Thursday, July 4, 2013

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Cod Dheer Ku Canbaareeyay Xadhiga Aan Loo Meel Dayin Ee Lagula Ka Cay Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal.


(GNA) warsaxaafadeedka uu ururka suxufiyiinta somaliland ee solja oo codheer ku canbaareeyay xadhiga masuuliyiinta wargeyska madaxa banaan ee hubaal ayaa udhignaa sidatan waanakan warsaxaafadeedkii solja                            7/3/13





            Ujeedo: Warsaxaafadeed




Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxa uu cod dheer ku canbaaraynayaa xukunka sharci darada ah ee ee manta 7/3/13 cabaaro 10:00 subaxnimo garsoore ka tirsan maxkamada gobolka maroodi jeex oo lagu magacabo cismaan ibraahim daahir (fanax) uu ku riday labada masuul ee wargayska madaxa banana ee HUBAAL.
1.    Maxamed Axmed Jaamac (aloolay) oo ahaa mareeyaha wargayska waxa lagu xukumay hal sano oo xadhiga iyo hal milyan SLSH.
2.    Xasan Xusen C/lahi (keefkeef) oo ahaa tafatiriihii wargayska HUBAAL  waxa lagu xukumay laba sano oo xadhiga iyo laba milayan SLSH.
Waxa kale oo wax laga xumaado ah in hore wargayska HUBAAL hore weerar hubaysan  loogu soo qaaday  24-April-2013 oo dhawacyo loogu gaystay masuuliyiinta HUBAAL oo gaar ahaan dhawac kazoo gaadhay mareeyaha wargayska Mr. Caloolay  iyadoon waxba laga qaban oo ay xukumadu sheeg tay in labadaa nin ee weerar ka gaystay ahayeen in ay labaduba POLICE  ahaayeen.
Waxa kale oo jirtay in 12-may-2013 kii ay maxkamadu xukun sharci daro ah oo xayiraada kusoo rogtay wargayska HUBAAL albaabadana loo xidhay xaruntii guud ee wargeyska madaxabanaan ee HUBAAL.




Sidaa darted iyadoo ururka SOLJA  oo ka xun go’aamada sharci darada ah ee iskaga daba dhacay wargayska HUBAAL , Waxaanu ka codsanaynaa dhamaan daneeyayaasha madaxa banana ee xoriyatal qawlka gudo iyo dibadba ay si toosa faragalin ugu sameeyaan kiiskan foosha xun ee lagu mijo xaabinay Dimuqraadiyadii iyo Xoriyatal qawlkii Somaliland.





ALLAA MAHAD LEH









Xoghaya Guud ee SOLJA
Maxamed-Rashid Muxumed Farax