Monday, July 22, 2013

Madaxweynaha Kenya oo shaqadii ka eryay safiirkiisii Washignton


(GNA) Maalin kadib markii ay boqolaal dad Soomaali ah ay banaanbaxyo ka dhigeen safaarada ay Kenya ku leedahay Washington ayaa madaxweynaha dalka Kenya waxa uu shaqadii ka eryay safiirkii u joogay Maraykanka Mr. Elkanah Odembo.




Ka eryida safiirkan xafiiskiisa ayaa si degdeg ah u dhacday iyadoo aan weli si rasmi ah loo magacaabin safiir bedela.




Waxana fariin kooban la soo dhigay bogga facebooka iyo twitterka taasoo lagu sheegay in safiirkii shaqadii laga eryay uuna xilkaasi sii hayn doono ku xigeenkiisa.




Isbedelkan ku yimid safaaradii dowlada Kenya ku lahayd Maraykanka ayaa loo aaneynayaa banaanbaxii ay boqolaal Soomaali ah oo ku nool dalka Maraykanka ka hordhigeen safaarada Kenya ku leedahay Washington, banaanbaxaas oo lagu dalbanayay in ay ciidamada Kenya isaga baxaan dalka Soomaaliya isla markaana ururka midowga Yurub iyo dowlada Maraykanka ay joojiyaan dhaqaalaha ay ku siiyaan dowlada Kenya joogista ciidamadeeda dalka Soomaaliya.




Safiirka shaqada laga eryay Mr Odembo ayaa ka soo jeeda qabiilka Luo la yidhaahdo isagoo ay isku beel ka soo jeedeen R/wasaarihii hore Raila Odinga, waxana uu yahay nin deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Nyanza oo ah halka uu ku dhashay aabaha madaxweynaha dalka Maraykanka.




Waxayna dadka siyaasada dalka Kenya gorfeeya ay rumeysan yihiin in maadaama qabiilka Luo ay yihiin dad mucaarad ku ah dowlada Kenya inuu madaxweyne Kenyatta ku aamini Karin Mr Odembo in uu difaaco danaha dowladiisa ay ku leedahay dalka Maraykanka.




Maalin kahor inta aan la soo saarin shaqo ka ceyrinta ayuu safiirkan Odembo waxa uu la hadlay boqolaal Soomaali ah oo ku soo ururay safaarada Washington ay ku leedahay Kenya waxana uu u xaqiijiyay in cabashadooda uu u gudbin doono dowladiisa




Diyaarintii: Askar
Gobanimonews.com