Monday, July 22, 2013

Si Aad U Dhisto Kalsoonida Ilmahaaga Raac Tallaabooyinkan


(GNA) Qodobadan hoose waxa ay suuragalin karaan in uu il mahaaga yari noqdo mid naftiisa ku kalsoon  oo mustaqbalkiisa si hagaagsan ugu hore marsanan karo, dhamaan Qodobadanna waa kuwa adiga waalidka ah lagaa doonayo in aad ilmaha usameyso ilmuhuna uu ugu guuleysto ,




1-ilmahaaga ku amaan caruurta kale hortooda




2-ha uhorseedin in uu naftiisa dhaliilo




3- ku dheh fadlan




4-sidii ilmo ula dhaqan dareensiina in uu yahay ilmanimadiidasa




5-ku caawi in uu naftiisa go,aan uqaato




6- ku caawi in uubarto dabaasha




7- ka dhig marti sharafeed munaasibadaha qaarkood




8-Ra'yigiisa weydii kana qaado Ra'yiga arrimaha qaar uu ka bixiyo




9-Hawlaha uu qabto meel gaar ah ugu samee Guriga ,dhamaan wax qabadkiisana ku dul qor magaciisa.




10-ku caawi in uu saaxiibo hello maxaa yeelay caruurta imika jirtaa garan maayaan si ay saaxiibo usameeystaan.




11-Dareensii mahiimada iyo waxa uu u abuuran yahay in uu yahay mid alle ka cabsibadan oo aale awood siiyay.




12- ku tabara in uu adiga salaada kula tukado Alle-na si hagaagsan qalbigiisa ugu abuur.




13-waa in aad bartaa xirfadaha uu ra'yigiisa ku abuuri karo iyo sida uu hadlkiisa ama hadafkiisa dadka ugu soo bandhigi karo.




14-sida uu tilmaamaha u aqrinkaro una raacikaro bar




15-Bar sida uu naftiisa ugu sameeyn karo Mabda'yo iyo waajibaad uu isagu raacayo fulinayana




16-ku taba bar gar gaarka deg dega ah.




17- ka jawaab dhamaan su,aalihiisa




18- fuli dhamaan balan qaad yada aad usameyso.




19-cunta karinta fudud bar




20- ku guubaabi oo wax bar faa'iidada iyo awoodda ay baryada Alle leedahay




21-wax ka bar sida uu dadka ama koox ula shaqeyn karo




22-ku dhiiri gali in uu su,aalaha uu qabo soo bandhigi karo




23-Dareensii in uu meel sare hiigsanayo




24-Go,aan kasta oo aad qaadaneyso u cadee sababta kugu kaliftay




25-maalmaha ugu horeysa waa in aad waxbarashadiisa aad ula socotaa oo aad sii raacdaa ama ku soo martaa goobta uu wax ka baranayo




6-sheekooyin ku saabsan maalmihii aad caruurta aheyd uga sheekee




27-ka dhig isaga macalin adigana iska dhig sidii arday tababar kusii




28-bar sida uu wax u diidayo una ariminayo




29-bar sida uu wax ubixinayo ama uqaadanayo




30-ku dhiiri gali in uu wax xafido waxna soo xusuusto




31-Bar sida uu guul darada u wajahayo




32-Himiladiisa iyo ra'yigiisaba la wadaag oo ku dhiiri gali in uu rajeeyo




33-ku tababar kuna adkee in uu maalintii wakhti siiyo aqrinta qur'aanka




shiki la aan qodobadaa iyo kuwa kale oo mihiin ah hadii aad bartid ilma inta uu yar yahay waa xaqiiq in uu noqonayo mid nolosha ku guuleysta noqdana mid isku kalsoon.








 




 




 




 




Diyaarintii C/qaadir Askar




Gobanimonews.com