Monday, July 22, 2013

Boqorka dalka Beljamka Boqor Albert,Oo Ka Degay kursigii Boqornimada Kuna Wareejiyay Wiil Uu Dhalay:


(GNA) Boqorka dalka Beljamka Boqor Albert, saaka ayuu ka degey kursiga Boqorooyada, waxaanu jagada uga degey wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Philippe, markii u Boqor Albert, Boqor ahaa muddo 20 Sanadood ah.




Xaflad Sagootin ah oo xamaasadi ka muuqato oo lagu qabtay Guriga Boqortooyada, Boqor Albert oo da’idiisu tahay 79-Sanadood, waxaa uu uga mahad-naqay xaaskiisa Boqorad Paola, taageerada joogtada ah ee ay la garab-taagnayd mudadii uu Boqorka ahaa.




Isago ku hadlaya afafka lagaga hadlo, dalka Beljiga ee Flemish, Farnsiis iyo Jermal, wuxuu kalo erayo ammaan ah u jeediyey wiilkiisa, beddelaya ee Prince Philippe oo uu sheegay in uu lee yahay karti iyo Aqoonta uu ugu shaqeeyo dalka.








 




 




 




 




 




Waxaa uu markaas Saxeexay, Boqor Albert, Waraaqaha uu Kursiga Boqortooyada kaga degayo ee uu ku wareejinayo wiilkiisa Philippe








 




 




 




 




 




 




 




 




Gobanimonews.com




Diyaarintii:Askar