Buugga aynnu halkan ku soo qaadaynno ee ciwaanka looga dhigay Dheemankii lagu Maamuusay Maydh: Sheekh Isxaaq bin Axmed, waxa uu ka mid yahay horumarka ay qoraallada af soomaaligu samaynayaan. Waxaa bilaabatay in la dhex galo arrimo awal laga hawdmaagi jiray iyada oo aan aqoon badan loo lahayn darteed, waxa laga yidhina ay khuraafaad iska ahaayeen. Aqoonaha muddooyinkan waxa fiican laga qoray waxaa ka mid ah culuunta afka iyo suugaantiisa, iyo dhanka kale taariikhda bulshada soomaaliyeed. Intaa waxaa dheer qoraallo afaf kale laga soo guuriyay oo wax badan soo kordhiyay. Sannadihii yaraa ee ina dhaafay waxa aan arkay dhawr buug oo arrimahaa si qaayo leh u soo gudbiyay. Kuwaas ayuu ka mid yahay kan uu Maxamed Cabdi Daa’uud af carbeedka ka soo rogay ee lagu daabacay Hargeysa sannadkii hore ee 2012.
Haddii aynnu soomaali nahay, shisheeyaha innagaga horreeya baadhista taariikhdu ma jirto dan ay teenna isugu shuqliyaan ama ugu hagar baxaan, waayo ummad waliba teeda ama tu wax ka galeen ayay ku shuqlan tahay. Innaguna waxa aynnu iska walwalaaqannaa inta yar ee aqoonteenna la itaalka ah. Tusaale ahaan taariikhda bulsheed waxa aynnu ka abbaarraa awowyada ay qabiilooyinku ku abtirsadaan.
Dabadeed kuwaas ayaynnu midba asalkiisa meel ka soo jiidnaa innaga oo ka buuxinna sheekaxariiro garashadu diidayso. Wax badan baa madaxa iyo afkaba lagu daaliyaa awowyadaa isirkoodu halka uu ka soo jeedo. Sheekh Isxaaq bin Axmed iyo Daarood Ismaaciil Jabarti ayaa ka mid ah odayada weligood haybtooda carabnimo lagu aroorin jiray. Laakiin loo ma hayn raadraacyo qoran ama degelyaal (arkiyoologi) wax lagu tiiriyo marka laga reebo Qudbiga Sheekh Isxaaq ee Maydh oo aan qudhiisa weli baadhis cilmiyeed lagu samayn.
Sheekh Isxaaq, oo ah taariikhda buuggani ku saabsan yahay, dadka ku abtirsadaa weligood intii ay jireen waxa ay daanjirriidka ku haysteen oo isu soo gudbin jireen in uu ka tirsanaa Ahlul Beydkii Rasuulka Islaamka ee Maxamed (scw) oo Faadumo iyo Cali ku abtirsado. Wax door ah oo ka mid ah qofnimada awowgaas iyo taariikh nololeeddiisa ayaa iyadana la isu soo tebiyay. Ha ahaatee taariikh-afeeddaa wax badan baa qabyo ka ah. Tusaale ahaan Sheekha kolka loo abtirinayo ee Ahlul Beydka lagu aroorinayo waxaa la odhan jiray ”Sheekh Isxaaq bin Axmed bin Haashim”. Cilladda halkaa ku jirtaa waa Haashim iyo Isxaaq oo aad u ka la xilli fog oo aanay tariikh ahaan suurtoobayn in sidaa dhow la isugu xidho. Iyada oo ay sidaa tahay ayay haddana dadku taa aad ugu soo faro adaygeen oo marnaba sii dayn waayeen. Wixii mintidnimada intaa la’eg geliyay baa jira. Markaa gar bay ahayd arrinka in si cilmiyaysan taariikhda loogu baadho.
Maxay haddaba daraasaddan kor ku xusan ee dhowaan la soo turjumay soo kordhisay? Jawaabta oo kooban, daraasaddani waa qunbulad innagu dhex qaraxday! Waa qarax weyn oo dumiyay derbi adag oo la yidhi beri fog bay qorshaha dadka iyo waayaha taariikhdu dhibibeen. Waa daraasad doonaysa in ay ballaqdo albaab weyn oo laga gelayo caalam ashqaraar iyo amakaag badan. Waa taariikhdii Sheekh Isxaaq oo la inoo soo hor dhigayo si yaab badan, oo xitaa magaca ”soomaali” meeshii dhowayd ee aynnu ku ogayn ka durkinaysa.
Aynnu ka soo bilawno ee, sida buuggan ku qoran, horraantii qarnigii tegay ayuu qoys ku abtirsada Ahlul Beydkii Rasuulku (scw) ka soo barakacay carriga Maqrib (Marooko) oo hayaankii ku furay magaalada Cadan. Nin qoyskaa ka dhashay oo lagu magacaabo Sayid Axmed Maxamed al-Qarbaani ayaa aad u danayn jiray taariikhdii Ahlul Beydka, waxa uuna goostay in uu baadho oo raadraaco Sayid Isxaaq. Dhul badan iyo waqti badan dabadeed waxa uu soo ururiyay taariikh [malaha] aad uga badan ugana faahfaahsan wixii uu filayay oo dhan. Halkaa waxa uu ka soo saaray daraasad dhabannahays leh oo la sheegay in uu ka soo dhaamiyay kutub badan oo gabowday oo Sheekh Isxaaq la xilli ahayd oo ay qoreen culimo waaweyn oo badankoodu Sheekha saaxiibbo la ahaa ama ay si kale isu barteen ama qisadiisa looga warramay. Kutubtaa waxaa ka mid ah, baa la lee yahay, kuwo uu Sheekh Isxaaq qudhiisu qoray. Dabadeed waxaa la ina daawadsiiyay dad iyo duni innoogu muuqanaya si la mid ah sida tan aynnu maanta dhex joogno. Dunidii awal himsehimsaha ahayd waxaa la innooga dhigay dharaar cad oo ay qorrax aan caad saarrayni dusheenna taagan tahay.
Waxaa la ina soo hor fadhiisiyay Sheekh Isxaaq oo nool oo u warramaya culimo waaweyn oo taariikhda iyo aqoonta ururin jirtay. Waa isagii oo bixinaya waraysigii ugu dheeraa uguna xog badnaa ee aynnu weligeen akhrinay. Waraysiyadaa ka ugu dheer uguna cajabta badan waxaa Sheekha oo tuulada Maydh fadhiya ka qaaday qoraa caalim oo ahaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan Maxamed al-Xasan al-Masri (ama al-Basri), kaas oo dabadeed xogtaa ku kaydiyay labadiisa buug ee lagu ka la sheegay ”al-Casjud” – Dheemman, iyo ”al-Diibaajah” – Hordhac. Waa warbixin aan waxba dhaafayn bilaw ilaa dhammaad taariikhda ninkaa yaabka leh ee noqday Sheekh Isxaaq halkii uu awal ahaa Sayid Isxaaq. Isaga oo duni badan iyo taariikh ashqaraar leh soo maray maalintaa waxa uu magaaladiisa Maydh ku haystaa nolol qurux badan oo dhammaystiran. Dad iyo duunyo, magac iyo maamuus, iyo khayr oo dhan buuxa.
Mar walba shuyuukhda Sheekh Isxaaq Maydh ku la kulmaysaa waxa ay la yaabayaan, oo isagana wayddiinteeda ku la dhiirranayaan, waxa uu isu bahdilay ee nasabkiisii sarreeyay u qariyay, ee dhashiisii u midab dooriyay, ee dhiiggoodii ugu badhxay dad madmadow oo aan waxba garanayn. Isaguna waxa uu isla soo taagayaa, oo weliba ku faanayaa, kuwaas madmadoobi in yihiin kuwa sirta weyn dhaxlaya ee runta u hadhaya, ka dib kolka muddo aad u dheer ka dib xaqiiqadooda daaha looga rogo. Waxa uu qiranayaa in uu kuwan madmadow ka doortay kuwa carbeed ee Yaman boqorrada ka noqday, iyaganna uu weligii dhex joogayo. Kolka uu sidaa u hadlayo taladiisa iyo tallaabadiisu maaddi ma aha ee waa ruuxi xagga Rabbi laga maamulayo.
Daraasaddu waxa ay si aan ka la dhinnayn uga sheekaynaysaa hayaankii dheeraa ee nolosha Sheekh Isxaaq. Waxaa la ina barayaa in uu Xuseen bin Cali ibnu Abii Daalib ugu abtirsado labaatan magac. Waxaa la inoo sheegayaa in uu ku dhashay magaalo la yidhaahdo Samarraa oo Ciraaq ah sannadkii 518 Hijriga oo ku beegan sannadkii 1124 miilaaddiga, isaga oo ku dhiman doona 120 jir. Isaga oo yar qoyskooda oo ka koobnaa dhawr iyo sagaashan qof oo awowgii Sayid Maxamed Xuseen daaddihinayo ayaa u soo qaxay magaalada Xaramka ah ee Madiina. Lix sannadood ka dib kolkii awowgood halkaa ku xijaabtay qoyskii waa ay ka la guureen oo jeesba meel buu afka saaray. Isaga reer aabbihii waxa ay degeen Yamanta Waqooyi.
Qof ahaan isagu Yaman waxa uu ka helay nolol sarraysa oo milge iyo maamuus badan, halkaas oo uu ku yeeshay carruur noqotay qabiilooyin maanta la yaqaanno. Waxa uu noqday dhulmareen diinta faafiya oo Saylac iyo Herer labadaba wuu fadhiistay, waxaana ka aflaxay in ka badan laba kun iyo dhawr boqol oo qof. Maydh ayuu dabadeed degay oo ku la xididay dadkii dhulka ku dhaqnaa, halkaana waxa uu ku dhalay siddeed nin oo maanta durriyaddoodu Geeska Afrika ka buuxdo. Halkaas ayay culimo badani ku ogaayeen, kaga sheekeeyeen, ku la kulmeen, oo wax aad u badan kaga qoreen.
Sida buuggu inoo shegayo Sheekh Isxaaq waxa badan ee laga qoray waxaa la mid ah waxa uu isaga qudhiisu qoray. Ugu yaraan lix kitaab oo afar ka mid ah durriyaddiisa reer Yamaneed hayso ayuu ka dejiyay baa la yidhi culuun ka la dudduwan. Laba kitaab baa se maqan oo aab faro lagu hayn. Mid waxaa cid ugu war dambaysay magaalada Herer. Ka labaadna waxa uu culimadii waraysatay u sheegay in uu Maydh ku hayo oo yahay sirta weyn ee dhimashadiisa muddo dheer ka dib la heli doono.
Waaga Sheekh Isxaaq noolaa carabtu waxa ay lahayd ilbaxnimo qoraal gashay, sidaa darteed dhacdooyinkooda waaweyn iyo dadkooda magaca leh xusuus badan baa ka hadhay. Maxaa haddaba taariikhda Sheekh Isxaaq yareeyay ee ceeryaamada ku daday haddii uu dhalasho ahaan, qof ahaan iyo waxqabad ahaan sidaa u weynaa? Taa dhawr arrimood oo isbiirsaday baa lagu macanayn karaa (waa haddii ay wax waliba sida daraasaddu dhigayso yihiin). Ta kowaad waa dadka sidiisa Ahlul Beydka ku abtirsada oo laga soo bilaabo dilkii Sayid Cali ilaa qarniyo badan oo dambe gumaad iyo ugaadhsi lagu hayay sababo siyaasadeed darteed, taas oo keentay Ahlul Beydkaasi si ay seefta gumaadka uga badbaadaan in ay ka la yaacaan, iyo qaarkood in ay haybtooda qariyaan. Sabab labaad waa Sheekh Isxaaq oo buuggani ku tilmaamayo in uu qof ahaan u badheedhay in uu haybtiisa qariyo ilaa uu ka guuray naanaysta ”Sayid” oo ku caanbaxay ”Sheekh”. Sabab saddexaadna waa ammuuro loo arko wax Rabbaani ah oo isaga u gooni ah, waayo ishaarooyin cadcad baa loogu sheegay in uu isqariyo oo qarsoonaan doono muddo aad iyo aad u dheer, ilaa ugu dambayn maalin uun wax walba daahu ka faydmo.
Sidan buuggan ku qoran Sayid Axmed Maxamed al-Qarbaani markii uu daraasaddan hawsheeda ka soo faraxashay, waxa uu u la yimid Sayid Cali Cabdalla Axmed al-Imaam oo ka tirsan saadada Yamaneed ee Sheekh Isxaaq ku abtirsata, waxa uuna u soo jeediyay in uu gacantiisa ku guuriyo oo gaadhsiiyo dadka kale. Sidii buu kanina yeelay oo inta uu qoray ayuu tusay in ka badan 25 qof oo isugu jiro culimo, oday dhaqameedyo, imaamyo iyo dad kale dhaqanka iyo aqoonta Yamaneed hayay, kuwaas oo saxiixooda ku sugay daraasaddaasi in ay dhab tahay. Laakiin mar walba waxaa daruuri ah in la soo arko kutubtaa cajabta leh ee laga sheekaynayo.
Taariikhdani haddii ay sida uu buuggani u soo gudbiyay u sugnaato, lana soo xaqiijiyo kutubta la raadraacay, waxaa qasab noqon lahayd in waxyaalo badan oo taariikhda soomaalida ah dib loo eego. Waxa ay kale oo noqon lahayd markii kowaad ee aynnu ogaanno berigaa fogba dhulkan in loo yaqaannay Dhulka Soomaalida, iyada oo imika magacaa laga soo bilaabo xilli kaa aad uga dhow.
Ibraahinhawd@hotmail.com
www.ibraahinhawd.com
Buuggan waxa laga dalban karaa cinwaank Amazon ee hoos ku qoran.