Hargeysa(GNA)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Silaanyo) ayaa saaka Xadhiga ka jaray Xafiiska Shaqo-doonka Dhalin yarada oo laga sameeyay Dhismaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Magaalada Hargeysa.
Xafiiskan oo ay samaysay Wasaaradda Qarshaynta Qaranka Somaliland, looguna talo-galay in lagu diwaan-geliyo dadka Shaqo raadiska ah, ayaa Madaxweynuhu soo kormeeray guud ahaan Shaqaalah iyo Agabka ka shaqaynaaya iyo adeegyada ay u qabanayaan Bulshada iyo Dhalinyaradaba
Sidoo kale Waxa uu Madaxweynuhu ka qayb galay Xaflada Furitaanka Shir laba maalmood socon doona oo loogu qabtay Hotel Mansoor,kaasoo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qorshaynta Qaranku,lagagana hadlayo hadlayo sidii shaqo loogu samayn lahaa Dhalinyarada dalka loogana joojin lahaa Tahriibka.
Ugu danbayn Madaxweynuhu waxa uu furay carwo loogu dardar gelinaayo shaqo abuurka oo iyana laga furay Hotel Maansoor taasi oo ay soo abaabuleen Ganacsatada iyo Wasaarada Qorshaynta Qaranku, isla markaana ay ka qayb-qaadanayaan Ururo iyo Ganacsato waaweyn iyo ku dhexe oo dalka laga leeyahay.
Mashaariicdan Madaxweynuhu qaarkood furay, kuwana uu soo kormeeray, ayaa u muuqda kuwa xal loogu raadinayo Tahriibka Dhalinyarada oo bilihii ugu dambeeyay faraha ka baxay, isla markaana qaylo-dhaanta laga soo jeediyay iyo dareenka Bulshadu ka muujisay Khasabtay inuu madaxweynuhu Guddi qaran u saaro sidii loola tacaali lahaa korodhka Tahriibka.
Madaxweynw Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Wareegtada uu ku magacaabay Guddidan oo ah xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, ku sheegay in Tahriibku yahay Masiibo Qaran oo u baahan in wax laga qabto.
[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/1-shirkii-shaqo-abuur.mp3"][/audio]
Gobanimonews
Hargeysa Office