Hargeysa(GNA)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa socdaal ugu baxay dalal dibad ah.
Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ayay ka ambabaxeen isaga iyo wefti uu hogaaminayaa, waxaanay socdaalkooda ku beegsanayaan Waddanka Turkiga oo uu ka bilaabi doono Socdaalkiisa.
Safarkan waxa ku wehelinaya Wasiirro ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadu.
Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka hor intaanu Madaarka ka duulin waxa uu Warbaahinta uga waramay ujeedka socdaalkiisa iyo meelaha uu ku tegi doono
"waxaan halkan idiinka sheegayaa in wafti aan wato aanu u anba baxayno dalka Turkiga halkaas oo aanu martiqaad ka helnay iyada oo aanu la kulmi doono madaxda dalkaas anaga oo ka wada hadli doona danaha ka dhaxeeya labada dal iyo wixii dani inoogu jirto, waxaanu rajaynaynaa inaanu dalkaas kala kulano marti qaad fiican iyo inaanu ka wada hadli doono wixii ay dani ugu jirto labada dal" Ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sidoo kale Jawaab ka bixiyay Hadalo uu ku tilmaamay kuwo aan munaasib ahayn oo ka soo yeedhay Madaxweynaha somaliya.
"waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan ka cadeeyo hadalo inta badan ka soo yeedha madaxweynah Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo uu ku tilmaamo inay wada hadal na dhex mari doonaan inaanu nahay dal ay isku soo noqon doonaan, waxaanu halkan ka cadaynaynaa oo aanaan marna ka xiiqaynin inaanu cadayno inay Somaliland tahay qaran madax banaan hadii la wada hadlo iyo haddii aan la wada hadlina aan marna laga noqoynayn madax banaanida wadanka oo aan ahayn mid caadifad ku dhisan ee ay tahay wax umadani ku tashatay wixii soo marayna la ogaa iyada oo madax banaanida somaliland ay tahay mid muqadas ah laakiin wixii wada hadala, wixii dana iyo wixii is af garad ah wax aanu ka qabnaa ma jirto, laakiin waxaanu mar walba cadaynaynaa inaanay arintaasi ahayn mid caadifad ku dhisan, waxaanan rajaynaynaa inaan safarkaas kala soo noqono guul."ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa ku soo sagootiyay madaxweynaha ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici iyo Masuuliyiinta kala duwan ee qaranka intooda Hargeysa.
waa markii ugu horaysay ee madaxweyne siilaanyo muddo dhawr bilood ah warbaahinta uga hal celiyo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheikh Maxamuud oo dhawaan khudbad ku sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya looga gol-leeyahay sidii midnino loo gaadhi lahaa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com
Daawo Sawiradda>