Qaahira(GNA)Madaxweynihii Masar Maxamed Mursi ayaa xilka ka degay Caawa ka dib Kacdoono lagaga soo horjeeday oo todobaadyadan ka socday Waddanka.
Mursi ayaa Xilka ku wareejiyay Guddoomiyaha Maxkamadda saree ee waddankaasi, saacado kooban ka dib markii uu ku dhawaaqay inaanu u hogaansanamayn Digniin uga timi Milateriga dalka.
Hogaamiyayaasha Milateriga Masar, ayaa maalintii shalay Mursi u soo jeediyay inuu talada wareejiyo, waxaanay taasi keentay Mudaharaadyo iska soo horjeedo oo ay dhigayeen Taageerayaashii iyo kuwa Mucaaridka ee ka soo horjeeday.
Go'aankaa uu qaatay, ayaa ah mid Dalkaasi u horseedaya Degenaanshiyo ama Qalalaase siyaasadeed oo ka sii xun xaalada Iminka taagan.
dadka ka faalooda arrimaha siyaasada Carabta ayaa sheegaya inay arintani Masar u horseedayso Bur-bur iyo in laga niyad jabo Doorasho dambe oo Madaxweyne lagu doorto.
Saddex doorasho ayaa dalkaasi ka dhacay tan iyo markii xukunka laga tuuray Nidaamkii Xusni Mobaarik 2011-kii.
Gobanimonews
Qaahira.