Friday, July 5, 2013

Khadar C. Gaas: Waxaanu ku Hawl-galnaa $800,000 Dollar oo Mushaharka Shaqaaluhu ku jiro”


Hargeysa, (GNA)- Maareeyaha Guud ee Telefishanka Qaranka Somaliland Mr. Khadar Cali Gaas ayaa miisaaniyada Telefishanka Qaranka kaga hadlay munaasibad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, isagoo sheegay in kharashaad badan laga jaray miisaaniyadii Telefishanka Qaranka.




Maareeyaha oo ka mid ahaa Masuuliyiintii ka hadlay munaasibadda xil-wareejinta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa hadalkiisa ku koobay miisaaniyad uu sheegay in laga hay’adda uu masuulka ka yahay, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa inta badan nalagu xantaa oo in badan dhagahayaga ku soo noqnoqota oo saxaafaduna qortaa Telefishanku wuu kharash badan yahay, oo kharash badanbaa ku baxa intaas oo wasaaradood buu ka miisaaniyad badan yahay, waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo tuhun in badan dadkaa ku jira, Telefishanka markii naloo dhiibay kharssh miisaaniyadiisu waxa uu ahaa 3 milyan oo doolar iyo dheeraad, waxa kale oo dheeraa lacag (500,000 $) oo ay madaxtooyada ku kaabi jirtay, markaa waxaa laga dhimay lacag ku dhow, 35% markaa inaan taas cadeeyo ayaan doonayaa oo lacagtii badnayd ee TV-gu waa ay yaraatay.”




Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu intaasi ku daray “TV-ga intiisa kale waxay ku baxda baahinta Satelite-ka oo ay ku baxdo 1,150,000 $ (hal milyan boqol iyo konton kun) oo doolar, waxaanu ku hawlgalnaa lacag dhan 800,000 doolar (sideed boqol oo kun oo doolar) waxaa sideeda boqol ku jira mushaharka shaqaalaha TV-ga Qaranka oo runtii ah meelaha ugu mushaharka badan dawlada. Waxa kale oo kharashaadka TV-ga Qaranka ku baxa qalabka adeega oo cajaladaha oo keliya waxaanu ku kharashgareynaa lacag ku dhow 5,000 oo doolar, miisaaniyada inteeda kale oo ay ku baxda alaabta la sheegayay inay soo iibiyay kharash ilaa 100,000 oo doolar oo ku baxa injineerada rakibay ee hawsha gacanta ku haya, markaasi waxaan doonayaa inaan dhagaha dadka ka saaro lacag badan baa Tv-ga lagu cunaa, ama lagu lunsadaa.”




Ugu dambeyntii waxa uu Maareeyuhu u mahadnaqay masuuliyiinta cusub ee wasaaradda iyo wasiirkii hore oo uu ku amaanay inuu wax badan la qabtay.




Sacad Muxumed Xarbi