Hargeysa(GNA)-Qareen Maxamuud Cabdiraxmaan Xaaji Nuur oo ah Qareenka Wargeyska Hubaal Difaacayay, ayaa sheegay inaanu ku qanacsanayn xukunka maanta ka soo baxay maxkamadda, isla markaana med-medow ku jiro meelaha laga soo dheegtay eeddahaa wargeyska loo soo jeediyay.
Cabdi-raxmaan Xaaji Nuur, ayaa siddoo kale ku dooday inuu Rafcaan ka qaadatay xukunkaasi oo uu dhaliilo badan ka soo jeediyay.
“Cadaymaha Maxkamadda la keenay may ahayn kuwo laga soo xigtay wargeyska Hubaal, waxaanay ahayd waraaq Dheer oo ka samaysan laba waraaqood oo laysku xidhay, markii aanu Dalbanay in la cadeeyo in Warqadani tahay Waraaqihii wargeyskana waa laga war-wareegay, waxaanan u aragnaa inaanay ahayn wixii maxkamadda la keenay wax wargeysku qoray, waayo markii hore ee la diyaarinayay Eeddaha maxkamadda may keenin”ayuu sheegay mar uu warbaahinta la hadlay.
Waxaanu intaasi raaciyay “Xukunkan sidaasi ayaanu ku dhaliilsanahay, kuna sii dhaliili doonaa, waxaanan ka qaadanay Rafcaan oo kuma qanacsanin”.
Dhinaca kale, Warbaahinta Somaliland ee Muxaliga ah, ayaa caawa ilaa maanta si weyn uga hadlaysa Xukunka iyo xadhiga lagu riday Wargeyskii Hubaal iyo Masuuliyiintii ugu saraysay, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay talaabo ay arintani ku diidanyihiin qaadeen Saxaafadda Madaxbanaani.
Bulshada ayaa sidoo kale si weyn arintan uga xumaatay, waxaana isa soo taraya cambaareynta ka imanaysa qaybaha siyaasada iyo Ururadda Xuquuqda Aadamaha oo talaabadan ku tilmaamay mid meel ka dhac ku ah xoriyatal qawlka iyo Madaxbanaanida saxaafadda.
Wargeyska Hubaal ayaa horaantii bishii hore Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ku soo rogtay Xayiraad ay ku madnuucayso inuu soo baxo, taasoo markii ay Todobaad saarnayd ka dib Maxkamadda Gobolka laga bilaabay Dhegeysiga Dacwadaha loo cuskaday Xayiraadaasi.
Xukunka maanta lagu riday ayaa ah mid aan Kalsooni badan lagu qabin, waxaana lagu dhawaaqay xili aan ilaa hada Maxkamad laga furin weerar Bishii April goor habeenimo ah lagu qaaday xaruntaa Wargeyska oo dhaawacyo loogu geystay Mulkilaha Wargeyska Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha.
Hay’adaha Dambi-baadhista Somaliland iyo kuwa Garsoorka, ayaa Weerarkaasi oo loo qabtay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Bilayska wax natiijo ah ka soo saarin, halka Suxufiyiinta ka dhur-sugayay in kuwii dhibtaasi u geystay Cadaaladda loo horkeeno iyagii Xabsi iyo Ganaax laysugu daray.
Gobanimonews
Hargeysa Office