Wednesday, October 2, 2013

Abwaan Maanso baroor Diiq ah ka Tiriyay Geeridii Marxuum Gaariye. AHN


MAAN-GAD(baroordiiq)



Maansdan, waxan ugu baroor-diiqayaa abwaankii, mufakarkii, barihii sare ee caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), oo xalay (01/Oktoobar/2012)  ku geeriyooday waddanka norwey.



Maansadni waxay tilmaan kooban ka bixinaysaa waxyaabihii guud ahaan iyo gaar ahaanba loogu xasuusto maansayahan, muhindis iyo macallin Gaarriye. Sidoo kale waa maanso xambaarsan duco iyo in ALLE u naxariisto halyeega ka baxay ummadda Soomaaliyeed.



 



Maadaama oo ay tahay sannad-guuradii koowaad ee geerida marxuum Gaarriye waxa aan jeclaystay inaan dib u baahiyo.



 



Waa kuwan meerisyadii maansada MAAN-GAD



 



Maalin waliba sheeggeed



Madal wali tilmaanteed



Taariikhdu mudankeed



Mahadhiyo abbaarteed



Maankiyo  dareenkii



Maansiyo awaasheed



Muhashiyo odhaahdeed



 



Marinteeda tuduc iyo



Meeriskeeda aadkaa



Sida loo macneeyiyo



Miisaankeeda doorka ah



Abwaankii min-guurshee



Maskaxdiisa curintiyo



Maankiis ka keenee



Afka ugu miciinoow



 



Abwaan Maxamed Xaashoow



Macallinkii duruustee



Aqoon muunaddeediyo



Cilmi laga macaashoow



Mudankii ha-doorkoow



 



Maalmahay qadhaadhayd



Kii mahadho reebee



Mashaqadii sokeeyahay



Midhkii ugu habboonaa



Aan ka maagin ereygee



Xaqa muujintiisii



Masrax kaga dhawaaqoow



Maaminteeda nabaddana



Nin maslaxo ku doonoo



Meelkastaba u aadoow



 



Makhluuq waari maayoo



Mawdku dhaafi maayoo



Macbuudkeena weyn baa



Midhkaa hore u sheegoo



Qofba maalin uunbaa



Loo maydhi diirkoo



Nafta laga mal-jiiddiye



 



Hadduu maanta kuu yimi



Xaquu Maaliggii yidhi



Maanka iyo laabtaan



Macallinooow ku taaloo



Naga maydhmi mayside



Milaygiyo qiyaamaha



Markay xaajo murugtee



Dadku maan wareerree



Muxubiyo walaal iyo



Waalid kala muqaartaan



Rabbigeen miciin iyo



Naxariis mug-weyn iyo



Deeqdiisa maaxda ah



Madal lagu qaboobiyo



Jannadii mudnayd iyo



Maqaamkii Rasuulkiyo (c.s.w)



Meel wacan lagaa gee! AAMIIN AAMIIN



 



CURINTII: MACALLIN AXMEDYAASIIN C/RAXMAAN AXMED (DOOL)



Ayaasiin55@hotmail.com