Hargeysa(GNA)-Qoraal Amar ah oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta, kunaa Taariikhaysan 29/06/2013, oo uu ku saxeexanyahay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Axmed Cabdi Xaabsade ayaa lagu amray inay toban maalmood gudahood ku baneeyaan dadka ku Ganacsada Dhulka ka banana Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargeysa qaybtiisa waalida.
Warar iskhilaafsan, ayaa ka soo baxaya sababta Dhulkaasi oo aan wax dayr ah lahayn,horena dawladu uga faa’idaysan wayday, isla markaana ay ku shaqaystaan dad Danyar ah oo Cooshado halkaasi ka dhistay, kuna shaqaysta.
Dad ku dhadhow Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guriyaynta, ayaa sheegaya in la Iibiyay Dhulkaasi intii wasaaradda uu Wasiir Xaabsade joogay, isla markaana afar maalmood ka dib markii xilka laga qaaday uu amray in lagaa guuro.
Warar kale ayaa sheegaya in dhulkaasi la siiyay Shirkadda Dahabshiil, halka tibaaaxo kale oo la helayna ay sheegayaan in laga Iibiyay Ganacsade hore meeshaasi u Hungureeyay,sida ay Gobanimo u sheegeen dad arintaasi xogogaal u ah.
Si kastaba ha ahaatee qoraalka Wasiir Xaabsade qoray oo nuqul ka mid ah Gobanimonews heshay, ayaa u dhignaa sidan:-
Ku: Cida degen Dhinaca Galbeed ee C/waalida
Og: Wasiirka Caafimaadka .
Og: Wasiirka Arrimaha Gudaha
Og: Taliyaha Bilayska
Ujeedo: war gelin
Waxaan farayaa dhamaan dadka degen inta u dhaxaysa Cisbitaalka waalida iyo Laamiga ka mara dhinaca Galbeedka inay si dhakhso ah uga guuraan goobtaasi, kuna gurtaan muddo (10 Cisho) gudahood ah.
Wixii mudadaasi ka dambeeya cidii fulin wayda amarkan in xukuumaddu ka qaadi doonto talaabo sharciga waafaqsan.
Mudadan oo ka bilaamaysa 3/07/2013.
Axmed Cabdi Maxamuud
Wasiirka Hawlaha Guud ,Guriyaynta iyo Gaadiidka”.
Dhinaca kale Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Hawla guud oo laba maalmood ka hor ishortagay Qandaraas Wasiir Xaabsade ku bixiyay Liisamada Darawaliinta, ayaa la filayaa inuu joojiyo talaabadan, hadii ay jirto arinta Iibku ama Bixinta aan sharciga waafaqsanayn.
Gobanimonews
Hargeysa Office