Nolosha aadamuhu inta aduunka la jooga waa mid wadata naxdin, farxad, murugo iyo badhaadhe isla markaana wejiyo badan leh. Waxaanay dadku ifka inta ay joogaan kala soo kulmaam marxalado kala gedisan.
ddSidoo kale nolosha aadamuhu ma aha mid dhamaystiran oo 100% ah, qof kastana waxbaa ka dhiman noloshiisa, waxaad arkaysaa qoysas uu ilaahay SWT u dhamaystiray dhamaanba wixii nimco aduunyo ahayd sida hantidii, lacagt, aad u badan oo jid ahaan iyo maskax ahaanba caafimaad qaba.
Waxa kale oo jira kuwo uu Eebe SWT ku manaystay lacag badan, hanta noocyo badan leh bal se aan wax ubad ah lahayn, sidoo kale waxaa jira qaar uu Raxmaanku SWT siiyay carruur badan oo dhamaantoodba caqliga iyo jismigaba ka fayow, waxa hubaal ah in dadka noocaas ah ee carruurta leh hadana waxa jira wax ka dhiman nolsohooda oo ay tabayaan, taasi ah hantidii aan rasmiga ahayn ee aduunyada.
Waxa kale oo jira kuwo intaasiba aanu midna ilaahay SWT siinin oo ah danyar ah, faqri aan wax maal ama hanti ah mid miyi iyo tu maaalo midna aan haysan, kuwaasi oo ay danyarnimadii iyo faqirigii ugu sii biirtay xanuun maskaxeed oo ku habsaday carruurtoodii idil ahaantoodba ama iyaga laftoodaba.
Waxa aan dhawaan arkay aadna uga naxay kana adkaysan kari waayay in aan bulshada islaamka ah guud ahaan gaar ahaana bulshada Somliland u soo bandhigo qoys degan meel miyi ah oo ka tirsan gobolka Gabiley, kaasi xaalada ay ku jiraan ay igu noqotay mid I argagax gelisay, aan filayana in haddi aad ila arki lahaydeen in aad si aad ah uga nixi lahaydeen.
Qoyskani waa qoys danyar ah ama caydh ah malaha wax xoolo ah oo ay manaafacaadsadaan, inkasta oo uu ilaahay carruur siiyay haddana waxa kaga dhacay masiibo Arabaani ah, iyada oo carruurta ay dhaleen oo tiradoodu tahay lix qof labadii wiil ee ugu waynaa oo qoyska u shaqayn jiray iyo laba gabdhood oo kale ay afartuba maskaxda ka xanuunsadeen, aabihii iyo hooyadii dhalay carruurtani markii ay arkeen musiibadan haleeshay carruurtoodii ayay murugadii iyo naxdinta joogtada ah ee la soo deristay oo ah xanuunka muddada badan ubadkoodii haysay u adkaysan kari waayeen, ka dibna iyagii ayaaba hada ku jira xaalad waali ah, sidoo kale waa dad da’a ah oo aan awood ay ku shaqaystaan ama kuba istaagi karaan aan lahayn.
Qoyskan ayaa labadii wiil ee u shaqaynayayba ay maskaxda ka bukaan, mid waa kan ay sil-siladu ku xidhan tahay sida aad sawirka ku aragtaan, kii kalena isaga oo maskaxda ka buka ayuu baxsaday oo waaba la waayay meel uu hada ku sugan yahay iyo nolol iyo geeri midna lagama war qabo.
Walaalayaal qoyskani oo aabaha dhalay magaciisa la yidhaahdo Nuur Ducaale Cali, ayaa ah kuwo xaaladooda nololeed laga naxayo isla markaana qof kasta oo damiir leh haddii uu arko si aad ah u dareemi karayo in dhibaato aduunyo loo dhamays tiray.
Dhiibaatada, xanuunka maskaxeed iyo musiibada uu ilaahay kor ahaaye qoyskan guudkooda yeelay waa mid u baahan wax ku qaadasho isla markaana waa mid lagu eegayo walaalaha muslimiinta ah ee iyaga uu ilaahay carruurtoodii iyo iayagiiba caafimaadka siiyay sidoo akle hantidana ugu daray.
Maadaama oo aynu nahay umad Islaam ah waxaynu ognahay inuu Ilaahay Qur’aankiisa ku sheegay in marka ay dadka muslimiinta ahi u naxariistaan walaalahooda baahan ee dhiibaatadu haysato in iyagana uu Raxmaanku xagga sare uga naxariisanayo.
Haddaba qoyskan tabaalaysan ee ay baahida iyo xanuunku isugu biireen waxay walaalahooda muslimiinta meelkasta oo ay joogaanba ka codsanayaan inay soo caawiyaan oo ay dar Ilaahay ugu soo tabarucaan wixii ay awoodaan.
waxaanay ugu soo hagaajin kartaa cidii jecel in ay qoyskani soo caawiso Akaawanka Dahabshiil ee ah Gebd0413 ama lanbarka Zaaad-ka Telefoonkan oo ah 0634220000