(GNA) Iyadoo dalka Mareykanka ay ka soconayaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo nin cadaan ahaa oo toogasho ku dilay wiil 17 jir ah oo udhashay Mdowga Mareykanka ayaa waxa haatan mudaaharaadyada kusoo biiray Siyaasiyiin iyo Faaniin caan ah oo ay ugu horeeyaan Fanaanka Jay-Z iyo xaaskiisa Beyonce.
Mudaaharaadyada ayaa waxa ay ku baaheen dhammaan gobolada ugu waaweyn ee dalka islamarkaana xaalada ayaa umuuqanaysa mid aad u adag oo iska hor keeni karta cadaawad adagna ku dhex abuuri karta Madowga iyo Cadaanka.
Dhawaan Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa waxa ay cafis cad oo aan dambi la,aan ah ku riday Zimmarman oo loo haystay dilkii wiilka Madowga ahaa taas oo keentay kadib inay dhacaan mudaaharaadyo iyo eedeymo xoogan oo ka imanay dhamaan dadka madoowga ah ee reer mareykan taas oo uu madaxweynaha marykanak obama uu ka hadlay in ay joojiyaan mudaaharaadka todobaabkii ugu dan beeyay ayey dadka madowga ah iyo dad cadaan ah ay ka cadhey siisay makamadaa dacwada qaaday.
ilaa imika ku meey qancin dadka madoowga ah taas oo ay mudaaharaadka imika ku muujinayaa fanaaniin madoowga ah ama dadka caan ak aha bulshada caalaamka ,
Diyaariye:c/qaadir Askar
Gobanimonews.com