Baydhabo(GNA)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Baay, iyadoo Shabaab ay laba jibaareen weerarada iyo dagaalada maalmihii u dambeeyay ku qaadayeen Gobolka.
Dagaalka oo dhacay deegaan lagu magacaabo Wardheer oo dhowr KM u jira Awdiinle ayaa waxaa ka dambeeyay markii ciidamada dowladda ay weerareen ku qaadeen deegaankaas.
Dagaalka labada dhinac ayaa socday muddo saacad, waxaana ay is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan sida dadka deegaanka ay soo sheegeen, iyadoo uu ahaa dagaalkii ugu cuslaa mudooyinkan ka dhaca deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal ay ku dhinteen ilaa saddex ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, iyo dhaawaca intaas ka badan, waxaana dagaalka uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka.
Taliyaha ciidamada dowladda ee deegaanka Awdiinle Col. Aadan Barrow ayaa sheegay in dagaalka ay ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Wardheer, halkaasoo uu sheegay in weerarada ka soo qaadi jireen.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaadayay duleedka Baydhabo, iyagoo wadada u galayay kolonyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana ay kordhiyeen dagaalada bishan Ramadaan.
Gobanimonews
Muqdisho Office