka labada musharax oo kalena rasaas ciidanka daraawiishtu ku rideen todobaadyo ka hor.




Go’aanka ciidamada amnigu ku hor-istaagay gaadiidka Gaashaaman ee musharaxa la socday ayaa sababi gaaray isku dhac u dhexeeya ilaaladiisa iyo ciidanka Daraawiishta, kaasoo uu baajiyay, ka dib  markii uu u kala dabqaaday labada dhinac, si uu uga hortago isku dhaca.




Wararka ayaa sheegay in waxa xaajood saacaddo badan qaatay, ka dib Musharaxa laga reebay mid ka mida labada gaadhi ee loo diiday oo ah mid weyn, halka kii kalena soo raacay, taasoo ka dambeysay isfaham dhex maray ciidanka.




Isfahamka ayaa ka dambeeyay ka dib kulan dhex maray Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland  Gen. Siciid Dheere, Cali Xaaji Warsame  iyo Shire Xaaji Farax, kaasoo arrinta lagu xaliyay.




Muranka soo noqnoqda ee u dhexeeya Ciidanka amniga iyo Musharixiinta ilaaladoodu hubaysantahay, ayaa walaac dhanka amniga ah ku haya daneeyayaasha Doorashada iyo dadka shacbiga ah.




Doorashada ayaa lagu wadaa inay dhacdo 8 Janaury ee sanadka bilanaya, waxaana ku tartamaya in ka badan 20 Musharax.




Baarlamanka Madaxweynaha dooranaya ayaa xalay si rasmiya loogu dhaawaqay, ka dib markii nidaam qabali ah lagu soo xushay.




Dhinaca kale, laba musharax ayaa maanta ku dhawaaqay inay isu tanaasuleen.




Ka dib Shir ay wada qaateen saaka Murashax Cali xaaji Warsame iyo Murashax Maxameed  Cali Yuusuf ayaa waxaa ka soo baxay in Mr. Gaagaab uu u tanaasuleo Cali Xaaji, sidaasna uga tanaasulo Murashaxnimada Madaxweynaha.W




Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo soo noqdey Wasiirka Maaliyada iyo Madaxweyne Xigeen ayaa bartamihii sanadkaan shaaciyey inuu u tartamayo Doorashada Madaxweynaha Puntland 2014.




Geesta kale, Musharixiinta u tartamaya Kuraasta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka ayaa dhamaantood soo dhaweeyay xildhibaanada cusub ee xalay lagu dhawaaqay.




Tan ayaa ka dambeysay shir maanta ay ku yeesheen Magaalada Garoowe, kaasoo ka dib markii uu dhaamaaday Musharixiintu ku dhawaaqeen inay taageersanyihiin habka loo soo xulay Baarlamanka.




 




Waxaa maanta si rasmi ah u bilowdey Ololaha Doorashada ee Murashixiinta iyadoo Murashax walba uu shaqsi ahaan u ololaynayo, waxaana hada laga bilaabo  dhamaadey kulamadii iyo isgaashaan-buuraysigii Murashixiinta.




Fagaareyaasha ayaa si toosa ay uga hadli doonaan Musharixiinta.




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com

Somaliland: Kulamo Albaabadu u xidhanyihiin oo lagu xalinayo Shaqo joojinta Booyaddaha Biyaha


Wasiirka Maaliyadda oo iska baxaray inuu Cashuur ku kordhiyay Gaadiidleyda Cabanaya iyo Xirsi oo Daaha dabadiisa ka hagaya inaan loo jixin-jixin cabashada biyooleyaasha




Hargeysa(GNA)-Kulamo is daba jooga oo socday saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa xal loogu raadinayaa cabashadii Booyadahaha Biyuhu ka muujiyeen cashuuraha lagu soo rogay.




Dibad bax rabshado wata ayaa ka dhashay shaqo joojinta Gaadiidka biyaha dhaamiya, ka dib markii 70% ka mida Xaafadaha Magaaladu haraadeen laba maalmood oo shaqo joojintu socotay.




Kulan Afar geesooda oo shalay ka dhacay Xafiiska Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, kana qayb galeen Wasiirka arrimaha Gudaha, guddida Gaadiidleyda, Maayirka Caasimadda,  Saraakiil ka socda Maaliyadda iyo Maareeyaha Biyuhu, ayaa lagu gorfeeyay sidii arrintan xal waara looga gaadhi lahaa, hase ahaatee lama shaacin natiijo wax ku oola oo daawo ka noqon karta doodda dhinaca Booyadaha.




Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Caasimadda Hargeysa oo ka hadlay nuxurka kulan oo albaabadu u xidhnaayeen, markii laga soo dareeray, ayaa sheegay inay wali ku guddo jiraan xal u helida cabashada Biyooleyaasha iyo mushkiladda guud ee biyo yaraanta Caasimadda.




Dhanka kale, Guddi ka tirsan Golaha Guurtida oo laba maalmood ka hor loo saaray arrintan, ayaa maanta kulamo gooni-gooniya la yeeshay dhinacyada shalay kulmay, ayaa baadhis ku samaynaya sababta keentay cabashada booyadaha.




Kulamadan oo dhamaantood albaabadu u xidhnaayeen, ayaanay caddeyn waxyaabaha lagaga wada hadlay, laakiinse xubnaha guddida guurta la kulmay oo gooni gooni warbaahinta ula hadlay ayaa faahfahin kooban ka bixiyay waxyaabaha laga wada hadlay iyo halka ay wax marayaan.




Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ka mid ahaa xubnaha Guddida xaqiiqo raadinta Golaha Guurtidu la kulmeen, ayaa iska baraxay inay wasaaraddiisu cashuur ku kordhisay Booyadaha, balse cabashada gaadiidleydu la xidhiidho lacagta dhismaha waddooyinka loogu talo galay.




“Wasaaradda maaliyaddu sanadkan waxay cashuurta ka dhintay, qaarna ka dambeysay waxyaabaha baahiyaha Bulshada la xidhiidha, waxaanu ka dhignay wax alaale wixii biyo la xidhiidha cashuur la’aan, wax aanu ku kordhinayna ma jirto “ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.




Waxaanu intaasi ku daray “Cabashada Booyadaha biyuhu waxay la xidhiidhaa Xeerka waddooyinka, laakiinse annagu cashuur aanu ku kordhinay ma jirto, waddooyinkuna waa arrin muhiima, cabashadana meel walba cabasho way taalaa, laakiinse waddooyinkuna waa kuwo ay gaadiidleydu u baahanyihiin”.




Gaadiidleyda Booyadaha ayaa ka cabanaya Lacag xad dhaafa oo lagu soo rogay, taasoo dhamaadka sanadkan lagu bilaabay.




Biyo la’aan ka dhalatay  cabashooda ayaa sababtay mudaharaad rabshado watay oo ka dhacay Caasimadda saddex maalmood ka hor, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo saddex dhaawacmay.




Shaqo joojinta biyooleyaasha ayaa saameyn weyn ku yeelatay bulshada iyo Dawladda, waxaana in xalka kaliya ee lagu soo afjari karaa tahay in wax laga daayo lacagta lagu soo rogay, sida ay gaadiidleydu ku doodayaan.




Xukuumadda ayaa hore lacagtaasi uga xadiiday Basaska oo cabasho ba’an ka muujiyay.




Wasaaradda Madaxtooyada ayaa si toosa lacagta cashuurta Takaalifaatka waddooyinka u qaadata, kamase dhex muuqato ilaa hada dedaalada lagu dejinayo biyooleyaasha ee Hay’addaha dawliga ahi wadaan.




Ilo-wareedyo ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada , ayaa Gobanimonews u sheegay inaan Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan raali ka ahayn in loo jixin jixo cabashada gaadiidleyda, taasoo u muuqata naxariis daro iyo hufnaan la’aan siyaasaddeed.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Laba Tareen oo nooca Shiidaalka qaadda ah oo isku dhacay waqooyiga Dakota ee Maraykanka


Dakota 31.12.2013 (GNA) -Laba tareen oo kuwa qaada shiidaalka oo isku duqeeyee habeenimadii xalay waqooyigga magaaladda Dakota ee carigga maraykanka. Tareenadan oo siday shiidaalka qaydhiin ayaa gabi ahaanba ku shuf beelay, ha se ahaatee ayna cidi wax ku noqon shilkaas meesha ka dhacay.




Goobjoogayaal ama degaankii meshaas ka dhowaa ya waxay sheegayaan in ay maqlaayee shan qarax oo aad u xooganaa abaaro saacadihii dambe ee habeenimo.




       




Ciidamadda damdamiska oo goobtaasi si deg deg ah usoo gaadhay yaa xooga saaray sidii aanu shiidaalkaasi ugu fidin deegaanka una damiyaan, hase ahaatee ilaa hada ma cada sababta dhalisay shilkan tareen.




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




Gobanimonews.com

Good Leaders Fire People


You can’t be a good leader unless you learn to fire people.




I call it “managing out.”




Sometimes you make a hiring mistake. Sometimes the organization outgrows the ability of a person. Sometimes people get too comfortable and complacent. The list goes on.




If someone isn’t performing at a high level it’s your responsibility as the leader to support them and help them improve. Sometimes you can, and sometimes you can’t.




 




If you can’t you must manage them out. Fast.




 




When I took my first general manager job a man named Stan was leader of the sales team. He was smart, charismatic, organized and popular with the team. The problem was that his mind was sealed shut regarding any possibility of change or improvement. If I asked Stan a question like “Is there room to improve sales training?” I’d always get the same answer: “No. We’ve done everything we can.” It was his standard answer for everything. This was absolutely unacceptable — there are always a thousand ways to improve anything.




 




I tried to pry open his mind and get him thinking proactively about how to change and improve. He remained stubbornly resistant.




 




After some time it began to dawn on me that Stan was not the right fit for sales leader. We were missing opportunities to improve and increase revenue growth due to his attitude.




 




Still I persisted. I wanted to give Stan another chance and be “fair.” “He just might get it” I thought. Plus I worried at how he would react if I asked him to leave and how it might affect the team. So I avoided the problem. I let the situation drag on for more than six months, hoping it would improve with more coaching.




 




It didn’t.




 




Eventually I had had enough. Stan had to go.




 




During our next one-to-one meeting I asked Stan whether he felt he was making progress toward his career goal of being a general manager. As expected, his answer was “no.” I told him it was clear that he wasn’t satisfied in the job and that he was just dialing it in. I encouraged him to open up and share his frustration, which he did.




 




After he had vented I made my move. “Stan, it seems like this job may not be the right fit for you. You seem unhappy. The job is not helping you achieve your goals. The team also needs someone who’s more switched on and enthusiastic.” Pause, then a firm “I think it’s best for you and for the team if you move on to your next challenge.” He knew his time was up. I felt he was embarrassed but also relieved. After some back and forth we agreed on a timetable.




 




A few months later Stan announced to the team that he had found a new opportunity. We sent him out like a rock star. Not only was he happier in his new job, but I found an outstanding sales leader who was all about continual improvement. It made a huge difference in our sales and customer service.




 




I learned a ton from this experience.




 




Tolerating a “just ok” performer on my team hurt everyone, including the low performer. I thought I was being “humane” and “fair” by not managing him out quickly. The reality is that I was just avoiding a problem instead of tackling it straight on. I was using the excuse of being humane to avoid an unpleasant task, just hoping against my better judgment that things would improve.




 




Perhaps my biggest lesson was that my slow decision-making cost Stan and the team valuable time and opportunity. I should have managed out Stan as soon as I concluded he wasn’t the right fit. Both parties would have been better off, sooner. It’s a lesson that has made me a better leader.




 




Have you fired anyone lately?




 




In my next post I'll explain how to lay the groundwork and manage someone out effectively.

Prof Samatar oo Somaliland ka Daaweynaya Cudurka Qabyaaladda .Warbixin


Wuxuu Macalin u  noqday kuwo badan oo xaasaasiyad ka qaaday imaantinkiisa labaad ee somaliland oo safar siyaasadeed loo haystay”Akhri




Hargeysa(GNA)-Aqoonyahanku waa qof ka aragti dheer dadka kale ee Caadiga ah ama aan inta badan wakhtigooda ku lumen  inay wax baadhaan, waxaanu ogyahay meesha ay bulsho ka bugto ama wax ka khaldamaan hadii mushkiladdi timaado.




Sababtuna waxa weeye daraaseynta iyo la socodka xaaladaha isbed-bedelaya ee dadka, taasoo qofka aqoonyahanka ah, siiba kuwa u darban dhinaca indho ku hayntoodu u nugulyihiin sii eegashada gol-daloolooyinka muuqda.




Inkasta oo ay Garashadu qayb ka tahay sawirka Aadamaha u muujiya xumaha iyo samaanta, isla markaana qofka garaadkiisu sareeye ee aan aqoonta Maadiga lahayni uu xumaantiisa dareemi karo shay bulsho dhaqan ahaan u leedahay, hadana la tacaalida xaaladda noocaas ahi kuma badna kuwa Ilaahay Caqli waafiga ah siiyay.




Arragti ahaan waxa muuqata in taa sababteedu tahay (ku dhiirasho la’aanta suulinta xumaha), la’aanta aqoonta Maadiga ah oo bino-aadamka awooddiisa Abuurta ah ku kordhisa ku dhac iyo dhiiranaan geesinimo ku jirto.




Jiritaanka awooddaasi waa mid inta badan bulshooyinka Caalamka u soo saarta kuwo ka shaqeeya la dagaalanka Caadooyinka aan wanaagsanayn, laakiinse dhaqan ahaan loogu dhegsanyahay.




Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, waa aqoonyahan aad looga yaqaano dhulka Somalida iyo qaybo ka mida Cariga Maraykanka, waxaanu wax badan ka daraaseeyaa arrimaha siyaasadda ee Caalamka iyo arrimaha Bulshooyinka ku gedaaman.




Axmed Ismaaciil Samatar ayaa todobaadkii hore booqashadiisii labaad ee uu sanadkan ku yimaado somaliland, lagu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka, waxaana halkaasi loogu qaabiley si weyn oo aan isaga laftiisa farxad gelin.




“waan u mahad naqayaa masuuliyiinta iyo dadka halkan igu soo dhaweeyay, anigu waxaan ahay nin dalkiisii yimi oo soo gaadhay si uu dadkiisa iyo dalkiisa u soo yar joogo,markaa waxaan aaminsanahay inaan muteysan soo dhaweynta inta le’eeg, laakiinse waan u mahad naqayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay”ayuu yidhi markii ay Madaarka ku soo dhaweeyeen Wasiirro ka socda Xukuumadda iyo dadweyne kale.




Waxaanu intaasi ku daray isagoo ka waramaya ujeedada socdaalkiisa “mudadii shanta bilood ahayd ee aan idinka maqnaa xiise badanbaa ii soo galay dalkayga, waxaanan u socday inaan mar kale soo arko dadkii wanaagsanaa ee sida weyn iigu soo dhaweeyay somaliland doorkii hore, wax badanbaanan  isdhaafsan doonaa hadii alle ka dhigo”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Axmed Ismaaciil Samatar waa Nin ka soo jeedda Somaliland, una dhashay Gobolka Gabiley, si weyna ugu caan ahaa siyaasadda Somaliland 20-kii sanadood ee la soo dhaafay ilaa uu madaxweyne isaga sharaxay, waxaana imaatinkiisa labaad ee Hargeysa uu maalmo yar ka dambeeyay wefti uu hogaaminayo Madaxweynihii hore ee Awdal State iyo xubno la socda oo mabdi’I yan xukuumadda heshiis kula galay.




Inkasta oo dareemo badan la qaatay safarkiisa, dadkuna waxyaabo kala duwan isweydiinayeen, waxa muuqda sawir ka duwan ka ay dadka siyaasadda kulaalaa ka bixinayeen markii uu yimi, kaasoo ah inuu door ka qaadanayo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka ka socda.




Hase ahaatee Samatar, ayaa duruus macalinimo ka bilaamay qaar ka mid ah jaamacaddaha waddanka ku yaala, kuwaasoo uu ka jeediyay khudbaddo muhiimad weyn xambaarsan oo ku tacaluqa Maamul wanaaga iyo xumaanta Qabyaaladda.




Shantii maalmood ee ugu dambeeyay ayaa Warbaahintu soo tebinaysa isagoo kula hadlay Arday faro badan Jaamacaddo ku yaala Gabiley iyo Hargeysa, kuwaasoo aynu ka xusi karno Jaamacaddaha, Timo-cadde, New Generation Univ, Gollis Univ iyo Alpha Univ oo uu caawa Huteel Safaari Ardayda kula hadlay.




Qabyaaladda




Qabyaalada ayaa ah mushkilad dadka reer Somaliland dhibaato weyn ku haysa shacab iyo dawladba, waxaanay ka mid tahay cudurrada ugu dhibaatada badan ee dalka ka haysta dhamaan ciriqyada yoolka siyaasadda iyo dhaqaaluhu mari lahaa.




Waa arrin dhaqan ahaan dadka u saamaysay, soo jireen la kala dhaxlayna ah, waxaanay cakis ku tahay  horumar iyo qadiyad caama oo uu aad ficilku ugu yaryahay, caabiga ay kala hortimi iyo ismari waayada ka dhasha awgeed.




“Profeser-ku hadii uu qabyaalada ardayda ka waaninayo, waa arrin aad u muhiima , laakiinse waxaynu odhan karnaa dhegihii alle waaniyo ayaa waansan ee waa laga yaabaa in wax badan laga qaato”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Axmed Daahir oo ka mida dadka isha ku haya imaanshiyihiisa somaliland.




Inkasta oo aanu boqolkiiba tirada ugu badan ku guulaysan doonin, sida muuqata inuu laabta ubaxa soo koraya ka saaro qabyaalada, hadana waxa suurto gal inuu qaar badan maskaxdooda iyo maankooda ka dhayo dhaawaca ay gaadhsiisay .




Tani  waana inta qiyaas ahaan lagu sheegi karo muhiimadda socdaalkiisa, laakiinse hadal haynta in layska dhaafo ku dhaqanka qabyaaladu waa mid joogto looga gudbiyo fagaareyaasha lagu kulmo, balse aan wax badan lagu qaadan.




Maamulka Dawliga ah




Kani waa mawduuca labaad ee ku badan khudbadihiisa doorkan, kaasoo ah mid isaga laftiisu muhiimad weyn ugu fadhiya waddanka, isla markaana duruus iyo wacyi gelin u ah dadka Manjaraha u haya arrimaha siyaasadda iyo kuwa maanka ku haya inay mustaqbalka qabtaan masiirka umadda.




Waa arrin khalad badan laga fahmaysanyahay oo ay masuuliyiintu siday doonaan ugu faa’idaystaan xilalka ay hayaan, taasoo qayb ka ah waxyaabaha nooleeya ku dhaqanka qabyaaladda iyo nacaybka bulsho.




Dad badanbaa aaminsan inaanu dastuurka iyo sharcigu macno badan samaynayn, balse qaabiilka oo la tix-geliyaa ka mudantahay in iyaga la dhawro.




Shaqooyinka dawladda Kuraasta muhiimka ah ilaa shaqaale hoosaadka ayaa lagu saleeyaa qabiil, waxaana Wasiirradu inta badan fursadaha shaqo ka fuudh-yeelaan dadka ay ehelada yihiin, iyagoon xaataa mararka qaar ku xulan aqoon iyo karti, balse ku qaata dhiiga ka dhexeeya.




Gunnaanad.




Si kastaba ha ahaatee labadan mawduuc ee Axmed Ismaaciil Samatar ku soo qaaday Khudbadihiisa Maadiga ah,waa kuwo iswaraabiya oo u baahan inay dawladda lafteedu siyaasad cad oo lagula tacaalayo ka yeelato si meesha looga saaro saameynta taban ee ay ku yeelatay hanaanka dawladnimo iyo hayaanka dadka waddanka degen oo adduunyada wali go’doon siyaasaddeed kaga jira.




Dadka arrintan lafa gurayaa ku talinayaan in xataa kulamadda Macalinkani samaynayo la xoojiyo, loona habeeyo goobo waaweyn oo uu kala hadlo dad ka baxsan xarumaha cilmiga lagu barto oo ka mida meelaha ay ugu yartahay qabyaaladdu marka la fiiriyo Bulshada somaliland.




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




 




 

Go’aankii Shaqo Joojinta Booyaduhu Digniin Ma U Noqon Doonta Xukuumadan Dakhligeedu Is-Nuuga Yahay?


Go’aankii Shaqo Joojinta Booyaduhu Digniin Ma U Noqon Doonta Xukuumadan Dakhligeedu Is-Nuuga Yahay?By. A/Kayse Cali Cige




Maalmihii la soo dhaafay waxa si balaadhan usoo if-baxay saamaynta iyo doorka muuqda ee Booyadaha Biyuhu ku leeyihiin Waraabinta bulshada ku dhaqan caasimada dalka, kuwaas oo iyagu buuxiyey door ay waajib ahayd in xukuumadu qabato adeega Biyo gaadhsiinta dadweynaha ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee Hargeysa.




Hase yeeshee khamiistii ayay ahayd markii Booyadaha Biyaha dhaamiyaa ay ku dhawaaqeen go’aan shaqo joojin ah oo ay kaga soo horjeedeen culayska cashuuraha xukuumadu ku kordhisay, waxaana shaqo joojintaa ka dhashay dibad-baxyo ay dhigeen dadkii ku tiirsanaa adeegyadaasi booyadaha biyuhu u fidin jireen oo ay waayeen.




Gaadiidka Biyaha ee xukuumadu ay cashuurta ku kordhisay ayaa u adeega ama biyaha u shuba degmooyinka Caasimada gaar ahaan Gacan-Libaax, Maxmed Mooge, Maxamuud Haybe, Axmed Dhagax iyo qaybo ka mid ah 26-June, waxaana lagu lagu qiyaasaa bixinta adeegaasi ku dhawaad 70%, halka dawladuna ay la tacaalayso gaadhsiinta biyaha 30% soo hadhay.




Xukuumad walba waxa xil iyo waajib ka saaran yahay in bulshada ay xukuntaa hesho adeegyada aasaasiga ah (basic services) oo lacag la’aan ah ama hadii laga tagi waayo qiime naasil ah lagu siiyo adeegaasi si loo horumariyo hab nololeedka dadka, iyadoo dawladu fulinaysa bixinta adeegyada aasaasiga ah ee ay ka midka yihiin Biyaha, Laydhka, Faya-dhawrka, Guryaynta, Waxbarashada, IWM.




Hadaba cashuurta cusub ee dhawaan lagu kordhiyey Booyadaha Biyaha Dhaamiyaa waxa ay ka mid tahay masuuliyad darada iyo xilkastnimo la’aanta lagu waxeyeelaynayo in bulshadu ay hesho adeeg biyood oo qiimo jaban oo ay awoodi karaan, waxaana la odhan karaa Shaqa joojinta booyadaha biyuhu ay go’aansadeen waxa ay fariin digniin ah u tahay masuuliyiinta xukuumada gaar ahaan waaxda maaliyada ee kaalinteedii gabtay inay caadaysato in culays dhaqaale la saaro adeegyada lagama maarmaanka ah ee biyuhu ka midka yihiin, isla markaana go’aankaasi shaqa joojinta booyaduhu waxa uu dan weyn u ahaa guud ahaan bulshadan sicir bararku daashaday 22-kii sano ee Somaliland jirtay.




Talaabadan cashuur kordhinta gaadiidka biyaha gaadhsiiya caasimada waxa ay ka dhigan tahay in lagu soo duulay waxyeelaynta nolosha dadka maadaama oo biyuhu lagama maarmaan u yihiin nolosha bulshada oo sidii looga hortagi lahaana ay u guntadeen booyadaha biyaha ee shaqo joojinta ka muujiyey cashuur kordhinta oo iyagu awoodi karayey in cashuurta la saaray ay iyaguna qiimaha biyaha ay dadka ka siinayaan ku kordhiyaan.




Xildhibaanadii dhawaan shacabku doorteen iyo kuwii hore ee Baarlamaanka oo laga filayey hiil ay la garab istaagaan dadweynihii iyo gaadiidkii ka shaqaynayey Adeegyada bulshada inaan cashuur lagu kordhin ayaa ku fashilmay wax ka qabshada arintaasi, xukuumadana culays ku saaraan sidii cashuurtaasi looga dhaafi lahaa gawaadhida biyaha soo qaada, balse taa badalkeedii ayaa qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanku Caasimadu waxa ay laaluush iyo lacago kula dhex wareegayeen mulkiilayaasha booyaduhu inay shaqadooda dib u bilaabaan oo culayska dhaqaale iyaguna sii saaraan shacabka ay biyaha usoo dhaamiyaan, hase yeeshee muwaadiniinta booyadaha ayaa gaashaanka ku dhuftay oo ay Xill-ma-dhibayaashaasi kala kulmeen waji-gabax iyo fool-xumo balaadhan kadib markii ay ku adkaysteen Booyadhaa Biyuhu inaanay ka noqon doonin go’aankaasi shaqo joojinta ilaa xukuumada ay jawaab ka helayaan cashuurta lagaga dhimayo ama lagaga dhaafayo.




Gabogabadii Xukuumadan dakhligeedu Is-nuuga yahay miyey garan la’dahay meelaha laga kordhiyo dakhliga dawlada (public revenue) hadii kharashkeedu ka batay dakhligeeda, sawtii dadka xaashiyaha dhaqaalaha rogrogaa ay odhan jireen ‘lacag baa la soo daabacdaa ama la soo amaahdaa hadii xukuumaduhu ay musalafaan (deficit), balse xukuumadan Siilaanyo miyaanay ahayn tii dhawaan lacagta cusub soo daabacatay ama deeqaha tooska ah ka heshay EU-da, ee waliba dhawrkii biloodba mar qorata ciidan Bileys oo magacyo cusub leh oon faa’iido lahayn shacab ay dhafoorka ka toogtaan mooyaane.!!!!

Daawo: Warka Bulshotv 30/12/2013

Dhegeyso: Dhismaha Laamiga isku xidha Wajaale iyo Gabiley 6KM ka hadhay".


Wajaale(GNA) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay wehelinayaan Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Mudane Abiib Diiriye Nuur, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Mudane Bashiir Cabdi Xariir iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa maanta waxa ay kormeer ku tegeen Wadada isku xidha Wajaale iyo Kala baydh oo 12 KM la dhamaystiray isla maantaba sida ka muuqata sawirada iyada oo ay hadhsan tahay 6 KM oo ka dhiman wadadan oo ah cabir ahaan 18KM.




6KM ee hadhayna waxa ay xukuumadu balan qaaday in ay 2KM oo kale ku dari doonto, halka 1KM oo kalena ay qaadatay Dawlada Hoose ee Gabiley, 1KM na uu qaatay Ganacsade Jaamac Omaar, 2KM ee soo hadhayna ay qaateen ganacsatada iyo maalqabeenada Degmada Wajaale oo kulan balaadhan oo lagu qaybsaday kharashka ay ku kacayso labadaa 2KM ku qabtay Bile Hotel oo ay ganacsatadu kaga dhawaaqeen qaadhaan ka qof walba uu ugu deeqay wadadaasi.




Sidoo kalena waxa uu wasiirka Madaxtooyadu xadhiga ka jaray wadada halbawlaha u ah degmada Wajaale oo laga hirgeliyey magaalada gudeheeda oo ay dhamaystireen golaha deegaanka iyo Gudida horumarinta degmada.




wadadaas oo ah mid qiimo weyn ugu fadhiday degmada marka loo eego dhibtii ka haysatay gaadiidka xamuulka sida iyo kuwa yar yar ee raaxadaba oo magaalada dhexdeeda ku gadoomi jiray ama ku dhici jiray iyaga oo raran ama aanay u gudbi Karin halka ay rabaan marka uu roobku da’o, taas oo dhib weyn ku ahayd ganacsiga degmada oo runtii ah illaha ugu muhiimsan dalka marka laga hadlaayo dhaqdhaqaaqa ka jira degmada, taasi oo ay sababtay wajaale oo ah xuduudka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia oo uu ka dhexeeyo xidhiidh soo jireen ah oo dhanka siyaasada, ganacsiga iyo iskaashiga labada dawladood ah.




Waxa kale oo ay Weftiga wasiirada oo ay wehelinayaan maayarka Gabiley iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ay u soo kicitimeen dhinaca Gabiley iyaga oo isla markaana intaanay soo gaadhin gabiley ay soo kormeereen ceelasha biyaha laga qoday ee la doonayo in degmada wajaale ay noqoto degmo ay gaadhaan biyo xareed ah oo weliba saddex jeer ka macaan biyaha ay gobolada kale cabaan kuwaas oo laga qoday meesha la yidhaahdo Botorta, halkaas oo sida ka muuqata sawirada ay ceelashu u shaqaynayaan sidii la rabay beebab kii iyo dhuumihii gayn lahaa wajaalena ay hada marayaan meel dhexe dhawaana ay gaadhi doonaan insha allaa degmada wajaale taasi oo soo af-jari doonta baahidii biyo la’aaneed ee ka jirtay wajaale waxaana gacan wayn ka gaysatay xukuumada uu hogaaminaayo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.




Halkan ka Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Weftiga-Wasiirada-ee-maanta-ka-wajaale-hwlaha-shaqo-u-tegay.mp3"][/audio]




IMG_0003 IMG_0006 IMG_0015 IMG_0020 IMG_0024 IMG_0038 IMG_0045 IMG_0048 IMG_0064 IMG_0066 IMG_0068 IMG_0078 IMG_0081 IMG_0085 IMG_0088 IMG_0090 IMG_0092 IMG_0095 IMG_0097 IMG_0101 IMG_0104 IMG_0106 IMG_0113 




Gobanimo news.com




Wajaale office-somaliland




BY:Mustafe caraale




 




 

Jaaliyada Awdal Ee Sucuudiga Oo Qalab soo gaarsiisay Wasaarada Ciyaaraha ee Gobolka


Borama(GNA) Waxa maanta la soo gaarsiiyay masuuliyiinta wasaarada ciyaaraha ee gobolka Awdal qalab ciyaareed oo isugu jira Kubado, diyraysyo ay la socdaan dharka kale ee ciyaartoyga loogu talo galay iyo Kabo, kaasi oo ay soo diren Jaaliyada reer Awdal ee dalka Sucuudiga ku dhaqan, waxana munaasabadan goobjoog ka ahaa Isuduwaha wasarada Ciyaaraha ee gobolka Awdal, qaar ka mid ah daneeyayaasha ciyaaraha reer Awdal, gaar ahaan dhalintii ciyaari jirtay sanadihii sagaashamaadkii, dhalinyarada ciyaarta maanta iyo suxufiyiin kale.




Ugu horayn ayaa waxa halkaasi ka hadlay Md. Muuse Faarax Bilaal oo qalabkan ka keenay dalka Sucuudiga isla markaana loo so dhiibay ayaa qalabkan ciyaaraha ku Wareejiyay Md. Cabdiqaadir Nuur Daahir waxana uu yidhi “Qalabkan waxa ii soo dhiibay Jaaliyada reer Awdal ee dalka Sucuudiga, waa qalab ciyaareed oo loogu talo galay in kor loogu qaado tayada ciyaaraha isla markaana lagu dhiiri galiyo dhalinta ciyaaraysa, waxana aan u sheegayaa Jaaliyadii qalabkaasi ii soo dhiibtay inaag gacanta kaga riday Md. Cabdiqaadir, sidoo kale waxa aan dhalinta ciyaaraysa iyo bahda ciyaaraha u sheegayaa in ay Jaaliyadu ogtahay sida aad ciyaaraha mudnaanta u siisaan, sidoo kalena ay diyaar u tahay inay marwalba taageerto ciyaaraha, qalabkan iyo ku la mid ahna soo gaarsiiso, guulna waxaan u rajaynayaa ciyaaraha gobolka Awdal”




Md. Cabdiqaadir Nuur Daahir oo halkaasi ka hadalay ayaa cabiray dareenkiisa waxana uu yidhi “Waa noo farxad in aan helno abaalmarintan qalabka ciyaareed ah ee la na gudoonsiiyay, waa mid muhiim ah oo aan sheegayo in aanay ahayn markii 1aad, 2aad iyo 3aad ee ay soo taageeraan jaaliyadu ciyaaraha reer Awdal, waa markii 4aad ee aan deeqo noocan oo kale ah ka helno, waanan ugu mahadnaqaynaa, waxaanan idinka filaynaa intan iyo in kabadan inaad marwalba nagu soo caawisaan, sidoo kale waxaan si gaar ah ugu mahadnaqaynaa Md. Axmed Ibraahim Cumar (Axmed Gacan) oo qalabkan keenidiisa dadaal badan iska saaray, muujiyayna inay si wanaagsan iskugu xidhmaan Jaaliyada iyo bahda ciyaaraha ee gobolka Awdal, waxana aan sidoo kale soo dhawaynayaa isbedelka lagu sameeyay dhawaan ciyaaraha gobolka Awdal ee dhinaca maamulka ah, waxana aan filayaa inay wax badan ka tari doonto taabogalinta ciyaaraha Awdal ee mudada dheer soo daalaa dhacayay, farxad wayn iyo waxqabadna ay tusi doonto dhamaan bahda reer Awdal ee qurbaha ku dhaqan ee ciyaaraha Awdal sida wayn u danaysa dadaalkana ku bixisa”




Md. Xasan Ibraahim Faarax oo ka mid ah bahda ciyaaraha gobolka Awdal taabogalkiisa garabka wayn siisa ayaa waxa uu u mahadnaqay jaaliyada Sucuudiga ee reer Awdal ee qalabkan soo diray, waxana uu yidhi “Waxa noo farxad ah in aan mar labaad taageero wax ku ool ah ka helno jaaliyada Sucuudiga ee reer Awdal, runtii waa jaaliyad xidhiidh wayni naga dhexeeyo, mana aha markii u horaysay ee ay na gacan qabtaan, hore waxa ay dhinta ciyaarta maanta garab uga siiyeen kharashkii ku baxay booqasho ay ku tagtay magaalada Barbara, sidoo kale waxa aan sheegayaa inay hada ciyaartoyda niyadeedu kor u kacday isla markaana u qorshaysan tahay inay safar ku tagaan magaalada Burco, waxaas oo dhana waxa aan abaal wayn uga haynaa Jaaliyada Sucuudiga ee reer Awdal, waxana aan leenahay Eebe Wayne ha idinka abaal mariyo”




Cabdiraxmaan Cali Yaasiin oo ku hadalayay magaca kooxaha ciyaara maanta ayaa siwayn ugu mahad naqay jaaliyada reer Awdal ee Sucuudiga ee soo dirtay qalabkan, sidoo kalena waxa uu sheegay in qalabkan ay hubaal tahay inay wax wayn ka tari doonaan tayada ciyaaraha iyo hiigsiga kooxii soo maray gobolka Awdal ee ilaa maanta ay ciyaartoydoodu yihiin kuwo siwayn u danaynaya hormarinta ciyaaraha gobolka Awdal.




Isuduwaha Ciyaaraha ee Gobolka Awdal Md. Samaroon Cabdilaahi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay Jaaliyada soo dirtay qalabkan ee ku dhaqan dalka Sucuudiga, waxana uu sheegay in qalabkani uu wax wayn ka tari doono tayaynta ciyaarha iyo kor u qaadka niyada ciyaartoyda ee gobolka Awdal, sidoo kalena waxa uu ku booriyay jaaliyadaha kala duwan ee reer Awdal eek u dhaqan qurbaha inay taageeraan kobcinta ciyaaraha reer Awdal si ayuu yidhi dib loogu hoogsado ama loo soo nooloeeyo sharaftii, kaamadii iyo haybadii guulaha badan horseedi jirtay ee uu ku caanka ahaa ciyaaraha gobolka Awdal.




AWDAL CIYAARAHA (7) AWDAL CIYAARAHA (5) AWDAL CIYAARAHA (4) AWDAL CIYAARAHA (3) AWDAL CIYAARAHA (2)




Wariye:Mustafe caraale




Gobanimo news




Borama office-somaliland




 

Magacyada Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Puntland iyo Gobollada ay ka soo kala jeedaan


Garoowe(GNA)-Guddida xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay xubnaha cusub ee Baarlamanka Puntland.




Shir Jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta Baarlamanka ee Magaalada Garoowe ayaa lagaga dhawaaqay Wakiillada cusub, waxaanay ka koobanyihiin 66 Xildhibaan oo bedelaya Baarlamaankii hore ee la kala diray.




Guddida ayaa muddo ka soo shaqaynaysay ansixinta xubnaha baarlamanka oo lagu soo xushay hanaan qabali ah, isla markaana soo ansixiyeen Isimadda Beeluhu.




Wakiilladan ayaa la doonayaa inay doortaan Madaxweyneha iyo ku-xigeenka Puntland 8 Janaury ee sanadka 2014-ka.




Sida ka muuqata Liiska Xildhibaanada Guddidu ku dhawaaqday ayaa ka soo kala jeedda dhamaan Gobollada Puntland oo dhan.




Hadaba waakan Liiska xildhibaanada oo magacyadooda iyo Gobollada ay ka soo kala jeedaan lagu muujiyay,:-




1:Siciid Maxamed Salaad       Bari, Karkaar and Gardafuu




2:Egn.Jaamac Faarax Aadan      Bari.Karkaar and Gardufuu




3:Maxamed Axmed Ibraahim     Bari,Karkaar and Gardafuu




4:Maxamed Cimaan Xasan      Bari,Karkaar and Gardafuu




5:Ayaanle Yuusuf Ismaaciil     Bari,Karkaar and Gardafuu




6:Cabdicasiis Siciid Axmed(Gacameey)     Bari,Karkaar and Gardafuu




7:Yuusuf Maxamed Axmed (Gaacshe)     Bari,Karkaar and Gardafuu




8:Cabdirisaaq Siciid Aadan     Bari,Karkaar and Gardafuu




9:Maxamed Maxamuud Ismaaciil        Bari,Karkaar and Gardafuu




10:Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaan Ciise        Bari,Karkaar and Gardafuu




11:Maxamed Nuur Siciid        Bari,Karkaar and Gardafuu




12:Ayaanle Galan Guuleed      Bari,Karkaar and Gardafuu




13:Siciid Cali Maxamed        Bari,Karkaar and Gardafuu




14:Mustafe Bille Maxamuud         Bari,Karkaar and Gardafuu




15:Salaad Xareed Cali        Bari,Karkaar and Gardafuu




16:Cabdiqafaar Cabdisalaan Shiikh Maxamuud.     Bari,Karkaar and Gardafuu




17:Siciid Shire Maxamed(Qaarcad)      Bari,Karkaar and Gardafuu




18:Cabdiraxmaan Siciid Faarax.    Bari,Karkaar and Gardafuu




19:Siciid Maxamed Cismaan              Bari,Karkaar and Gardafuu




20:Xasan Xaaji Siciid Maxamuud.      Bari,Karkaar and Gardafuu




21:Cabdirisaaq Muuse Maxamed.      Bari,Karkaar and Gardafuu




Nugaal




22:Cabdisalaan Xuseen Bootaan.Nugaal




23:Liibaan Cabdilaahi Ow-Cabdi.Nugaal




24:Siciid Cabdi Samater Nugaal




25:Maxmauud Faarax Warsame Nugaal




26:Cabdidaahir Siciid Ciise. Nugaal




27:Maxamed Faarax Nuux. Nugaal




28:Burhaan Aadan Ow.Cabdi. Nugaal




29:Cabdikariin Xuseen Guure. Nugaal




30:Siciid Xuseen Nuur Dirir. Nugaal




Sanaag iyo Halaan.




31:Cismaan Dalmar Yuusuf. Sanaag iyo Halaan.




32:Cabdixamiid Maxamed Axmed Sanaag iyo Halaan.




33:Axmed Cali Xaashi. Sanaag iyo Halaan.




34:Maxamed Cali Guuleed. Sanaag iyo Halaan.




35:Abshir Siciid Saalax. Sanaag iyo Halaan.




36:Cabdiraxmaan Cali Jibriil. Sanaag iyo Halaan.




37:Siciid Xasan Shire. Sanaag iyo Halaan.




38:Siciid Daahir Qodax. Sanaag iyo Halaan.




39:Cumar Maxamed Irbad. Sanaag iyo Halaan.




40:Ismaaciil Cabdi Abtiile. Sanaag iyo Halaan.




41:Cabdi Siciid Kafad. Sanaag iyo Halaan.




Sool iyo Cayn




42:Saleeban Maxamed Cilmi. Sool iyo Cayn




43:Cabdul Cabdi Faarax . Sool iyo Cayn




44:Faarax Caydiid Casoowe. Sool iyo Cayn




45:Cabdirisaaq Jaamac Cabdibile. Sool iyo Cayn




46:Saadiq Abshir Garaad Maxamed. Sool iyo Cayn




47:Cali Jaamac Faarax. Sool iyo Cayn




48:Kayse Cawil Cali Boowe. Sool iyo Cayn




49:Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil. Sool iyo Cayn




50:Xariir Gaas Guutaale. Sool iyo Cayn




51:Maxamed Cabdilaahi Cilmi. Sool iyo Cayn




52:Xuseen Yaasiin X.Diiriye. Sool iyo Cayn




53:Axmed Maxamed Jibriil. Sool iyo Cayn




54:Faarax Sulub Jaamac. Sool iyo Cayn




55:Cali Axmed Cismaan. Sool iyo Cayn




56:Cumar X.Cabdi Ibraahim(Akabe) Sool iyo Cayn




Mudug.




57:Cabdirisaaq Yaasiin Cabdulle. Mudug.




58:Cabdirashiid Maxamed Xirsi. Mudug.




59:Raxmo Cabdixabiib Jaamac Mudug.




60:Cabdiqaadir Faarax Bootaan. Mudug.




61:Cabdixakiin Macalin Daahir: Mudug.




62:Axmed Jaamac Cabdulle. Mudug.




63:Nuuradiin Cabdirashiid Cali. Mudug.




64:Xasan Xaange Maxamed Faarax. Mudug.




65:Cali Jaamac Xasan. Mudug.




66:Maxamed Cabdi Warsame. Mudug.




Halkan ka Akhri Liiska oo Sawir ah:

Monday, December 30, 2013

Dooro Musharax C/wali Gaas.Daawo


Daawo Heesta dooro Musharax Cabdiwali Gaas


Puntland: Baarlamanka cusub oo lagu dhawaaqay


Garoowe(GNA)-Guddiga xalinta khilaafadka iyo ansixinta Baarlamanka Puntland ayaa saacadaha soo socda la filayaa inay shaaciyaan xubnaha cusub ee Baarlamanka Puntland.




Xulista Wakiillada cusub ee Puntland ayaa mudda soo socotay, waxaana la sheegay in gelinkii dambe ee Maanta la soo gunaanaday.




Guddida ayaa  shir jaraa’id ku qabanaya xarunta Baarlamanka, halkaasoo lagaga dhawaaqayo xubnaha baarlamanka ee cusub,




Warbaahinta ayaa looga yeedhay goobta shirka jaraa’id ka dhacayo.




Wakiillada cusub ayaa waxa qaab beeleed ku soo xulay Beelaha degen Puntland, waxaana ansixiyay Isimadda.




Wakiillada cusub ayaa dooranaya madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen cusub 8 Janaury ee sanadka 2014, oo laba todobaad inaga xigto.




Musharixiin badan ayaa ku tartamaya doorashada, waxaana ka mid ah madaxweynaha hada talada haya Cabdiraxmaan Faroole.




  La soco wixii war ka soo kordha ..




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Mucaaridka Koonfurta Suudaan oo Dagaal loogu Hanjabay


 







Jubba(GNA)-Madaxweynaha Yugaandha ayaa digniin culus u diray hoggaamiyaha fallaagada Koonfurta Suudaanta.




Yuweri Museveni ayaa sheegay in haddii madaxweynihii hore ee Suudaanta Koonfureed uu diido dedaallada nabaddeed ee ay waddamada gobolka wadaan ay raadsan doonaan.




Dawladda Yugaandha ayaa bilowgii dagaalada Koonfurta Sudan la wareegtay amaanka goobaha dawladda, si aan waxyeelo uga soo gaadhin dagaalka.




Ma cada tallaabada ay qaadi doonaan waddamada gobolka marka la gaaro maalinta berriya, oo ah xilliga kama dambaysta ah ee ay  u qabteen labada dhinac inay miiska wadahadalka so fariistaan.




Hadalkan ayaa soo baxaya  xili ay wali dalkaasi ka sii socdaan qulqulatooyinka iyo dagaaladu .




Madaxweynaha dalka ayaa ku baaqay xabad joojin, laakiinse ciidamada dawladu waxay sheegeen inay dagaal kula jiraan kooxo mucaarida oo ku sugan Goobaha Saliida laga qodo.




Caruur badan oo ka lumay waalidiintooda markii dagaalku qarxay




Kumannaan carruura ayaa waalidiintooda ka lumay, kaddib markii ay colaadda ka socota wadanku bilaabantay.




Hay'adda Save the Children ayaa sheegtay in carruur badan ay iskood ugu nool yihiin miyiga fog ee dalkaas iyo meelo kale oo ay ku gadoonsanyihiin.




Qaar ka mid ah carruurta ayaa goobjoog u ahaa waalidkooda oo la dilayo,  guryahoodana la bililiqeysanayo.




"Muddo saddex maalmood gudahood ah, waxaan diiwaan gelinay 60 carruur ah oo ku cidleysan xero ku taalla caasimada Juba" Helen Mould oo Save the Children ka tirsan.




In ka badan 121,000 oo qof ayaa ka qaxay guryahooda markii uu dagaalka billowday, waxaana qoysaskaasi qaarkood ayaa kala lumay, sida ay sheegtay hay'adda Save the Children.




Hay'adda ayaa intaa ku dartay in caruurta waalidiintooda ka dhuntay ay qaarkood ku dhuumanayaan goobo go'doon ah, oo aysan helayn biyo nadiif ah oo ay cabaan. 




Dagaalka Suudaanta Koonfureed ayaa laba toddobaad ka hor ka billawday caasimada Juba, waxaana uu ku fiday inta badan dalkaasi.




Dhimashada dadka oo kordhaysa




Dad kor u dhaafaya  1,000 ruux, ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen.




Suudaanta Koonfureed ayaa ka go'day dalka Suudaan sanadkii 2011-ka, kaddib sanado dagaallo sokeeye ay socdeen.




Dhexdhexaadiyaal




Dhex dhexaadiyayaal ka socda Bariga Afrika ayaa labada dhinac ee dagaalamaya u qabtay ilaa Talaadada berri ah inay ku soo afjaraan colaadda.




Baaqyo kale oo caalamiya ayaa laga soo jeedinayaa dagaalada, waxaanay Hay’addaha UN-ku sheegayaan in xal deg deg ah loo baahanyahay.




 

Waxaan Ahay Hiil Qaran Haddii Layla Garto!:Qalinka Mustafe Axmed Keyse.


Marka hore waxaan salaan gobannimo u dirayaa guud ahaan bulsha dayda qaaliga ah ee aan jeclahay ee u dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ugu horree yaan Madaxda Qaranku Mucaarid iyo Muxaafid`ba gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Madaxwayne kuxigeenka qaaliga ah ee Sharafta iyo Qadarinta mudan.




Marka labaad waxaa wagama maar maan ah inaynu wax isu sheegno oo qof waliba dhankiisa wixii qalad ah ee jira ee uu arko uu cod dheer iyo cod gaaban ba kusoo gudbiyo isagoo raacaya waddada wanaagsan ee uu wax ugu gudbin karro walaalihiisa isla markaana aan wax yeello ugey sanayn wadan kiisa tusaale ahaan waxaa jirta inay dad badan oo kamid ah bulshada marka ay wax sheegayaan iyagoo ujeeddo ahaan wax toosinaya oo qalad til maamaya inay haddana ku hadlaan hadallo wax yeelaya qarannima deenna.




 




Markaa walaalayaal ugu horeyn waxaan odhan lahaa halaga fiirsado hadallada oo muwaadin adoo wax wanaaji is leh wax yeello hasoo kordhin wacyi galinta aad waddaana yay noqon mid wax sii kala fogaysa midda kale waxaan usheegayaa Muwaadi niinta sharaf leh ee reer Smaliland Sacab iyo Masuul labadaba inay ka waan toobaan hadallada ay had iyo jeer warbaahinta kasoo day nayaan ee wax yeello mooyee aan wax ay tarayaan jirin waxaan ku boori nayaa mudane iyo marwaba inay ogaadaan hadalladaa cayn kaasi waa idiin sharaf dhac iyo karaama darro oo idinkaa is qiima ridaya marka erey qalloocan afkiinna laga maqlaba waxaa ogaataan inay hoos udhacayso subcaddii aydun ku lahay deen bulshada kale dhex deeda.




 




Hadaba walaalayaal waajibka inawada saran ayaa ah inaynu iska wacyi galinno waxkasta oo inagu keeni kara dhibaato haday tahay bulshada xaggeeda iyo haday tahay qaranni maddeenaba markaa Dhammaan Umadda reer Somaliland waxaan maanta kula talin lahaa inay wadajir iyo isku duubni ah uga hawl galaan hawlaha taagan oo ay hor illaahay ugu hiiliyaan Hashooda Maandeeq ee marka labaad halista u ah inay hallowdo oo walaalayaal wax yar bal hoos u eega waddada aa haysaan inay tahay mid sax ah oo tagaysa halkii aynu hiigsa naynay iyo in kale waxaa se is waydiisaan Muxuu ahaa wixii lagu hesheeyay ee ay 18kii May.1991kii bulshada reer Somaliland ay isla qaateen Miyuu se hirgalay waxaa kale oo iyana lagama maar maan ah inaynu isu miisaanno Waxa inoo qab soomay iyo Wakhtiga aynu jirnaa ma yihiin wax isu dhigma WAA MAYA JAWAABUHU aniga iyo fikir kayga waana waxa igu kalifay inaan qoraal kan idiin soo gudbiyo. waayo walaalayaal Ta koobaad Waddada aynu haynaa maaha mid sax ah maadaama aynu wali is bar-bar wadno Qaran iyo Qabiil isu cadaw ah oo aan meelba wada gali karin inta aynu ku dhaq mayno qabyaalad ee aynu wali reer hebel taaganna hay inay naan qaran noqon kara hayan waddadii aynu u mari lahaynna aynaan haynin Ta labaad waxii ay bulshadu ku heshiisay maalintii Burco 1991kii waa laga leexday waayo waxaa marag maddoon ah haddii cod laqaado inaan maanta la qiyaasi karin bulshada inta u coday naysa Gooni isutaagga Jamhuuriyadda Somaliland sababtoo ah shacabka reer Somaliland maanta iyo maalintaa faraq wayn baa u dhaxeeya tusaale ahaan walaalayaal bulshada 100% waxaa ku dhacay khal khal iyo jaah wareer oo waxaa ka lumay hadaf koodii guud iyo waxay ahayd himila doodu ee ay hig sana yeen waxaana usabab ah khilaafka iyo muranka siyaasadeed ee mar walba taagan ee madha layska ah isla markaana waxaa meesha kabaxay wixii looga baahnaa siyaasi yiinta iyo madax dhaqameedka iyo qof kasta oo wax garad ah oo u dhashay Jamhuuriyaddan Somaliland oo halkii laga rabay inay hadh iyo habeen`ba ku hawla naadaan danta shacabka sidii ay isugu soo jiidi lahaa yeen bulshada ee ay uga dhex dhalin lahaa yeen farxad iyo kal gacayl iyo wanaag ayaa iyagii dhex doodii isku mashquul san oo waliba shacabkii ku riday khal khalka iyo jaah wareerka isla markaana iyagaa u sabab ah inay dadku bilaa mabda noqdaan maanta oo ay niyad jab iyo kalsooni darro kaga dhacdo oo ay gooni isutaa goodii iyo aqoonsi inay helayaan oo ay noqo nayaan qaran madaxbannaan kadibna taasi ay keentay inaan shacabka maanta meel loogu soo hagaaga yaa jirin. Ta sadexaad walaalayaal waxa inoo qabsoomay maaha mid udhigma wakhtiga aynu jiro waayo waxaynu jirnaa 22.sanno walina ma lihin wax la til maamo oo cad oo aynu nidhaahno waxaas iyo waxaas ayaa dhammaaday oo halkii loogu talagay amma gaadhay ama ku dhaw Tusaale ahaan hadday noqotto Waddo iyo Laydh iyo Biyo iyo wax kastaba iska daa wax kaloo waxaynu wada og nahay inaanu shaqayn sharcigii dalku oo ay qabyaaladdu ka sarayso waxaa iyana wax laga xumaado ah inay 22.sanno ay bulshada inteeda badani aanay gara nahayn WAXAN AY XAQ UGU LEEYIHIIN WADAN KOODA IYO WADANKU XUQUUQDA UU KU LEEYAHAY taas oo ah ta ugu muhiimsan ee ummadi ay ku gaadhi karto meel iyo meeqaam sare haddii allaha awooda lihi ogolaado.




 




Hadaba Mudanayaal iyo Marwooyin waxaan idinka codsa nayaa inaa maanta hurdada ka kacdaan oo qof waliba waajibka ka saaran dadkiisa iyo dalkiisa uu u gutto hagar la`aan isla markaana ayn dib ujelleecno halkaynu hasheenna maandeeq shalay kasoo helnay iyo hawshii inaga gaadhay oo aynu hurdada kakacno waynu hurud naa walaalayaal waxaanan idinku dar daarayaa inaynu illaahay ka baqano oo aynu madaxda qaranka iyo miisaanka ay ku fadhiyaan aynu eegno oo wixii qalad ah ee jira innagoo sheegayna haddana aynu ixtiraamno sharafta iyo karaamada qofka masuulka ah isla markaana aynaan ka tagin milgaha iyo xushmadda ka dhexaysa guud ahaan umadda muslimka ah ee ah la jec law walaal kaaga muslim ka ah wax kasta oo aad naftaada la jece shahay.




 




Allaa Mahad Leh.




 




Mustafa Axmed Kayse (Mr.Mak)




 




Ex. Gud, Ururka Solco




 




E-mail:  mak.solco@hotmail.com

Muqdisho: Qarax Askar lagu laayay Hanjabaadii Al-shabaab ka dib


Muqdisho(GNA)-Laba qarax ayaa ka dhacay bar control oo ciidamada dowladu ku leeyihiin halka loo yaqaano Ceelka Cali Geeddi oo ka tirsan degmada Kaaraan.




Laba askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, mid kalena waxa ka soo gaaray dhaawacyo.




Qaraxa ayaa ka dhashay Miinooyin goobta la dhigay oo sida loo malaynayo ah nooca meelaha fog fog laga hago.




Qarax ayaa jimciihii ka dhacay Xaafadda Bangaali ee Degmada Dayniile, waxaana ku dhintay 11 qof oo askarta dawladda u badan.




Kooxda Alshabaab ayaa ku hanjabtay inay weerarayso gooobaha dawladda, waxaanay dadka shacbiga ugu baaqeen inay ka fogaadaan xarumaha dawladda.




Laakiinse afhayeenka  maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray gudoomiyaha Al-shabaab gobolka Banaadir ayaa sheegay in hanjabaada lagu  khal khal geliyo amaanka caasimada, isagoo shacabka ugu baaqay iney dheg jalaq u siin hadalada noocaas ah.




"Cabsi awgeed nin qol isku soo xiray oo taleefan ka soo diraya magaaladana aan joogin hadalkiisa nama cabsi gelinayo, shacabka Muqdisho nabad ayay qaateen, dowladnimay rabaan, hanjabaadna xiligeeda lama joogo" ayuu yiri Maxamed Yuusuf.




Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay xaqiijiyeen amaanka caasimada oo uu xusay inuu aad u fiican yahay isagoo xusay iney dhacaan mararka qaarkood falal amaan daro sida qaraxyo yar yar iyo dilal taasna ay kala siman yihiin caasimada caalamka oo uu sheegay in maalin walba ka dhacaan waxyaabo noocaas ah.




 “Kooxaha nabadiidka gabalkoodii waa dhacay, umaddii oo dhan ayaa nacday, awoodii ay lahaayeen waa la wiiqay, iyagaa dhuumasho ku jira, nin baxsad ahna cid uu waxyeeli karaba ma jirto isagaa tiisa u yaaban” ayuu intaa ku daray.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Waxgarad reer Burco ah oo Bayaan soo saaray


Qaar kamida odayaasha beesha bariga burco oo warbaahinta somaliland u qeybiyey qoraal kooban  oo ay  kaga waramayaan dhacdooyinkii kala danbeeyey ee sanadkan gudihiisa ka dhacay  magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer  ayey  kusoo saareen bayaan cad oo  ka dhan ah dhacdooyinkii ugubka ku ahaa gobolka iyo guud ahaanba Qaranka kuwaas oo mudo wax yari u dhaxaysay  ka dhacay burco,  odayaashan qoraalkan kooban ee ay soo saareen ayaa ay ku sheegen  in dhacdooyinkaas iyo weeradaasiba ay  sanadkan gudihiisa tiraba  soo noqdeen laba jeer, waxaana ay ku tilmaameen inaanay ahayn wax loo dul qaadan karo, Waxaana uu u dhignaa qoraaalkan kooban ee nuxurka xanbaarsan sidan:




Bayaan Ka Dhan Ah Dhacdooyinka Isdaba joogaa ee Ka Dhacay Burco




Markay  Taariikhdu ahayd 13/03/2013 waxaa Magaalada Burco ka dhacay Dagaal ay  Beesha Galbeedku  kusoo qaaday Beesha Bariga Buco  ayadoo uu joogo Wasiirkii  Amniga  JSL  Maxamed Nuur Caraale Duur, Weerarkaas  Waxaa ku burburay Hanti farabadan, Dadweyne Mawaadiniin ah oo aan waxba geysan  waa lagu laayey, waxaa la boobay Hanti dadweyne waxaana la burburiyey Gaadiid, Hudheelo Goobo Ganacsi IWM.




Dhacdii labaad waxaa ay dhacday 22/12/2013  waxaana  markaas uu joogay Magaalada Burco  Wasiirka Xanaanada Xoolaha JSL Cabdi Aw Daahir markaas waxaa dhacday khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh waxaana la Burburiyey  hanti farabadan  oo ay  ku jiraan  hantiyo ay leeyihiin Ganacsato waa weyn oo somaliland ah,  wixii ka dhacay burco muu ahayn mudaharaad  ee waxaa uu ahaa fawdo iyo fidmo ay soo maleegeen  beesha galbeedka burco , waayo Xafiisyada Dawlada cidi uma tegin  wuxuu ahaa weerar  beesha bariga burco lagu soo qaaday oo badheedh ah.




 




Waxana cad in Rabshadahaasi iyo weeraradaasi lagu beego marka ay joogaan  Wasiirada beesha  Galbeebka  burco joogaan burco, waxaana la arkayaa oo la ogyahay in weeraradaasi  gardadara ah  ay ka midaysan yihiin dhamaan madax iyo minjaba  oo kuwada socdaan, waxaana taasi cadaynaaya oo marag  u ah in maalin walba lagu  soo duulaayo hantida beesha bariga burco  hadii ay dawlad ku mudaharaadayaan maxay Xafiisyada Dawlada iyo Maamulka Gobolka u tagi  waayeen ??




Waxaanu ognahay inay Rabshadaasi  ku wada socdaan beesha galbeedka burco  se ay tahay cida keliya ee loo xilk saaraa  ninka la yidhaahdo guuleed  iyo dayr xiniinyo dheere oo labaduba ay  yihiin kuwa ugu faca weyn abaabulka rabshadahaasi waana arin talo ah oo lawada go,aamiyey Waxaanu leenahay  anagoo kamida Odayaasha Beesah Bariga Burco  oo faraynaa  dhigayaga maanta wixii ka danbeeya waa Colaad ama waa nabad waarta  wax ka dhaxeeyaa ma jiro, Dil iyo dhac maalinkasta jooga  wax sidaa ahaan karaa ma jiraan waa in labadaa miduun looga gudbaa.




Wa bilaahi Tawfiiq.




Qoraalkan waxaa Warbaahinta u Gudbiyey




1. Oday Ibraahim Faarax Cawed (Feedhayare)




2. ODay Maxamed Faarax Cadi  (Waraabe)

Muhaajiriin Soomaali Ah oo Doon Kula Degtay Xeebaha Dalka Colombia


(GNA) Sida uu sheegey taliyaha ciidanka Police-ka gobolka Gacanka Uraba (Waqooyi Galbeed) ee dalka Colombia ee qaaradda Latin Amerika kaas oo  lagu magacaabo Colonel Raúl Antonio, waxaa la heley meydka illaa shan qof oo muhaajiriin ah oo dooni kula degtay wabi halkaasi ku yaala, sida uu taliyuhu sheegay Dooni aanan xaaladeeda wanaagsanayn oo la saaray dad ka baddan intii ay qaadi kartay ayaa ku degtay  wabiga Atrato ee u dhow xuduudda dalka Colombia  la leeyahay dalka Panama waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray muhaajiriin Somali ah oo ku safrayey doontaasi.




Illaa 30 qof oo Soomaali ah ayaa doonta saarnaa sida wararku sheegayaan, waxaana dhimashadooda la xaqiijiyey illaa 7 qof, iyada oo dadka qaarkood uu yaxaas cuney, inta kalana meydkooda la heley ,waxaana la shaeegay in wali ay socdaan baaritaano aarrintaasi la xiriira, sida warku sheegayo Dadkaasi soomaalida ah ayaa  waxa ay ka kala tageen meelo kala duwan ooka mid ah dunida waxayna u badnaayeen sida la sheegay kuwo ka tagay  dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika,waxayna doonayeen sida la sheegay inay tahriib ku galaan dalka Maraykanka.




Lama oga xaaladda soomaalidii ka badbaaday doonidaasi, iyadoo ay tani noqoneyso masiibo kale oo soo wajaheysa dhalinyarada soomaaliyeed ee naftooda ku biimeynaya dhulal aad uga fog soomaliya oo ay khataro kala duwan kala kulmayaan.




Gobanimonews--Disk

Ismaaciil Cumar Geele: Federaalka Waa Sun Soomaaliya La Geliyay!


(GNA) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka soo dhexgala madaxda Soomaalida gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha inta uu socdo xilliga ay wada-shaqeynayaan, Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay inaysan aheyn markii ugu horeysay oo khilaaf uu soo dhexgalo Madaxweyne Soomaaliyeed iyo Ra’isul wasaarihiisii, laakiin 20-kii sano ee la soo dhaafay ay Madaxweynayaashii dalka soo maray iyo Ra’isul wasaarayaashoodii markii ay muddo wadashaqeeyaan ay is-afgaran waayaan.




“Sababta anigu ma garanayo ma dastuuurka ayaan aheyn mid saxan oo si cad u qeexaynin awoodaha uu mas’uul walba leeyahay, ma dad doonaya inay ka faa’iideystaan oo ay balaayo dhex-dhigaan madaxweyne walba iyo ruuxa uu u doorto Ra’isul wasaaraha ayaa jira, balse anigu waxaan soo jeedinayaa in dib loogu laabto hab dhismeedka dastuurka” ayuu yiri Geelle oo wareysi gaar ah siinayey Idaacadda VOA-da.




Madaxweyne Geelle waxaa kale oo uu sheegay inuu soo jeedinayo in la bedelo habka ay dowladdu u dhisantahay sida in laga dhigo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen oo dastuurka isbedel lagu sameeyo ama si kale oo macquul ah loo bedelo si looga fogaado kalsooni-darrada soo dhexgasha madaxda dowladda Soomaaliya.




Dhinaca kale madaxweynaha Jabuuti oo wax laga weydiiyay federaaliisimka Soomaaliya ayaa sheegay in taasi aysan iyaga ula muuqan wax wanaagsan, balse ay tahay sun la geliyay Soomaalida oo aan hadda laga kareyn ka jooga, wuxuuna yiri “Qorshaha federaalka waa sun Soomaalida la geliyay oo aan hadda laga kari karin iska daaya, waxaadna arkeysaa dowlad goboleed iyo maamul goboleed la isku dhinac wado, mana qabo in qabiil iyo Qaran ay meel wada-geli karaan”.




Ugu dambeyn, madaxweynaha Jabuuti oo wax laga weydiiyay in Jabuuti ay hormuud u ahayd muddo badan siyaasadda Soomaaliya, balse hadda ay u muuqato inay dib uga yara sikatay, isagoo taas ka jawaabayayna wuxuu sheegay inaysan jirin wax iska bedelay siyaasaddeeda, balse ay go’aan ku gaareen inaysan faragelin ku sameyn maamulkooda oo ay ixtiraamaan madaxda hoggaanka haysa.




Gobanimonews.-Disk




 

Xad-gudubyo ka dhan ah Suxufiyiinta oo la soo sheegay Kismaayo


Kismaayo(GNA)Waxa xalay fiidkii gurigooda lagala baxay Nasteexo Maxamed Cumar, oo kamid aheyd wariyaasha ka howlgala magaalada Ksmaayo ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegayaan wariyaasha ku sugan Kismaayo.




Wararka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Juba ay gabadha kala baxeen xaafada Suuq Mugdi oo ku dhow Aargada Kismaayo, iyadoo la sheegay inay handadeen reerkooda.




 waxaana la sheegay inay ka kaxeysteen gabadha iyadoo aan la ogeyn meel ay geeyeen, sida uu sheegay Aabaha dhalay  gabadha, kaasoo  xaqiijiyay in gabadhiisa ay afdubeen ciidamada maamulka KMG ee Juba.




Sidoo kale maalinamadii shalay ayaa la sheegay in ciidamada Jubba ay xereen wariye ka howlgalayay Radio Kismaayo oo ku hadlaya afka maamulka KMG ee Jubba.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Jubaland, laakiinse dhacdooyinkan ayaa ah kuwo isa soo taraya, waxana hadii ay jiraan ay cawaaqib xumo noqonayaan xaalada suxufiyiinta ka hawl-gala Gobolka oo hore dhibaatooyin ugala kulmi jiray siyaasadihii isdiidanaa iyo kooxihii halkaasi ka talin jiray.




Inkasta oo bilihii u dambeeyay ay magaalada Kismaayo ku soo badanayeen dilalka qorsheysan ee dadka rayidka ahi, afduubka suxufiyiinta ayaa ah arrin ugub ku ah.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobaniminews.com

Cawke iyo Hereri oo ka shaqo galay Telefishanka HCTV iyo Caqabadaha hor-yaala


Hargeysa(GNA)-Wariyeyaasha Axmed Xasan Cawke iyo Cabdilaah Hereri, ayaa ka soo muuqday Shaashadaha Telefishanka Siteliteka ku jira ee Maxaliga looga daawado Magaalada Hargeysa.




Horn Cable ayaa la aasaasay sanadii 2008-dii, waxaana soo maray Wariyeyaal waaweyn oo caanka ah somaliland, sida  Cabdilaahi Aadan Cumar Wayab dhawaan dib uga shaqo galay, Xasan Maxamed Yuusuf, Khadar Maxamed Cakulle iyo kuwo kale oo wakhti dheer ku soo jiray Mihnada Saxaafadda.




Labadan Wariye ayaa ah rugcadaadi dhanka xirfada ah, waxaanay muddo dheer ka shaqaynayeen Ideecadaha Somaliga ku warama iyo Telefishanka UNIVERSAL.




Hereri iyo Cawke ayaa  gaadhay  heer warfidiyeeno soo kacayaa mustawe ka dhigtaan inay gaadhaan halka ay Marayaan labadan Nin iyo wariyeyaal kale oo lagu daydo.




Dadka ka daawada shaashadaha layska arko iyo kuwii ka dhegeysan jiray iddeecadaha ayaa aad u jeclaan, codka halaasiga ah iyo hal-abuurnimadooda, taasoo sababtay inay sumcad badan ka helaan dhegeysteyaashooda.




Saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay ayay ka tirsanaayeen Telefishanka Universaltv ee Xaruntiisu ku taalo magaalada London , waxaanay shaqadoodu u badnayd Gobollada Somaliland oo ay barmaamujyo badan ka sameeyeen.




Inta badan suxufiyiinta ka hawl-gala Telefishanka ay hada ka shaqo bilaabeen, ayaa ah kuwo aad u da’yar oo aan waayo aragnimo badan lahayn, laakiinse aqoon ahaan jaanqaad la ah casriga iyo xiliga cusub ee Caalamku marayo.




Waa laba marmaamuj soo saare oo waayo arag ah, waxaana laga tilmaamaa laf dhabarta Telefishanka ay ka huleeleen oo ah telefishan Guun ah oo muddo dheer hawada ku jiray.




“Fursad weynbay u yihiin Horn Cable hadii uu helay labadan wariye, laakiinse mushkiladu waxa weeye wariyayaashu kuma hakadaan warbaahinta oo berri uunbay meel kale tegayaan”sidaasi waxa Gobanimonews mid ka mid ah Daawadeyaasha Telefishankan oo la dhacsan inuu Cawke iyo hereri mar kale Telefishan maxali ah ka arko.




Doodda ah guur-guurka suxufiyiinta ka hawl-gala Warbaahinta somaliland, ayaa ah mid jirta oo mar walba taagan, waxaana sabab u ah dhaqaalaha Hay’addaha Warbaahinta oo aan mushahar wanaagsan bixin iyo Mulkileyaasha oo inta badan wariyeyaasha ku colaadiya danaha aaminada dano siyaasadeed iyo isbedelada mabda’a siyaasada Hay’adahooda.




Sanad kasta tiro wariyeyaala ayaa shaqada uga taga cadaadis kaga yimaada dhanka Maamulka Hay’addaha ay ka hawl-galaan iyo dhaqaale xumo sababta inuu suxufigu horumarin kari waayo mihnadiisa.




Warbaahinta Madaxbanaan ayaa ah kuwa ay ugu badan yihiin inay wariyeyaashu iskood shaqada uga tagaan, marka ay caqabado ka hor yimaadaan.




Marka la eego wajiyada sumcadda iyo Miisaanka saxaafadeed xambaarsan ee ku biiray Telefishankan Horn Cabletv , dadka ku dhex jira mihnada iyo kuwa xogogaalka u ah mushkiladaha Hay’adaha warbaahinta ka jira oo ay dheertahay tayada qalabka ay ku shaqeeyaan oo aan wanaagsanayn, waxa maskaxada dadkaasi ku soo dhacaysa mulkilaha Telefishankani ma yahay shakhsi Wariyeyaashan ay  wakhti dheer sii wada shaqayn karaan.




Ka sekow Mulkileyaasha  Maamuladda Hay’adaha warfaafinta Madaxbanaan, ayaa lagu tilmaamaa inay qayb ka yihiin mushkiladda jirta, balse su’aasha ugu muhiimsan ee meesha taala ayaa waxay tahay ma u bisilyihiin Suxufiyiintani inay macalimiin iyo waliba masuuliyiin u noqdaan suxufiyiinta da’da yar ee dalka ka hawl-gal siiba kuwa ka shaqeeya Telefishankan.




Mase laga gaadhay xiligii uu Mulkilaha Horn Cable, ka faa’idaysan maskaxda iyo waayo aragnimada nimankan?. isla markaana mushahar ku filan iyo hufnaan maamul ugu kasban lahaa, si uu u hanto Taageerayaashooda iyo tamarta hawl-qabad ee ku jirta.




Si kastaba ha ahaatee labadan wariye ayaa u muuqda kuwo waajaha marxalad warfiyeenimo cusuba oo Maxaliya, taasoo looga baahanyahay inay dhabar adayg iyo Samir badan u yeeshaan,  wax badana uga tanaasulaan horumarinta tayada warbaahineed ee waddanka.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Gaadhi Laga Soo Dhacay Wasiirka Duulista Iyo Hawada Ee Puntland Oo Lagu Qabtay Ceerigaabo


Ceerigaabo (GNA) Baabuurkii Wasiirka Duulista iyo Hawada Maamul-goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland Xuseen Cabdi Naxar (Xuseen-jiriid) po noociisu yahay Landcruiser midabkiisu madow yahay Plate Numberkiisuna yahay GD.459 Ayaa goor habeennimo ah caawa wuxu soo gaadhey gudaha magaalada Ceerigaabo. Waxana baabuurkan lasoo goostay dareewalkii wasiirkan u wadey oo magaciisu yahay Xasan Aadan.




Baabuurkan ayaa kaddib rasaas fara badan oo ay la beegsadeen koox katirsan ciidanka qaranka Guutada 45-aad oo fadhigoodu yahay gudaha magaalada Ceerigaabo goor uu kusoo dhowaa Kaantaroolka Ceerigaabo waxay ka haleeshay mid ka mid ah taayirrada danbe haseyeeshee maaddaama ciidankan oo ay isku hayb yihiin wasiirka iyo dareewalka baabuurka lasoo goostya kana cabsi abbey waduhu in baabuurkan ay beel ahaan uga qaadayaan si uu uga soo guda galo magaalada Ceerigaabo wuxu ku guulaystey inuu ka fara baxsado ciidankaas. Lamana garan karo wax dhawwac naftiisa gaadhey wadaha baabuurkan ilaa hadda. Halka warar aan la hubin ay sheegayaan inuu jiro nin dhallinyaro ah oo baabuurkan lalasoo fakaday saarnaa oo isaga dhaawac kazoo gaadhey rasaastii ciidannkan qaranku ku ridayeen.




Sidoo kale ciidanka boliiska oo iyaguna xogta baabuurkan helay kana hortegey iyo baabuurkii oo cararaya iyo ciidankii millateriga ahaa oo baacsanaya ay si kedis ah u kulmeen kaddibna dareewalkii baabuurkan wadey uu ka cararay baabuurkii halkaasoo waqti yar gudihiis labadii ciidan ku kulmeen gaadhigan lala soo goostay waxana baabuurkii u fara horreeyey ciidanka millateriga ah kuwaasoo muran dhex maray iyaga iyo boliiska kaddib u kaxaystay baabuurkaas xeradooda millateriga ee gudaha Ceerigaabo.




Gobanimonews--Disk

Waa kuma Musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland?


“Dooro Musharax lagu hubo Dedaal, Daacad, Diin jeceyl, Dadnimo iyo Waayo aragnimo Siyaasaddeed”




Tartan ayaa loogu jiraa Doorashada Madaxtiminadda Puntland ee shanta sanadood ee soo socota oo dhacaysa sida lagu waddo horaanta bisha Janaury ee sanadka.




Dhawr iyo labaatan Musharax ayaa u ordaya Jagooyinka Madaxweynaha iyo ku-xigeenka, waxaana ka mid ah kuwo cusub iyo qaar Siyaasadda Gobolka muddo dheer ku soo jiray.




Dr. Maxamed Xirsi Ducaale, wuxuu ka mid yahay xubnaha ku tartamaya Kursiga Madaxweyne ku-xigeenka, waana musharaxa qudha ee ilaa hada haysta Kalsoonida in Kursigaasi loo doorton.




 



Waa Ruugcadaadi siyaasaddeed afartankii sanadood ee la soo dhaafay ku soo jiray Saaxadda Siyaasadda iyo nidaamka dawladnimadda, waana nin leh Aqoon dhakhtarnimo iyo waayo aragnimo siyaasadddeed.




 



Waa Shakhsiyad ku sifoowday hufnaan siyaasadeed, Diin,daacadnimo,hufnaan maamul,karti iyo dadaal dheeraad ah iyo waayo- aragnimo-ba, waxaanu wakhti dheer iyo waayo badan naftiisa iyo maalkiisaba u huray sidii uu dalkiisa u dhisi lahaa.




Dr-Maxamed Xirsi Ducaale  wuxuu xilal muhiima  ka soo qabtay dowladihi somaaliyeed intii xoriyadda ka dameeysay, waxaanu wixii xiligaasi ka horeeyay ka soo shaqeeyay Gobollo badan oo dalka ah.




Dawladdii Somalia ka hor bur-burkii 1991, wuxuu soo maray  Dhakhtar, Col Dakhtar Ciidanka Boliiska(Isbitaalkii Madiina),Agaasime iyo Maamulle Cisbitaalkaasi ah.




Markii ay bur-burtay Dawladdii dhexe wuxuu ka mid ahaa dadkii u istaagay dib u soo celinta Nidaamkii dawladnimo ee Somalia, waxaanu ka qayb galay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Dalalka Djabouti iyo Kenya.




Wuxuu ka mid ahaa dadkii Waddanka uga tegi waayay bur-burka iyo balan balka u bilaabay Bulshada Soomaaliyeed, isagoo kaalin firin fircoon kaga jiray ashkhaastii hormuudka u ahayd dib u soo celinta nidaamkii dawladnimo, isagoo sida lagu xasuusto marna aan ka mid noqon kuwii u ordaya ama dhaqdhaqaaqyadaasi  ugu jiray inay Mansab ka helaan heshiis kasta oo la gaadho.




Shirkii Carta




Shirkii Carta ee Waddanka Jabouti ka dhacay  sanadkii 2000 wuu ka qayb galay, wuxuuna ka mid ahaa dadkii sida weyn uga duulayay in halkaasi lagu soo dhiso dawlad cusub oo soomaaliya yeelato.




Natiijadii shirkaasi iyo dhismihii Dawladii halkaa lagu soo dhisay muu doonan Kursi sare iyo xil u qalma, hase ahaatee wuxuu noqday Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, ahna Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamankii xiligaasi.




Shirkii Imbagaati (Kenya)




Ka dib markii ay fashilantay dawladii Carta lagu soo dhisay, waxa uu mar kale ka qayb-galay, door weyna ka qaatay hir gelintiisa, shirkii lagu qabtay Dalka Kenya ee lagu soo dhisay dawladii Col. Cabdilaahi Yuusuf Axmed.




Dawladda Imbagaati  lagu soo dhigay oo ah ta ay ka soo bilaabantay nidaamka iminka ka jira Somaliya, wuxuu ka noqday Xildhibaan Baarlamankii Ku-meel gaarka aha aka tirsanaa, waxaanu dedaal dheer u galay sidii uu Baarlamanka uga dhigi lahaa mid umadda Somaliyeed u horseedda dawladnimo iyo kala dambeyn u bedesha dhibaatooyinkii haystay 15-ka sanadood.




Laakiinse xaaladdu may noqon sidii ay rabeen isaga iyo qayrkii kuwii damiirku shaqaynayay ee caqabado badanbaa soo foodsaaray dawladii uu ka tirsanaa, taasoo ku kaliftay inuu ka yar nasto Dabeysha siyaasadda ee degi wayday, isagoo  sanadihii 2007-dii dib ugu soo laabtay Gobollada Puntland ee uu ka soo jeeddo.




Dr. Maxamed Xirsi ayaa juhdigii iyo daacadnimadii ku jirtay u soo wareejiyay Puntland si uu dib u dhiska iyo rejo soo celinta uga bilaabo Gobolladii ka nabdoonaa qaska ka socday Koonfurta.




Ka dib Doorashadii ka dhacday Puntland sanadkii 2009-dii, waxa loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Puntland, xilkaasoo uu tan iyo wakhtigaasi hayay, isla markaana uu wax badan ku qabtay.




Waxa jira Mashaariic badan oo uu hogaaminayay oo laga fuliyay Gobollada Puntland, waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay ashkhaasta Madaxweynaha iminka ee Puntland talada badan ka siiya sidii umada wax loogu qaban lahaa.




Hada waa wasiir u Dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland ahna Musharaxa Madaxweyne ku-geenka ee shanta sanadood ee soo socda.




 







Marka la eego muuqaalka iyo Miisaanka ashkhaasta u taagan Kursiga uu u tartamayo, ma jirto cid kula loolami karta ama amaanadiisa lagu aamini karaa, siday sheegayaan dadka la socda arrimaha doorashooyinka Puntland iyo kuwa siyaasadda ka faaloodaa.




La soco Taariikh Nololeedka iyo aqoonta Dr, Musharax Maxamed Xirsi Ducaale oo dhamaystiran qormada dambe…




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com

Qaraxyo ka dhacay Ruushka


Volgograd(GNA)-Qarax ayaa ka dhacay xarun laga raaco tareen magaalada Volgograd ee Ruushka. Warfaafinta Ruushka ayaa sheegaysa in ugu yaraan saddex iyo toban qof ay dhinteen, waxana dhaawacmay dad kaloo badan.




Gudiga ka hortaga argagixisada ayaa sheegaya, in qaraxa loo malaynayo inuu sababay qof dumar ah oo isqarxisay. Bishii Octobar, qof dumar ah oo is qarxisay oo ka timid Dagestan, ayaa ku dishay lix qof bas markii ay isku qarxisay magaalada.




Masuuliyiinta ayaa ka wal walsan in mintidiinta ay kordhiyaan weerar, inta laga gaarayo ciyaaraha Olymbiga ee 2014 ee ka dhacaya magaalada Sochi.




Qaraxa maanta ayaa dhacay 12:45, isagoo jabiyay muraayadihii, qiiqna ay ka soo baxeen dhismaha.




Ambalaasta ayaa kula carartay dadka dhaawaca isbitaalka.




Jimcihii ayaa qarax baabuur uu dilay saddex qof magaalada Pyatigorsk.




Mintidiinta islaamiyiinta ee waqooyiga gobolka Caucasus ayaa sameeyay weeraro badan sanadihii la soo dhaafay. Waxay kaloo weerareen magaalooyin waawayn ee Ruushka.




Volgograd ayaa ku taal 900km koonfurta Moscow, 650km waqooyiga Caucasus iyo 700km waqooyi bari magaalada Sochi.




Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku amray hay’adaha ammaanka inay qaadaan talaabo walba oo lagu adkaynayo ammaanka, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada.




Ammaanka ayaa la adkayn doonaa xarumaha tareenada, garoonada diyaaradaha, sida uu sheegay afhayeenka boliiska Dalkaasi.




 

Wasaaradda Duulista iyo Madarka Hargeysa Maalin kasta Waxad La Kulmayso Wixi Hore Ka Wayn..!


“Debci yaan la odhan Ciidankay luguhu daaleene………….Degta Qoriga saarani inuu dego ka xaaraane………………….Haddaan moosku soo dumin guryaha daad ma soo galoe………………….Duddadaan adkayn cadawgu waa soo durrinayaaye…………………….Dablaydiyo korjooguhu ilaa u debedda gaafmeero…………………Dalka niman u dhaarsani illaa ay diirad ku ilayso………………oo nabaddu waa noo dugsiye ay didmada goyso………………Jeeroo Dastuur lagu dhaqmiyo Dawlad la abuuro……………………Jeeroo dar adag loo xidhoo duunyo ku aroorto"………….. Axmed Ismail Dirie "QAASIM"“"




Halkad tabataba Waa Dhaliil Nabarka u Dadaba Waa u Hanbabuqaya Dhakhtarka u geyaba Ma  Dawayn karo,ileen isaga sidas ku Noolaye waaxa u Qoray waa Maxamuud Xaashi Cabdiye Qoral u  Ku Dhalilayo kuna Caayayo Alle Ha U Naxariste Maxamed Xaaji Ibraahin Cigal oo Xiliga aha Madaxweynihi  Somaliland.




 




Waaxay Warbixintasi Sii Qoto dher u Cayaysay Madaweynihi Hore ee Geriyoday iyo Beel waynta Suber Awal  Waaxa u ka soo Qayb qatay sido kale xiligi u Aha Madaxweyne Dahir Riyaale Kahin inu Maxamuud Xaasi Cabdi Aha Dadki Xidhidhka la laha Dawladaha Khaliijka Carabta ee Cunaha iskaga Dubay Dhoofinta Xoolaha sii Xukumadi Riyaale Dhaqalaha iyo Awodu ugu yarto.




 




Oo ay Qorshaaha u laaha ahayd in u Xilka ku Gulaysto Aderki Axmed Siillanyo oo imika ah Madaxweynaha Somaliland  sidasanay ku hir gashay Qorshahsi Runti Waa nin Faan Jecel kuna Kharaash gareya Faan badan si loo amano Nasib Daro Shacbigan Haradan ee Hurda ma Ooga Kumana Gulaystan Masuul Waax qabad leh kan oo kale mooyane Waxaan Xasuusta Gabay u Tiriyey Ale Ha U Naxariste ………. Axmed Ismail Dirie "QAASIM"oo aha sidan “Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e
Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye”




 




waaxa u dhawaan Dhagax dhigay Masajiid Madarka loo Dhisayo isago Misajiid Hore Madarku leh  Misajiidka ilaahayna Miyu Musuuq masuqu gala ileen watan oo kalena Dalki ka dhacdaye Waaxa u Dhisay Madarki Hargeysa Hadana Cida Aragtay Waay Arage Diyaradaha meel ay dhigtan ma jirto Waaxa u Hore u yidhi ……….Axmed Ismail Dirie "QAASIM"“Hargeysaay anaa kaa hurdee laguma haysteene




Haddaan soo hanbaabiri lahaa heec ma noqoteene




Horaad dacara kuma nuujiseen hooya beenihiye




Halaq iyo abees kuma gam'een hadhacyadaadiiye




Huluulaha col kuuguma jireen soo hamaansadaye




Hantidaada muu weerareen horor wax boobaaye”……….




 




Waaxan soo Xaaqjiyey oo aan huba inay Mudaharadki maalinti dhaawayd aay ka danbeyen Koox wasiiro ah Shacbiganu Ma qadi karayan Wasiir Maxamuud xaashow  Ilmadero wasiiro ah oo ku dul Ficl tamaya iyo Uu Ficil tan Ka Ag dhawanshiyaha madaxwaynuha, Dhalisha tala Wasaradada Iyo Madarka Hargeysa inad waax ka qabata kaga wanagsan…




Cabdiraxiim ismaacil Cabdilaahi (Bidaar)




Cabdiraxiim9909@gmail.com




Hargeysa / Somaliland