Thursday, July 4, 2013

Dawladda Ingiriiska oo daboolka ka qaaday inay mamnuucayso ka ganacsigga qaadka iyo cunidiisaba


UK 04.07.2013 (GNA),-Dawladda Britain ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucayso qaadka la keeno dalkeeda, kaasi oo ay aad u isticmaalaan dadyawga u kala dhashay dalalka Somalia, Yemen iyo Ethiopia ee ku nool dalka Ingiriiska (UK).




Go'aanka mamnuucista Khaadka oo ay ku dhawaaqday Xoghayaha Arrimaha Gudaha ee Britain Teresa May, ayaa waxa uu ka hor imanayaa talo ay bixiyeen Guddi dowladda la taliya oo ku soo gabagabeeyay baaritaan ay wadeen bishii Janaayo in Khaadka aan la mamnuucin.




Guddigaasi ayaa sheegay in aan lahayn caddeyn ku filan oo ah in Khaadku sababo dhibaatooyin caafimaad ama uu keeno dambi.




Khaadka ayaa waxa uu mamnuuc ka yahay dalal badan oo ku yaal qaaradda Yurub iyo weliba dalalka Canada iyo Mareykanka.




 




 




 




 




 




www.gobanimonews.com