Monday, July 22, 2013

SLN: Wasiirka cusub ee Khaarajigu muxuu ka yidhi Qadiyada dalkiisa, Waayo-aragnimadiisa iyo qaabkuu u waajahayo Hawsha hor-taala?


 “Somaliland waa Umad jirta,waxay ka magac weyntahay Dalal badan oo Afrikaan ah wixii dawladi lahaan jirtay oo dhana way leenahay”




“Waxa loo baahanyahay inaynu meel uga soo wada jeesano mucaarid iyo Muxaafidba qadiyada Somaliland si aynu u noqono Umad  isku duuban oo Caalamku arko”
 




“Waxaan ka soo shaqeeyay waddamo Nabad ilaalin laga sameeyay. Laakiinse Somaliland waa dal degen oo aan nabad-ilaalin u baahnayn”W. Arr. Dibada Somaliland M. Biixi Yoonis




  Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis  ayaa Maanta dalka soo gaadhay, waxaana lagu soo dhaweeyay  Madaarka Diyaaradaha ee Caasimada Hargeysa oo uu ka soo degay.




Maxamed Biixi Yoonis Waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka kala socda Saddexda Golle Qaran ee Somaliland iyo Boqolaal ka mid Bulshada Reer Hargeysa.








 




 




 




 




Masuuliyiinta soo dhaweysay waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,  xubno ka mid  Golaha Wasiiradda oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde iyo Masuuliyiin kale, iyadoo ay halkaasi ka muuqdeen Guddida Qaban-qaabada soo dhaweynta Wasiirka oo hormuud ah u ah hawshaasi.








 




 




 




 




 




 




Maxamed Biixi Yoonis ayaa markii uu soo degay Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa, waxaanu ka waramay waayihiisa siyaasadeed , isagoo si weyn ugu mahad naqay dadkii soo dhaweeyay.




Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu si dul ka xaadis ah uga hadlay xilka loo magacaabay iyo qorshihiisa siyaasadeed oo aanu si toos ah uga biyo dhiijin balse uu tilmaamo iyo tusaaleyaal diblomaasiyadeed ka bixiyay gooni-isutaaga Somaliland iyo waxa uu dalku iskii u qabsaday.




Ugu horayn isagoo ka hadlay xilka loo magacaabay waxa uu yidhi “Hawlbaa lay Igmaday culus oo ah Umadda Reer Somaliland Wasiirkeeda arrimaha dibada, waxaan Illaahay ka baryayaa inuu ii Fududeeyo”.




Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland waxa uu ka waramay qaabka loo baahanyahay in loo waajaho ka midho-dhalinta qadiyada Somaliland “ta labaad waxaan leeyahay hawshaas waa hawl umadda oo dhan ka dhaxaysa, waa hawl u baahan inaynu ka sinaano, meel uga soo wada jeesano mucaarid iyo Muxaafidba markay noqoto qadiyada Somaliland, Ictiraafkeeda, horumarkeeda, Dhaqaalaheeda iyo nabadeeda waxa loo baahanyahay inaynu u sinaano oo aynu meel uga soo wada jeesano, si aynu ahaano Umadda isku duuban oo Caalamku arko”.ayuu Beyaamiyay Wasiirku.




Maxamed Biixi Yoonis waxa kale oo uu cadeeyay in qaddiyada Somaliland aanay ahayn mid Indha laga qarsan karo.




“waxaynu nahay Umadda jirta, runtana dadku iskama indho tiri karaan, Dhulbaynu leenahay, Caalamka ayaynu la shaqaynaa, shacbibaynu leenahay, wixii dawladi lahaa jirtay oo dhan ayaynu leenahay, dawlado badan oo afrika ah oo ay maalin walba dhibaatooyin ka dhacayaan ayaynu maanta ka magac weynahay”.




Mar uu hoga-tusaalaynayay  meelihii ka soo shaqeeyay intii uu Qaramada Midoobay joogay iyo farqiga u dhexeeya Somaliland iyo wadamada uu hawla nabadeynta ah ka soo qabtay, waxa uu yidhi ,“ anigu waxaan ka shaqaynayay Wadamada Nabada lagu Ilaaliyo Daarfuur ayaan ka imi oo aan ahaa Ninka labaad ee ugu weyn, Ninka dhidibada u taagay nabad-ilaalinta Daafuur yaan ahaa,waxaan ka faraxsanahay  markaa anigoo halkaa ka shaqeeyay, oo Juresalam ka shaqeeyay, oo dhulkaasi uu ahaa Dhul wada colaada inay Somaliland tahay dal degen oo aan nabad-ilaalin u baahnayn ee ay tahay umad degen oo sharaf leh oo shaqaysanaysa, waxaanan ku dedaalayaa inaan hawshaa lay igmaday si sharaf leh ku qabsado.”




Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka waramay waxyar oo ka mid ah Waayo-aragnimadiisii siyaasadeed muddo 25 sanadood ah oo sida la sheegay uu ahaa Diblomaasi ka hawl-galayay laamaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika. “waxaa I magacaabay Ban Ki Moon iyo Bing, waxaan ahaa ku-xigeenka Maamulka Guud ee Qaramada midoobay ee Hawl-galka Daarfuur(was the deputy Representative for Operations & Management in Darfur for the UN mission). “ayuu sheegay Mr Biixi.




Maxamed Biixi Yoonis ayaa Xilka Wasiirka arrimaha dibada loo magacaabay loo magacaabay 25 Bishii June ee aynu soo dhaafnay.




Safarkiisa waxa ka wehelinayay Saraakiil ka tirsan Hay’ada Qaramada Midoobay iyo Masuuliyiin ka socda Safaarada Somaliland ee Dalka Itoobiya, kuwaasoo ka soo raacay waddanka Itoobiya.




Maxamed Biixi Yoonis oo soo dhaweyntiisa  miisaan mug leh ka muuqday, isla markaana ka sekow boqolaal qof oo isugu jira masuuliyiin ka socda Dawlada iyo Asxaabta qaranka oo ku qaabilay Calanka Jamhuuriyada Somaliland, Sawirkiisa iyo suugaan waddaniya, ay Magaalada dhexdeeda ku soo dhaweeyeen Kumanaan qof oo kale, ayaa gudaha madaarka intii uu ku sugnaa qof qof iyo wadarba u salaamay dadkii soo dhaweynayay.




Waxa wejigiisa ka muuqatay Farxad iyo rayn-rayn mug leh oo uu ku waajahayo hawsha uu la wareegayo ee wasaaradda  Khaarajiga Somaliland oo uu dhawaan kala wareegi doono Wasiirkii hore Maxamed Cabdillaahi Cumar oo meel wanaagsan gaadhsiiyay shaqada wasaaradda.




  





Gobanimonews




Hargeysa Office