Wednesday, October 2, 2013

Sayladdaha Xoolaha Nool ee Somaliland oo Mashquul ah todobaadyadan, Xili lagu jiro Moosinka Xajka


Hargeysa(GNA)-Dhaqdhaqaaq xoogan ayaa laga dareemayaa Sayladda xoolaha ee Magaalada Hargeysa, xili lagu jiro Moosinka Xajka oo xoolaha ugu badan Somaliland laga dhoofiyo.




In ku dhow Afar Milyan oo Neef oo Geel, Adhi iyo Lo’ isugu jira, ayaa la filayaa in sanadka dibada looga Iib geeyo Somaliland, waxaana ugu badan Adhiga oo xiliga xajka Suuqa ugu badan ka hela Waddanka Sucuudiga.




Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, Dr. Cabdi Aw-daahir Cali ayaa Todobaadkii hore Telefishanka Qaranka u sheegay  in Dhoofka Xooluhu sanadba sanadka ka dambeeya sii wanaagsanaanayo, isla markaana taasi muujinayso  koboc dhanka Dhaqaalaha ah oo waddanku ka faa’idayo.




Wariyeyaal ka tirsan Warbaahinta Dawlada oo shalay booqday Sayladda Xoolaha ee Magaalada Hargeysa ayaa halkaasi ku soo arkay xoolo aad u baddan oo lagu kala Iibsanayo, waxaana lagu waramay in qiimaha Xooluhu aad u sareeyo xiligan, dadka soo iib geeyaana la dhacsanyihiin lacagta laga siisto.




Dhinaca kale, Dekedda weyn ee Magaalada berbera ayaa Bilihii ugu dambeeyay Mashquul badan oo dhanka dhoofinta Xoolaha ah laga dareemayay, waxaana ku soo xidhanayay Maraakiib waaweyn oo kuwa xoolaha qaada ah oo halkaasi kala Guuray Boqolaal kun oo Neef oo adhi u badan.




Xoolaha Nool ayaa ah Ganacsiga ugu weyn ee ay Somaliland duwalka Caalamka u iib geyso gaar ahaan Dalalka Carabta  oo ay ka mid yihiin Sucuudiga, Yemen iyo Qadar, kuwaasoo si joogto ah Ganacsatada Somaliland ugu xidhanyihiin.




Xaddiga Xoolaha labadii sanadood ee ugu dambeeyay ka dhoofay ayaa muujinaya inay aad uga badanyihiin sanadihii hore, waxaana sanadkii 2012-ka ka la sheegay inay Dekedda Berbera ka dhoofeen ilaa afar Milyan iyo sideed boqol oo Neef (4800,000).




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com