Hargeysa (GNA) - Ergadii Sulaadiinta Somaliland ee isaga dab qaadaysay Xukuumadda iyo golaha Wada-tashiga ayaa goor dhaweyd shaaca ka qaaday in ay hakiyeen isla markaana joojiyeen ergadii ay 20-cisho ee la soo dhaafay ka dhex wadeen Golaha Wadatashiga iyo xukuumada
Ergada oo ka koobnayd 7 suldaan, ayaa waxa ay sheegeen in ay dib ugu laaban doonaan Sulaadiinta Reer Somaliland oo arrintan wakiil ugaga ahaayeen, waxaanay si aad ah ugu mahad celiyeen Shacabka reer Somaliland, xukuumadda, culimaa u diinka
iyo waliba inta samaha Jecel ee Reer Somaliland.
Sidaasna waxa ay ku sheegeen shir jaraa id oo ay goor dhaweyd ku qabteen Hargeysa, waxaana ugu horeyn shirkaasi jaraa?id ka hadlay Suldaan Aadan Faarax oo ah guddoomiyaha Ergadda ay Wakiisheen Sulaadiinta Reer Somaliland.
Suldaanku waxa uu cadeeyay in xukuumadda ay ogolaatay in ay soo hor fadhiisato golaha Wadatashiga iyo toosinta, balse Golahaasi ay ka meeraysteen.
Marka hore waxa aan jecelahay in aan halkan uga mahad celiyo madax dhaqameedka reer Somaliland, hadii ay tahay boqor, garaad suldaan iyaga ayaa Horta arrintan soo qaban qaabiyay, waana laa shukra calaa waajib.
Waxa sulaadiinta loo sameeyay waxa ay tahay in ay nabadgalyadda iyo dalka ka shaqeeyaan.
Hadaba sulaadiintu markii ay arrintaasi ka kulantay anaga guddi ahaanbaa naloos saaray, markaa waxa aanu la kulanay qoladii arrintaasi cusub keentay ee sheegaysay in ay yihiin golaha wada tashiga, iyaga ayaanu ku horaynayn, sida ay tahay in labada qof ka cabanaya ayaa lagu horeeyaa.
Waxa aanu kula kulanay hoteel Ambsador, waxaanan ku nidhi maxaad ka cabaysaan, waxa nagu yidhaahdeen waxa aanu ka cabanaynaa oo aanu doonaynaa in aanu la kulano madaxweyneha, waxa aanu ku nidhi waa wanaag, laakiin waxa la idinkaga cabanayaa in aad samaysateen Gole xaaraan ah oo aanu sharcigu Ogolayn, waayo nin waliba inta uu meel istaago ama shanti Gole samaysan maayaan, waa la samaynsan karaa golaha ciyaaraha iyo wixii la mid ah, idinkuna waxa aad tihiin siyaasiyiin dalka ayaad tihiin, qaar madaxweyneyaal ka noqday iyo kuwo hada doonaya ayaad tihiin, markaa hadii aad doonaysaan in aad madaxweynaha la kulantaan waanu idiin geyn, laakiin golahaas ka noqda? ayuu yidhi Suldaan Aadan Faarax.
Waxa uu intaasi ku daray in Golaha Wadatashiga iyo toosinta Qaranka ay la qaateen Ergadda Sulaadiinta ah in ay ka noqdeen Golahaasi waxaanu yidhi ?Waxa ay nagu yidhaahdeen waanu ka noqonay, markii aanu arrintii muddo wadnay ayaa waxa aanu samaynay in aanu markaa madaxweynaha u tagnay oo aanu ku nidhi la kulan nimankaas iyaga ah, mar hadii ay ka noqdeen Golihii.
Madaxweynuhu sidii wuu naga aqbalay, dabadeedna waanu ku soo celinay iyagii waxaanan ku nidhi waxa aad keenaysaan guddi kooban mar hadii uu madaxweynuhu ogolaaday, gudidaas oo aanu ka hor inta aanay tagin aanu la kulano.
Guddoomiyahooda ayaanu markaa fariintaas farnay Mujaahid xasan Guure Jaamac, aniguna (Suldaan Aadan Faarax), waxa aan ahaa Guddoomiyaha Ergadda Sulaadiinta.? ayuu yidhi.
Suldaan Aadan Faarax waxa uu carrabka ku dhuftay in ay arrintaasi ay qaadatay muddo waxaanu yidhi ?Arrintii markaa waxa ay qaadatay muddo idinkuna (Warbaahinta), waad og tihiin intii ay bisha barakaysan ee Ramadaan Socotayna waa laga shaqaynayay, Saaka oo aanu ugu dambaysay oo aanu doonaynay in ay noo keenaan Magacyadda xubnahooda, waxaanan kala kulanay waxba iyo rajo la,aan.
Laba nin ayaa noo yimid, waxaanay nagu yidhaahdeen waxba idiin ma hayno, waxaanan ku nidhi dee orda oo iska baxa ayuu yidhi.
Suldaanku waxa uu xusay in ay mar kale u mahad celinayaan guud ahaanba shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan Waxa aan u mahad celinayaa shacabka reer Somaliland iyo qurbe jooga oo intii aanu arrintan wadnay runtii si weyn noola soo hadlayay oo kolba halka ay xaaladu marayso nagala soo hadlayay ayuu yidhi.
Suldaan Aadan Faarax, waxa Gabogabadii shaaca ka qaaday in ay hakiyeen wada hadaladii ay ka dhex Wadeen Golaha Toosinta iyo wada tashiga ee Hargeysa lagaga dhawaaqay iyo xukuumadda inta ay lagu guddo dabayaaqadda Bisha Ramadaan isla markaana wixii uga soo baxay ay kula noqon doonaan Sulaadiinta Reer Somaliland ee ay wakiilka kaga ahaayeen arrintan.
Arrintii hadii aanu nahay gudidda waxa aanu dib ugu celin doonaa sulaadiintii dhaqanka ee aanu ka nimid, waanan hakinay ilaa inta laga gaadhayo Iida ayuu yidhi.
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Good iyo Suldaan Xiis Bare, kuwaas oo xusay in ay labadda dhinacba kulamo kala duwan la yeesheen
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com