Beled-weyn(GNA)-Warar ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in Nin uu ku Gowracay afar caruur ah oo uu deegaan 30-KM dhanka Koofur kaga beegan Magaalada Beledweyn, iyadoo ciidamada booliska ay gacanta ku dhigeen.
Falkan naxdinta leh ayaa argagax ku abuuray dadka ku nool magaalada Beledweyn, iyadoo aabahan la sheegay inuu xanuunsanaa.
Aabahan oo lagu magacaabo Cumar Shire ayaa muddo afartan sano ku noolaa dalka Canada, isagoo labo sano ka hor dib ugu soo laabtay Soomaaliya.
Ninkan ayaa la sheegay in madaxa looga jiray, isla markaana Canada looga keenay quraan saar, waxaana Ciidamada booliska magaalada Beledweyn ay wadaan baaritaan.
Hooyada dhashay afarta caruur ee aabahood gowracay oo lagu magacaabo Khadro Xuseen Maxamed ayaa sheegtay inay aheyd qadar eebe, isla markaana ilmaha la gowracay ay ahaayeen ilmo saqiir oo da'dooda ka hooseysay 10-sano jir, waxaana labo ka mid ah ay ahaayeen mataano.
Waxaa ay xaqiijisay inuu mar xanuunsaday, hase ahaatee markii ugu dambeysay uu wanaagsanaa, waxaana ay la anfariirsaneyd dhacdadan naxdinta leh ee aabo caruurtiisa oo idil ku gowracay.
Saraakiisha Booliska Beledweyn ayaan wax war ah ka soo saarin arrintan, waxaana odayaasha dhaqanka ay ku baxeen deegaankii uu ka dhacay falkan naxdinta leh.
Dhacdadan ayaa ah tii ugu naxdinta badneyd ee ka dhaca Gobolka Hiiraan, waxaanay la mid tahay dhacdo noocan oo kale ah oo sanadkan ka dhacday deegaan ka mid ah Gobolka Mudug, taasoo ahayd Nin qudha ka jaray Xaaskiisii iyo Caruur uu dhalay.
Gobanimonews
Muqdisho Office