Wednesday, October 2, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Somaliland ku Marti-qaaday Raysal-wasaaraha Turkiga, ka dib kulan maanta dhex maray



Stanbul(GNA)-Madaxweynaha somaliland iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta la kulmay Raysal-wasaaraha turkiga Rejab Dayib Ordogan.




Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulankan madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha, waxaanu sheegay inay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan sidii Dawlada Turkigu uga caawin lahayd somaliland mashaariic badan oo dhanka horumarinta ah.




"Waxay ka wada hadleen sidii dawlada Turkigu somaliland uga caawin lahayd Dhismaha waddooyinka Ceerigaabo, Tog-wajaale, Dekeddaha iyo wax-barashada"ayuu yidhi .




waxaanu intaasi ku daray "waxa kale oo Reysal-wasaaraha Turkiga aanu ku marti qaadnay inay somaliland wefti ku yimaadaan,oo uu iman doono inshaalaah"ayuu hadalkiisa raaciyay.




 Mandaqada.




Gobanimonews




London Office