Monday, July 22, 2013

Dal doorashadiisa soo dhowdahay oo masuuliyiintii doorashada Qaban Lahayd la afduubay


(GNA) Dowlada Mali oo baadi goobeysa masuuliyin ka tirsanaa doorashooyinka sanadkan oo la afduubay




Kooxo hubeysan oo ku sugan waqooyiga dalka Mali ayaa waxay afduubeen labo masuul oo dhanka toorashada qaabilsanaa,
 iyadoo todobaad ay ka hadhan thay muddo todobaad ah doorashada sanadkan ee dalkaasi Mali, waxii ka dambeeyay markii afgambi meletari uu ka dhacay dalkaasi 2012.




Masuuliyiin ka tirsan dowlada ayaa sheegay in labada ruux lagu afduubtay inta u dhaxeysa bar koontarool oo ku taala magaalada Tessalit ee iyo garoonka diyaaradaha magaalada, sida ay madaxdu ay sheegeen.




Ilaa iyo iminka ma jirto koox sheegatay inay ka dambeysay weerarka afduubka ah ee loo geystay labada masuul ee ka tirsanaa dhanka doorashooyinka dalkaasi.








 




 




 




 




Horanatii bishaan, Dowlada Mali ayaa ka qaatay dalka Xaalad deg deg oo lagu soo rogay waxii kadambeeyay January, markii ciidamada faransiiska ay kusoo duuleen dalka oo ay ka caawiyeen la dagaalanka kooxihii mucaaradka oo inta badan ku sugnaa waqooyiga dalkaasi.




Labada masuul ee dhanka doorashooyinka qaabilsaa midkood ayaa loo maleynayaa inuu ahaa duq ku xigeenkii magaalada Kidal.
Waxaa la afduubtay markii gaadhigii ay  la socdeen lagu joojiyay bar koontarool oo ku taala magaalada.




Afhayeen u hadlay wasaarada deegaanka oo lagu magacaabo  Gamer Dicko  ayaa sheegay inay tahay markii ugu horeysay oo la beegsado masuuliyiin doorashada madax ka ahaa.








 




 




 




Ciidamo badan oo ka tirsan dowlada Chad iyo Faransiiska ayaa loo daabulay deegaanka Tessalit si ay u baadi goobayaan la afduubayaasha iyo kooxda  afduubka gaysatay.








 




 




 




 




Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com