Waxaynu halkii ka sii amba qaadi doonaa qaybtii 2aad ee qormada aynu ugu magac darnay Madaxweyne Siilaanyo shalay iyo maanta oo aynu ku qiimaynayno faraqa u dhexeeya hab-dhaqanadii Madaxweyne Siilaanyo ee xilligii uu ahaa hogaamiyaha mucaaridka xisbiga Kulmiye iyo dabeecadaha marxalada Madaxweyne Axmed Siilaanyo:-
Madaxsweyne siilaanyo oo xilligii uu mucaaridka uu ahaa ay la qaldanaayeen wasiirada tirada badan ee uu magacaabi jiray Madaxweynihii hore ee Rayaale, kuna tilmaami jiray wasiiru dawlayaal iyo wasaaradaha isku shaqada ah ee la kala qaybiyo wasiir bilaa wasaara oo dhaqaalaha dalka lagu burburinayo, ayaa maanta ay la qurux bateen, taas oo xilligana uu Madaxweyne Siilaayno gaadhsiiyay balanqaadkiisii dawlad koban oo tayo leh, gole wasiiro oo ka kooban 50 xubnood iyo wasaarado kor u dhaafay dhawr iyo labaatan, kuwaas oo ilaa hadana aan la ogayn halka uu Madaxweyne Siilaanyo ku joojin doono magacaabida tirada wasaaradaha iyo wasiirada xadka ka baxay.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xilliyadii hogaamiyaha mucaardika Kulmiye ahaa hogaamiye ku dhiiran jiray la hadalka warbaahinta, isla markaana inta badan shirarka jaraa’id ee uu qabto su’aalaha suxufiyiintu ay ku waydiiyaan si cabqarinimo ah jawaabo uga bixin jiray, ayaan muddadii saddexda sano ee uu xilka hayay aan qabanin shirjaraa’id marka laga reebo oo kaliya shirkii jaraa’id ee uu kaga dhawaaqay golihiisa wasiirada ee u horeeyay oo ahayd maalin ka dib markii xilka loo dhaariyay 28 July 2010kii, kaas oo aan wax su’aalo ah aanay saxaafadu ku waydiinin, balse uu ka xaadiriyay magacaabista golahaasi wasiirada ee xilligaasi uu soo dhisay oo ka koobanaa 20 wasiir iyo 6 wasiir ku xigeen, xilligaas oo Madaxweyne Siilaanyo uu ku balanqaaday inaanu waxba ka badalayn tirada wasaaradaha iyo wasiirada uu soo dhisay oo koobnaa.
Madaxweyne Siilaanyo ayaan ilaa hada shacbiga Somaliland iyo saxaafada ay garan laayihiin asbaabaha ka hortaagan inuu shirar jaraa’id ku qabto qasriga madaxtooyada xilliyada xaaladaha culus ee u baahan inuu shacbiga kala hadlo warbaahinta ay suxufiyiintu su’aalo ka waydiiyan xaaladaha uu ka hadlo. Dadka siyaasadaha axadha ayaa in badani qabtaa inuu Madaxweyne Siilaanyo yahay nin diyaar u ah inuu saxaafada hor fadhiisto shirar jaraa’idna qabto, balse la tibaaxayo in guruubada ku xeerarn, gaar ahaan shakhsiyaadka khusuusiga ah ee ku dhaw dhawi ay Madaxweynaha ka hortaagan yihiin inuu saxaafada xilliyada munaasibka ah inuu hor fadhiisto, taas oo ujeedadoodu tahay inaan saxaafadu wax su’aalo ah aanay ka waydiinin arrimaha Maskaxda shacbigu tabayaan iyo su’aalaha ay xaqa u leeyihiin inay Madaxweynaha waydiiyaan, taas oo xilligan maraysa in saxaafadii iyo Madaxweynihii la kala dhex dhigo dayrkii Barlin.
La soco…….