Monday, July 1, 2013

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidammada AMISOM ee ku sugan gobollada Jubbooyinka ay ka qeybqaateen dagaalka Kismaayo


01.07.2013 (GNA)- Dagaal lagu eedeeyey ciidamadda AMISOM ee ku sugan Somaaliya.Wasiir ku xigeen ka tirsan dowladda Cabdishakur Cali Mire, ayaa sheegay in dowladda ay ka xuntahay arrintaasi.




Horey ayaa maammulka Axmed Madoobe ee Kismaayo waxay ku eedeeyeen dowladda Soomaaliya inay soo abaabushay Barre Hiiraale.Waxaa uu sheegay in ciidammada AMISOM ay ku xadgudbeen hanaakii ay ku yimaadeen Soomaaliya.




Ciidammada taageersan Barre Hiiraale ayaa la sheegayaa in laga saaray magaalada.




Dowladda ayaa dalbatay in gobollada Jubbooyinka la geeyo ciidammo kala gedisan oo aan ahayn kuwa imminka ku sugan.




Ciidammada Kenya ee ka tirsan AMISOM ayaa gacanta ku haya magaalada Kismaayo.