Sunday, August 4, 2013

Hargeysa: laba ka mid ah Gaadiidka Gurmadka deg-deg ah ee Bilayska oo isku dhacay iyo Wadayaashii oo la xidhay


Hargeysa(GNA) Lab aka mid ah baabuurtii Booliiska ee 999 ee dhawaan Wasiir Cali Warancade u Iibiyay Booliiska ayaa galabta afurkii ku dul burburay biriishka labaad ee Caasimadda Hargeysa kadib markii iyaga oo is eryanaya ay isku dhaceen.




Qof Goob jooge ahaa ayaa Wahaeen u sheegay labada baabuur in uu khasaare balaadhani soo gaadhay kadib markii ay labada Dirawal isku dhufteen iyaga oo aad mood inay ku tartamayeen, waxaana goobta soo gaadhay sarkaal ka tirsan Heeganka Booliiska,




Dhinaca kale, Goob-jooge kale ayaa Gobanimonews u sheegay in labadii Dirawal gaadhiyaasha waday iyo Askar kale oo saarnaydba xabsiga loo  taxaabay, iyadoo lagu eedeeyay inaanay wax hawl-gal ah ku jirin xiliga shilku dhacay.




Todobaadkii hore ayay ahayd markii gaadhi ka mid ah tobankii gaadhi ee dhawaan loo qabiyay Bilayska ee loogu talo-galay Gurmadka degdega ah, ay waxyeelo u geysteen dhalin yaro ciyaal xaafad ah oo kaa cadhaysnaa hawl-gal xaafadaasi laga waday.




Gaadhigaasi ayaa ahaa mid Nuaha ama minibuska oo ku jiray, waxaana soo baxaya cabasho ka dhan ah baabuurtaasi oo bulshada ka soo yeedhaya, taasoo ah inay wadayaasha Baabuurtaasi si khaldan u maraan waddooyinka, isla markaana iyagoo aan hawl ku jirin ku shidaal codka loogu talo galay xaaladaha deg-deg ah.




Wax ka yar laba todobaad ayaa gaadiidkaasi lagu wareejiyay Ciidanka Bilayska, waxaanu taliya Guud ee bilaysku sheegay inay wax badan ku soo kordhin doonaan hawla amaanka ee Magaalada Caasimada ah.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com