Wednesday, October 2, 2013

La idinka Tagi Maayo Ee Iidinka Ka Tagi!!!!!!!!! Qaybti 2-aad


Anigoo Maqalkaygii Hore Qaybtisii Hore  Sii Dibaqaya Waaxan ku Bilabaya Xukumaddihi kala Duwana ee Soo Maray Somaliland iyado aynu mid mid u Dul istagi Doona,waxaynu soo qadanayna Xukumadi ugu Tagta Darnayd ee ALLE Ha u Naxariste Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur)  iyo Xasan Ciise Jaamac oo Aha Madaxwaynihi iyo ku Xigeenkisi ugu Horeyey Somaliland.




Waaxay Ku Soo begmen xili Dadka Dalkan ku Nooli Ay Hubaysanyihin Wax Hub ka dhigis ahna aan lagu Samayn oo ay Dadku SNM iyo Hab Qabili ahba isku Hoos Guuxayan,iyado Qoladan imika Talada Haysa oo u Hormuud ka u yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo) oo isagu imika ah Madaxwaynaha Somaliland ayaa soo dhigay qorshe mar laabad lagu qabanyo Shir beleed  dalka lagaga Tashanayo.




Iyago ka Qil Dhiganaya In aanay Beelaha Dafaha Somaliland Ka Muuqan Mamulka Sare ee Dalka waaxanay istacmaleeyen oo ay ka Fa’iidaysten Gurxanki Qabil ee Dalka ka Oogana iyo Shacbigo Hubaysna waaxay ku Gulaysten inu Shirki Borame 1993-dii ka Qabsomo Gobalka AWDAL,waaxana Dhamaan Madax Dhaqamedki Meesha Iskugu yimid ay kaga tashaden ayahooda iyagoo  ku Gulaystay inay Dorasho Xor iyo Xalaal ah Qabtan




Waaxana Nasib Daro Fashilmay Qorshihi ay wateen Axmed Siillanyo sii lama Filaan ahna waaxa loo Cumaamaday Madaxweynihi Qaranka Somaliland ALLE  Ha u Naxriste Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo Sidaas ku Noqday Madaxwenihi Laabad isaga iyo Madaxwayne ku Xigeenkisi oo ahaa Cabdiraxman Aw- Cali Faraax (Cabdiraxman Toolwaa), Waaxanay Markiba isku Dayen inay Magalo madaxdi Dalka ee Hargeysa u soo Ambabaxan Runtiina Waxa Horyaaley Caqabado badan oo Sida looga bixi kara aay aad u adkayd run ahantina way ku Gulaysteen inta taagooda ah.




Waaxay markiba Bilaben Dardar Galinta Hananka Dowladnimo iyo Qaabka Shacbigan Qooxtiyada  uu  galiyey ,Kali Taliski Siyaad Bare lyo Maleeshiyo beledka Dalka Ragadiyey  ay niyadooda ka Dhex Guuxayan Dibna u Dhigen horumarka Ay Gadhi lahayen Shacbiganu.




Waaxa Dhacday mudo yar uun ka dib In Dagaal Sukeeye Dalka Ka Dhacay 1994-1997 kii aay Hadana Mar laabad ay Shacbiganu Qoxonti Galen iyado La odhan karo waaxa u Dagalkasi aha Dawada Maanta Dalku kaga Nasten Coolado Mudo Dheer Qaata oo Dalka Ragadiya,Waaxa u Marxuum Maxamed Xaaji Iibrahin Cigaal Ku Gulaystay In u Qadiyadan Somaliland Meel Mariyo  isago Runtii La  odhan karo waxa uu ahaa Madaxwaynihii  Dhidibada u taagay Qarankan Barayna waxay tahay Dawladnimadu.




Dadki ku Noqday Carqalada ee Ku jiray Haday tahay Barlaamanka iyo Qaba’iisha intaba Midna Dhag Jalaq u Siin Iyado ay maanta Qaar ka mida Dadkasi yihin Madaxwaynaha Hadda Somaliland Mudane AXmed Maxamed Maxamuud (Siillanyo),iyo Wasiirkan Hada jooga Duulista iyo Hawda Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna Xiligaa ahaa Xubin ka mida Golaha Wakiilada Somaliland oo isagu Bilabay Qabyaaladi ugu Xumayd ee Saxafada Lagu soo Qoro oo Maxamuud Xaashi isagu gacantisa ku Qoray Marxuum Cigaalna waxaa u markiba ku Shambadeyey inu yahay Xag jir OSAMA ah oo Xiliga ku yara Dhagaha Dadka Somalida ah inay Jiran Kooxo Xag Jir ahi waaxa isaguna Yidhi Siyaasada waan ka baxay Axmed Siillanyo oo Baqasho Xaga Siyaasada Somaliland Ahna  ay hayso  Dhibato Siyasaaded oo Marxuum Cigal ka Hor  Tagna oo aanu la Tartami karahayn isla Markana  Sheegay Inu Siyaasadi Ka Fadhistay.




Nasiib Waanag Waaxa Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal uu Runti isku dayey inay Hanankodo Dowladnimo u sii Socoto isagon cidna ka Haybadesanayn oo waxa u Sura Galiyey Hanankan Asxabta Badan iyo Dorashoyin Xor iyo Xalaal ahi inay Dalka ka Qabsoman,Balse Nasib Daro Waxa ka soo Gashay Xiligi Geerida oo 2001-may-3 u ku geriyooday Dalka Koonfur Africa.




Waaxana Sida Ula wareegay Xilki iyado la Racayo Waxa u Dhigayo Dasturka Qaranku Sidaasna Waxa u ku Noqday Madawaynhi Afrad ee Dalka Soo mara isaga oo Fuliyey Hananka Asxabta badan ee Somaliland oo Dhowr Dorasho u Qabtay Iyado Hananka Shacbigu Aminsanyahay Ee Qaran nimada Somaliland Marna Anu Shaki Galin Waaxanu Inta Badan Waax ka Qaban kari wayey Mucaridadi aadka u awooda badnayd iyo Koox Wasiiro ah oo Hoday Siyaasadi wanagsanayd ee u Aminsana Madaxwayne Dahir Riyaale Kaahin.




Wasiiradi loo Nacay siyaasada Dahir Riyaale Kaahin oo ay ka mid ahayen Ambasador Cawil Cali Ducale iyo Sicid Suluub Oo Ruunti Qab Qabilaysan oo Dhablibaax iyo wax la mida iyago sheeganaya ay Carqalad galiyen Siyasadas Riyaale,Waaxa Hadaba Yaab leh Madaxwaynahan Hada Jooga oo Ah Mudane Axmed Maxmed Maxamuud (Siillanyo) oo isaga imika ay sii aynaan arag u soo roogal ceeliyey waxyaabo badan oo Xiligi Cabdiraxman Tuur iyo Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal ay inogu Danbaysay ay Dib u Soo Noqden oo ay ka mid yihin Qabyaladi iyo Waxyaabo kale oo kala Duwan oo ay Dadku Amin sanayen inay Dawladnimadu Tahay…………




La Sooco  …………




Cabdiraxiim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)




Cabdiraxiim9909@gmail.com




Hargeysa Somaliland