Hargeysa(GNA)-Waxa Maanta Damaanad Xabsiga dhexe ee Hargeysa lagaga soo daayay Maareeyihii Wargeyska Hubaal iyo Tafaftirihii Wargeyskaasi Xasan Xuseen Cabdilaahi, kuwaasoo shalay jeelka loo taxaabay ka dib markii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku xukuntay Xadhig iyo Ganaax Lacageed.
Maxamed Axmed Jaamac oo ah Maareeyaha Wargeyska Hubaal ayaa lagu xukumay Hal sano oo xadhig ah iyo Laba Milyan oo shilinka Somaliland ah, halka Tafaftire Xasan Keef-keef lagu xukumay laba sanadood oo xadhig ah iyo laba Milyan oo Somaliland shilin ah.
Xoghayaha Guud ee ururka SOLJA, Maxamed-rashiid Maxamuud Xasan ayaa Gobanimonews u sheegay in labadaa suxufi Maanta Damaanad lagu sii daayay, Maalinta sabtida ee soo socotana la filayo in dib loo fasaxo Wargeyskoodii oo Xayiraad la saaray mudo ka hor intaan Dacwada lagu soo Oogin.
“waxaa lagu sii daayay Damaanad,waxaana damaanada naga ogolaatay oo inay iyagoo dibada joogaa isdifaacaan noo ogolaatay Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-Jeex , waanan uga mahad naqaynaa”.
Mar aanu waydiinay waxa laga yeelayo Xayiraada wargeyska la saaray, waxa uu ku Jawaabay .“Arrinta Wargeyska Sabtida ayay nala balameen oo aanu filaynaa in la fasaxo,waana la fasaxayaa hadii alle ka dhigo,sidaasaanu rajeynaynaa.”
Qareenka labadan Suxufi u doodayay ayaa shalay Maxkamadda ka sheegay inuu Rafcaan ka qaatay Xukunka Maxkamadda Gobolka, waxaanu intaasi ku daray inaan Eedaha loo soo jeediyay ee Go’aanka laga gaadhay ahayn mid Waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta waddanka.
Dacwada wargeyskan ku socota ee xukunka laga soo saaray shalay, ayaa ku soo beegmaysa xili aanay ilaa hada hay’ada Garsoorka iyo kuwa Dambi baadhista Somaliland natiijo ka soo saarin, weerar bahalnimo ah oo bishii April lagu qaaday Xarunta wargeyskaasi ee Magaalada Hargeysa.
Weerarkaasi oo lagu dhaawacay Maareeyaha Wargeyskaasi Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), ayaa loo hayaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Bilayska oo ka mid ahaa Kooxdii fulisay, kaasoo aan ilaa hada lagu qaadin Kiiskaasi.
Gobanimonews
Hargeysa Office