(GNA) Ugu yaraan 22 ruux ayaa ku geeriyootay dhul gariir ka dhacay gobolka Aceh ee dalka Indonesia, wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dadka geeriyootay ay u badanyahinn caruur iyo haween oo iyagu ku sugnaa aqala dooda ama xaafadahooda xiliga uu gilgilayay gobolka Aceh dhul gariirka.
Ku dhawaad 200 ruux ayay ka soo gaadheen dhaawacyo kala duwan waxana lagu arkaaya wadooyinka waaweyn ee gobolka Aceh ciidamo fara badan oo iyagu xidhay wadooyinka islamarkaana ka wada hawl galo magalooyinka hoos taga gobolka Aceh uu ka dhacay khasaaraha dhul gariinka.
Dadka ku dhaawacmay dhulgariirka ayaa qaarkood loo qaaday Isbitaalada magaalada Jakarta ee caasimada dalkasi Indonesia maadama xaaladooda lagasii dayriyay waxaa soconaya baadhitaano ay ku dhaqaaqeen ciidamada iyo qolooyinka kala duwan ee dowladda waxayna sheegeen inay ka hoos baadhayaan guryo fara badan oo la aamisanayahay in ay dad ku dumeen.