Nidaam-darradii iyo Is-babaryaacii lagu yaqiinay madaxweynaha iyo wasiiradiisa, waxa iyaguna qaybtooda maanta qaatay masuuliyiintii cusbaa oo dhawaan ku soo baxay isku shaandhayntii uu madaxweynuhu sameeyey.
Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka qaybqaatay munaasibad shaqo abuur loogu samaynayo da’yarta camal la’aantu ragaadisay ee badaha isku guraysa, ayaa waxa si aad ah u barbaryaacayey hormooyin cusub oo ka mid ah wasiiraddii dhawaan xilalka loo magacaabay.
Wasiiradda is-barbaryaaca ka qaybqaatay waxa ka mid ahaa wasiirka wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, wasiirka wasaaradda xidhiidhka Golayaasha iyo wasiiro-ku-xigeeno badan oo wajiyadoodu goobta ku cusbaayeen.
Askarta ilaalada madaxweynaha ayaa la arkayey iyagoo in badan ishortaagaya qaar ka mid wasiirada cusub oo aanay haba yaraatee wax aqoon ah u lahayn wajiyadooduna ku cusub yihiin, iyadoo masuuliyiinta madaxtooyaduna ku dawakheen isbaridda masuuliyiintan iyo askarta madaxweynaha ilaalinaysay.
Arrinta ay masuuliiinta xukuumada madaxweyne siilaanyo caanka ku yihiin oo ah isbarbaryaac iyo nidaamdarro ka muuqata marka uu madaxweynuhu ka qaybgelayo munaasibadaha gaarka ee dhiirrigelintiisa loo baahanyahay, ayaa waxa ay ku guul daraysteen inay hab nidaamsan u hareero galaan madaxweynaha, waxana la arkaa had iyo goor badiba wasiiradda Siilaanyo safaf u galaan inaan madaxweynaha iyo dhinacooda aanay cidi u dhaxaynin.
Madaxweynaha ayaan isagu waxba ka qaban qaab darradaa ay wasiiradiisu ku hayaan socdaaladiisa, waxana marba marka ka sii dambaysa soo badanaya masuuliyiinta u jeellan inay madaxweynaha sawirro la galaan oo la arko ama la daawado iyagoo madaxweynaha Agagaarkiisa tag-taagan.
Kuwaasoo qastiga iyo ujeedada ay sawirka madaxweynaha u jecelyihiina ay tahay inay ka muqudaan Shaashadaha.
Axmed Timo
Gobanimonews
Hargeysa Office