Baydhabo(GNA)-Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in madaafiic hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaasoo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.
Sida ay wararku sheegayaan, xoogag ka tirsan Shabaab ayaa madaafiicda ku garaacay garoonka diyaaradaha iyo saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarkaas, kaasoo ku garaaceen xarumaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, isla markaana ay qasaare lixaad leh ugu geysatay.
Ma cada qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkas, mana jirin wax jawaab ah oo ay ciidamada ka bixiyeen, intii weerarka duqeynta lala eeganayay goobahaas.
Dhinaca kale diyaarad Helicopter ah oo ka timid magaalada Muqdisho ayaa lagu rasaaseeyay duleedka Baydhabo, iyadoo diyaaradan ay saarnaayen Saraakiil.
Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaradan lagu weeraray qoriga Zuuga ee lidka diyaaradaha, iyadoo aan la sheegin in khasaare la gaadhsiiyay iyo in kale, taasoo markii dambe caga dhigatay garoonka diyaaradaha Baydhabo.
Xoogag ka tirsan Shabaab Ururka Al-shaabab ee Khilaafku ka dhexeeyay, ayaa weeraro ka soo qaaday Fadhiisimo ku ay ku leeyihiin agagaarka Magaalada Baydhabo.
Gobanimonews
Muqdisho Officce